Maxaynu Ka Baranay Sanadkan 18ka May /Qalinki suxufi madax banan cabdiraxmaan maxamed xidig

May 24, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

iyadoo shacbiga  reer somaliland ay ka midyihiin   bulshooyinka caalamka ee dhowaan la jaanqaaday nidaamka dimuqraadiyada  oo runtii hadii gees laga eego la odhan karo, waxaynu kaga horaynaa dalal badan oo ka mida caalamka, tusaale ahaan  dhanka bisaylka siyaaasadeed ee qabashada dooroshoyinka iyo aasaaska hanaanka xisbiyada badan oo somaliland  kaga badbaaday khataro farabadan.

Hadana dhinaca kale waxaad moodaa in  xisbiyadeena mucaaradka ah iyo warbaahinta qaarkood  ay dhinac khaldan iska taageen fahamka dimoqoraadiyada  kuwaasoo ka bartay oo qudha dhanka dhaliisha iyo  ceeb u yeelka shay kasta oo nadiifa.

Runtii cidkasta oo la timaada sax  ama  khalad, waxay mudan tahay in loo eego hadba  ficilka la sameeyey, laguna abaal mariyo  wanaag ama dhaliil hadba kuu leeyahay.

akhristayaal, waxaan jecelahay in aan halka ku soo bandhigo fekerkayga aan ku taageerayo, kuna amaanayo talaaboyinkii u danbeeyey ee xukuumada madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo  u qaaday dhanka wanaagsan ayna kow ka tahay waxka bedelka  sanadkan 2017 ay xukuumadu ku samaysay nidaamkii hore ee loo xusi jirey maalinta lasoo noqoshada xoriyada Somaliland, maadaama uu dalku hada ka soo kabanayo diiftii abaarta dabadheeraatay.

waxaan hambalyo u soo jeedinayaa golaha wasiirada Somaliland  oo uu ugu horeeyo wasiirka wasaarada Madaxtooyada Somaliland maxamuud xaashi iyo wasiirka warfaafinta Cadaani oo hormood ka noqday fulinta  go;aanka  madaxweynaha ee dhimista kharashkii faraha badnaa ee ku bixi jirey xafaladahaasi oo doorkan loo asteeyey in wax loogu qabto dadkeena masaakiinta ah ee la daalaa dhacaya diiftii abaarta dabadheerayd ee ku dhifatay gobolada bariga Somaliland.

waxyaabaha  lagu xusuusan doono xuskii 18ka may ee sanadkan 2017kana waxaa ka mida in habeenkii xuska munaasibada  lagu soo xerooyey lacag kor u dhaaftay  malaayiin dollar  iyadoo  si toosa looga  daawanayay 12 tv

 

Hadaba Wasiirada Xaashi iyo Cadaani waxaan leeyahay  hambalyo, hadaanu nahay dhalinyarada  waxaanu kugu barbartaaganahay  dulqaadka iyo samafalka, nabada iyo  horumarka iyo waxkasta oo wanaagsan oo beri ka maalin dhaxal u noqon doona dhalinyarada higsanaysa mustaqbalka in ay hogaamiyaan dalka /Qalinki suxufi madax banan cabdiraxmaan maxamed xidig

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Screenshot Wershad Somaliland Lahayd Oo Ay Bedeleen Warshado Laga Leeyahay Wadamada Chinna Iyo Jabaan/Qalinkii Weriye Cabdiraxmaan Tiriike    August 17, 2017
Hore Waxay U Ahayd Wershad Meel Hal-bawle Ah Ugu Jirtay Umada Ku Hadasha Afka Somaliga Waana Mid Muu
20891354_10214158041289739_240530483_n HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed    August 15, 2017
HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed. Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaft
Baro-bixinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)    August 9, 2017
Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuw
Hambalyo Meher Wacan    August 6, 2017
Xamse Maxamed Carten, Salaabeen Xuseen Cabdi, Sidiiq Cabdi Cismaan, Saleebaan Cabdi looliye, Saalax
Wankii La lumay Baraarka    August 5, 2017
Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
August 2017
M T W T F S S
« Jul    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
Site stats
  • Who's Online

    1 visitors online now