“Madaxweyne Siilaanyo Iyo Golihiisa Wasiiradu Way Taageereen Madaxweynaha Somalia Markii La Doortay, Waxaanuse Garan La’nahay Waxay Uga Saseen Marwada Uu Wasiirka Khaarajiga U Magacaabay” Md C/Raxmaan Xoog
December 6, 2012 - Written by EditorHargeysa,(Somalilandfuture) Gudoomiyaha guddiga arrimaha gudaha iyo nabadgalyada ee golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) ayaa sheegay inaanay jirin cid ka hor istaagi karta wasiirka arrimaha dibada Somalia marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan inay timaado caasimada dalka ee Hargeysa, waxaanu tilmaamay in xeerkii dabrayey xubnaha Somaliland ee ka qaybgala maamulada Somalia ay laaleen golayaasha Baarlamaanku, waxaanu intaa ku daray inaanu jirin wax xidhiidh ah oo isaga iyo wasiirka arrimaha dibada Somalia Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan dhexmaray.
Md Cabdiraxmaan Xoog waxa kale oo uu ka hadlay sababaha uu ururada cusub ee ku tartamay doorashada golayaasha deegaanka uu midkoodna ugu biiri waayey, maadaama uu yahay xildhibaanka kaliya ee xildhibaanadoodii xisbigii Udub ee laga soo doortay ee burburay ee ilaa hada aan ku biirin urur kale iyo arrimo kale oo la xidhiidha xil safiirnimo oo la sheegay in looga magacaabi doono dalka Somalia. Md Cabdiraxmaan Xoog waxa uu sidaasi ku sheegay xogwaraysi kooban oo uu shalay wargeyska Haatuf kula yeeshay xarunta golaha wakiilada, kaas oo ugu horayn aanu su’aal ka waydiinay xidhiidho la sheegay inay dhex mareen wasiirka arrimaha dibada Somalia, oo la sheegay inay isla soo hadal qaadeen aragti ku saabsan in Safiirka Somalia ee dalka UK looga magacaabi doono, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Arrinkaasi waxba kama jiraan, markii Foosiyi ururka NDP ay furatay Hargeysa waan ka maqnaa waxaanan ku maqnaa London inantaa cadaalad darro ayaa lagu sameeyay, hase yeeshee waa inan reer Somaliland ah wax xidhiidh ah oo ay ila soo samaysayna ma jirto, xilkaasi Raysalwasaare ku xigeenka rag ayaa hore usoo qabtay oo waxa ka mid ahaa Sifir oo maantana wakiil Somaliland uga ah dalka Kenya, jagada wasiirka arrimaha dibada ee ay imika hayso marwo Foosiyina waxaa hore u qabtay Maxamed Cabdillaahi Oomaar, Ismaaciil Buubaa iyo Xuseen Carab Ciise, isla markaana Ra’iisal wasaare ku xigeen ahaa, sidii ay ragaasi horeba xilalkaasi u qabteen dalkana iska iman jireen ayuun bay xilkaasi u qabatay, xeerkii xakamaynayay xubnaha reer Somaliland ee Somalia xilal ka qabtana waa tii golayaasha Baarlamaanku ay laaleen, arrinkaasina waa mid curad ah’e mid uguba maaha, anigana wax xidhiidha ilamay soo samaynin”. Gudoomiyaha arrimaha gudaha iyo nabadgalyada golaha wakiilada Cabdiraxmaan Xoog oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaa ku daray “Horta anigu waxaan ka mid ahay golaha wakiilada Somaliland, waana arrin dacaayad ah oo aan sal iyo raad toona lahayn xil la iiga magacaabayo Safiirka Somalia ee dalka UK ma jiro”. Md Cabdiraxmaan Xoog mar aanu waydiinay sida uu sheegay wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cabdillaahi Geel-jirre ee uu yidhi, marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ma banaana inay dalka Somaliland timaado, waxa uu yidhi “Maxay u iman wayday Foosiyi dalka Sifir-ba wuu yimide oo waliba safiir loo magacaabay’e, bal cida u diidaysa inay Hargeysa timaado Foosiyi ee ka celin karta aanu aragno, waana reer Hargeysa cida ka celin karaysa magaaladii ay ku dhalatay ha soo baxdo waa sune la jeexaye madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo wasiiradiisu waxay taageereen madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud markii xilkaasi loo doortay. Hase yeeshee waxa laga yaaban yahay maadaama ay taageereen madaxweynaha Somalia, sababta ay uga saseen wasiirka arrimaha dibada ee uu magacaabay, sidaa darteed 58-ka xildhibaan ee reer Somaliland ahina ay ku jiraan Baarlamaanka Somalia, waxaanu garan laanahay sababta ay uga qaylinayaan wasiir Foosiya” Xildhibaan C/raxmaan Xoog mar aanu waydiinay maadaama uu yahay xildhibaanka kaliya ee Udub ee aan ku biirin urur kale wararka sheegaya inuu Wadani ku ku biirayo waxa ka jira, waxa uu yidhi “Horta wadani wax dhaamaa-ba ma jiraan saddexda xisbi ee imika soo baxay, Kulmiyena iyagaaba hore mucaarid iigu ahaa, Ucidna xisbi iska Junior, laakiinse xisbiga hada muuqdaa waa xisbiga wadani, ilaa hadase maan go’aansan halka aan ku biirayo, gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro-na waa siyaasi qunyar socod ah, laakiinse waxaan kula dardaarmayaa xisbiga wadani markuu soo baxo inuu noqdo xisbi mucaarid ah oo adag”.
Aas-aasaha Wikileaks Julian Assange oo ka Hadlay Cidhiidhiga Xoriyada Saxaafada June 19, 2013
Julian Assange oo ah Ninka aasaasay shabakada saamaynta wayn ku yeelatay dunida ayaa sanad |
Dawladda Masar iyo Itoobiya oo ku Heshiiyey in Biyaha Nile la Qaybsado, Wadahalada la sii Wado June 19, 2013
Addis Ababa (SLF/W.Wararka) - Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka Masar iyo Itoobiya, ayaa ku heshii |
Anigaa Reer Hebel ka Badan ma Soconayso Waxaanad Ilaahay Inooga Baridaan…’Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo booqasho ku tagay Boorama iyo nin magaalada Xariirad lagu dilay oo la aasay + magacyada dad falkaas loo qabqabtay June 19, 2013
Boorama (SLF)- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil |
Telesom oo Liblaabtay Boobka iyo Bililiqadda ay ku Hayso Warbaahinta Madaxbanaan ee Somaliland iyo Dhaqamad Cusub ee aan ladhayal san karin June 19, 2013
Hargeysa(Somalilandfuture) shirkad telesom oo ka mid ah shirkadah isgaadhsiineed ee dalka ayaa, mudo |
ILA-EEG iyo KULA-EEGAY ee khamiis laha ahaa oo aan khamiistii idiin soo gudbin barnaamijkii oo maanta eegaya Daahir Culusaw iyo weerarka uu ku hayo Dahab-shiil. June 18, 2013
ILA-EEG: Waxa la yidhi beleda aan kaa qoslini belo maaha, miyaa aragteen yarkii mooryaank |
Archives |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Site stats |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||



