MAQAAL: Dawladda Iyo Nolosha –Qaybtii Koowaad. W/Q: Dr-Mohamed Abdilahi .

April 11, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Q1aad : Falsafadda dawladnimo : …………………………………………….. Dawladnimoda iyo fasiraaddeedu waxa ay in mugleh ka haysatay doodaha falsafadda siyaasadda iyo aqoonta bulsho muddo aad u dheer oo ku taxan sooyaalka uunkeena , la isla mana meel dhigin falsafadda ka dambeysa abuurka dawlad iyo waxii dadka baray ; tusaale ahaan faylasuufyada qaarkood ayaa yidhi nidaan dawladeed waxa uu salka ku hayaa in dadka taagta daran kaga gabadaan in ay adoonsadaan kuwa awoodda badani , qaar kalena waxa ay yidhaahdeen dawladdu waxa ay ka dhalatay dadaalka ay kuwa awoodda badani ugu jiraan in ay adoonsadaan kuwa awoodda yar , dawladdu waxa ay ka dhalatay damaca guumeysi iyo waxa ay ka dhalatay damaca gobonimo ayaa ah labo aragti falsafi ah oo lid isku ah hadana mid waliba leedahay maangalnimo ! sida ay labadaa aragtiyood u kala fog yihiin ayaa ay u baahsan tahay doodda ku saabsan asalka dawladeed .

Inta aynaan faqin falsafadda dawlad aynu siino qeexitaan kooban oo ah mid hadda la isla ogol yahay ; dawlad waa hanaan maamul oo leh dhul la isla yaqaan , shacab ku nool , awood xukunta ( xukuumad ) oo ay u raacdo madaxbanaani (sovereignty) iyo aqoonsi . Abuurka dawladnimoda : dadku waa noole kaga gaddisan nooleyaasha kale garaadka waxa se uu la wadaagaa dhaqamada dhalanka ah (qariizooyinka) oo ay ka mid tahay u tartamidda quudka si xubin kasta oo noole ah nolosha u xejisato (survival) , dadku tan iyo abuurkiisii waxa uu loolankaa nolosha ku la jiray nooleyaasha kale iyo dhexdiisa , waxa uu garaadku baray in ay isku duubni iyo is garabsi ku muquunin karaan dabeecada deegaanka ee ay quudka kala soo baxaan taasi waxa ay bartay in uu noqdo noole bulshaawi ah oo wada-jir u nool (social being) waxa se wali furdaamis u baahan loolanka dadka dhexdiisa iyo hardanka ka dhexeeyo xubnohiisa oo iyana keentay in ay isa sii kala bahaystaan oo kooxo kooxo gooni isula jira sii yeeshaan se ma dhamaado loolanku ugu dambeyntana loolanka ilaha quudku waxa uu halis ku yahay nolosha lafteeda si ku lid ah dhalanka (qariisada) waaridtaanka ee noole walba rabo markanna garaadku waxa uu baray in ay hindisaan hanaan kale oo ay loolankooda ku furdaamiyaan iyada oo la dhawrayo hiilkii dabeecadda la isaga garabsanayo waxaana sidaa ku abuurantay waxa aynu ugu yeedhi karno DAWLAD oo heerar badan soo martay lana horumaraysay garaadka ama koboca baraadka ! Dadka qaar waxa ay yidhaahdeen dawladnimadu waa hab ay hindiseen kuwa awoodda leh si ay qaab caqliyeysan ugu sii xejistaan qaybta libaax ee ay ka helaan ilaha dhaqaale oo waagii hore hogaaminta waxa lahaa qofka ugu xoogga badan ka dibna waxa yeesha qofka ugu ciidanka badan ilaa haddana ciddii cudud badan ayuun baa badsata ilaha dhaqaaleha iyo talintaba sidaa awgeed dawladnimadu waa hab ay dadka awoodda leh ku gumeeyaan dadka tamarta yar si ay uga badsadaan quudka nolosha iyo ilaha laga helo ka dibna dhaqamowday oo basharku qabatimeen ! kuwo kale waxa ay yidhaahdeen , maya e , dawladnimadu waxa ay ka dhalatay warwarka ay dadka jilicdasan ka qabaan in gobonimada (xornimada) laga qaado oo xataa midka awoodda leh waxa uu ka walaacsan yahay in mar uun laga taag weynaan doono ka dibna laga qaadayo

quudka uu heli karo ; warwarka taagdarro ayaa keenay in ay hindisaan dawladnimada oo ah

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Mashruucii Biyo Galinta Tog-Wajaale Halkuu Ku Danbeeyey Tolaw Hagrashadu Ma Wasaarada Biyahaa Mise Waa Xukuumada.    June 16, 2017
Mashruucii Biyo Galinta Tog-Wajaale Halkuu Ku Danbeeyey Tolaw Hagrashadu Ma Wasaarada Biyahaa Mise W
Qalalaasaha Diblomaasiyadeed ee Qatar iyo Carabta kale: Maxaad Kala Socotaa?    June 6, 2017
Shalay 5tii June, 2017 waxa dhacay dhacdo diblomaasiyadeed oo taariikhi ah, dalal badan ayaa xidhiid
Daawo: Mooshin Ka Dhan Kelmadda DHAQAN-CELIS    May 24, 2017
- Barnaamijka kulanka Gorfaynta oo ka baxa idaacadda Radio Maqal oo laga dhegayso Oslo iyo nawaaxige
Maxaynu Ka Baranay Sanadkan 18ka May /Qalinki suxufi madax banan cabdiraxmaan maxamed xidig    May 24, 2017
iyadoo shacbiga  reer somaliland ay ka midyihiin   bulshooyinka caalamka ee dhowaan la jaanqaaday
thumbnail_vvv Hambalyadii 18 May ee Itoobiya oo Jabuuti, Turkiga, Kenya ka aamuseen, oo dareenka shacabka Somaliland    May 20, 2017
Hargeysa- Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa noqday dalka keliya ee ku soo hambalye
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
June 2017
M T W T F S S
« May    
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now