MARSADA BERBERA – LABA LAYSKU HELI MAAYO (W/Q: C/RAXMAAN CAYDIID)

March 14, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Marka hore Mahad oo dhami Eebe ayay u sugnaatay, Nabadgelyo iyo Naxariisina Suubanaheena Muxammad. Marka xiga waxaan Salaan Diiran hawada u marinayaa bahda Saxaafadda iyo qof kasta oo qoraalkaygani soo gaadho

Waa qoraal kooban oo aan akhristayaasha kula wadaagayo dareekayga ku wajahan arimaha iyo dareenada kasoo cusboonaaday Wareejintii Maamulka Marsada Berbera ee maalmahan taagan.

SAWIRKA INOO MUUQDA

Golaheena Wakiiladu wuxuu ansixiyay isfaham laba dhinac (MoU) wada saxiixeen waa waa Xukuumaddeena iyo DPW.

 

Saldhig Milateri (Military base) isna warkiisa waa socdaa.

Somalia kuma faraxsana arintan, sidaynu warbaahinta kala socnay, siiba Saldhigga.

Dad muwaadiniin Somaliland ah oo mudaharaado dhigay/dhigayaana waa jiraan oo dibadda ka dhaqdhaqaaqaya.

Haldoorka Somaliland (Somaliland Elite) waa ku kala qaybsanyihiin fikirka, siiba saldhiga.

Shaqaale badan oo la yidhi waa laga tegay waa la sheegay. Shaqaalihii intii la qaatay lafteeda oo iyana mudaharaaado iyo shaqo joojin ku dhaqaaqayna waynu arkaynaa.

Su’aalo dhowr ah oo muhiim ah oo aan jawaabo loo haynin ilaa imika iyana way jiraan ama cid walibana siday doonayso ama aaminsantahay uun ay uga falceleinayso/jawaabayso.

Intaa haddan sawirka ina horyaala ku dhaafo, aan u gudbo bal meesha aynu ka qodax qaadanay ama arinta shaqaaluhu ka demi la’dahay.

MAXAA KHALDAMAY

Waxa khaldamay wax kale maaha. Dekadda dadka ka dheefsan jiray waxa loo arkay inay Shaqaale yihiin. Su’aashu se waxa weeye magaca “Shaqaale” sax ma ku yahay in lagu cabiro. Waxaa laga yaabaa inaad is tidhaahdo haddaa maxaa kale lagu sheegi lahaa. Waa run ma jiro wax kale oo lagu tilmaai karo oo aan ahayn inay Shaqaale Dawladeed yihiin ama Shaqaale kale oo iskood u xamaashaba.

 

Aan dib kuu yaraceliyo taariikhda e, sidii wadanka looga eryay ina Siyaad Barre, Dekadda Berbera weligeed shaqaalaysiini kama dhicin (in essence), balse waxa ka dhacay wax la yidhaahdo Abaabul-Kasaar “Demobilisation”. Macnaheedu yahay waxa laga shaqaalaysiiyay dad badan oo ahaan jiray dadkii dagaaladii dalka ka dhacay kasoo qayb qaatay (War Veterans). Waxaa kaloo jirta in aan dadkaas weligood loo sheegin noloshu way isbedelaysaaye xirfado iyo aqoon korodhsi baad u baahantihiin, runtii weligoodna looma diyaarin barnaamijyo noocas ah, cid kastaaba eedeeda ha lahaato e.

 

Waxaa kale oo aan dareensanahay inaan DPW weligeed loo sheegin dadkani ama shaqaalahani, ninba siduu u yaqaano, nooca ay yihiin, filashadoodu (expectations) waxay yihiin. Iyana (DPW) waxay la yimaadeen uun nidaamkii qiimaynta shaqaalaha ee caadiga ahaa (performance management, skills/competencies assessment). Iyagoo raacaya nidaamkii ay Djibouti kula wareegeen. Runtii taasina sax mawada aha waayo labada deegaan (Contexts) baa kala duwan. Dad shaqaale caadiya soo ahaa iyo kuwo dagaalo kasoo doogay ama kasoo qayb qaatay oo

meesha lagu abaabul ka saaray bay kala ahaayeen. Waxaan dareensanahy in aanay DPW qiimayn (Risk management assessment) sax ah samayn, ee shaqaale shaqadu ka dhamaanayso iyo kuwo la qorayo uun habkeedii la maray (Termination & recruitment process).

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
jk Talo Soo Jeedin Ku Socota Dhinacyada Ku Hawlan Gurmadka Abaarta Somaliland    March 24, 2017
ilaahay baa mahad leh, waxaan halkan duco iyo salaamad ugu dirayaa Gudiga Abaaraha Qaranka ee Culima
Madaxweyne Kastaba Hoggaamiye Ma Noqon Karo: W/Q Cabdiraxmaan Cadami    March 22, 2017
Inkasta oo dadka qaar isku qaldo labada darajo, Madaxweyne kasta ma noqon karo hoggaamiye laakiin, h
Ahmed wall Qormo taxane ah oo Ribada iyo Muraabaxada ka hadlaysa    March 18, 2017
In dhowaale waxa yeedhay qaylo-dhaan gilgishay inta damiirkoodu nool yahay. Dhiiladan baa ka dhalate
cabdi caydiid MARSADA BERBERA – LABA LAYSKU HELI MAAYO (W/Q: C/RAXMAAN CAYDIID)    March 14, 2017
Marka hore Mahad oo dhami Eebe ayay u sugnaatay, Nabadgelyo iyo Naxariisina Suubanaheena Muxammad. M
thumbnail_Mustafe MAQAAL: Maxaa U Dhaxeeya Baggiyada Islaamiga ah Iyo Banggiyada Ganacisga (Ribawiga ah)    March 11, 2017
1. Waa maxay Banggi Dul-saar leh (Ribo) Conventional Banks? 2. Waa maxay Banggi islaamiya? 3.
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
March 2017
M T W T F S S
« Feb    
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
Site stats
  • Who's Online

    1 visitors online now