Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane. Cabdiraxmaan (Saylici), ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wefti xaqiiqo raadis ah oo ka socday dalka Maraykanka.

April 20, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Hargeysa- (SLF)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo xafiiskiisa kula kulmay wefti ballaadhan oo ka socday dalka Maraykanka oo ay ujeedka safarkoodu ahayd xaqiiqo raadis dhinaca arrimaha Somaliland oo abaartu ugu horayso.

 

Madaxweyne ku xigeenka oo soo dhawaynta ka dib warbixin dheer ka siiyey xaalada guud ee dalka iyo ta abaaraha ayaa u sheegay weftiga inay Somaliland tahay dal nabadgelyo ah oo horumar balaadhan ka sameeyey arrimaha bulshada, waxaanu ku dheeraaday madaxweyne ku xigeenku xaalada abaareed ee wakhtigan ka taagan dalka iyo in xoolihii laga soo gudbay oo ay dadkii haraad u dhimanayaan.

 

Markii shirka laga soo baxay ayey Dr. Edna Aadan Ismaaciil oo saxaafadda la hadashay ayaa tidhi “Sharaf wayn bay noo tahay in uu Madaxwayne ku-xigeenkeenii nasoo dhaweeyay halkana aanu ku qaabilnay wefti inooga yimi dalka maraykanka weftigani kama socdaan dawlad iyo magaalo toona balse waxa fariin soo faray aqalka odayaasha Maraykanka oo u soo diray xaqiiqo raadis abaaraha jira markaa abaartaasi ma dhabaa, Somaliland waxa la sheegayaa nabad tolow nabadaasi ma jirtaa? farriinta aynu inagu dadka u fidino waxa mar walba ka qiimo badan farriinta dadka kale inaga qaadaan waa makhraati furan waana safar saaxiibtinimo waanu soo dhawaynay wixii ALLE taa ka keenana gacanta ALLe ayay ku maqan tahay.

 

Abaaruhu siday yihiin ayaanu tusnay, doorashooyinka waxaanu ka qabnana waanu u sheegnay  in ay dib inooga dhaceen duruufahaa ALLe keenayna ee aanay ahayn qaar inaga dhinaceena ka yimi ayaanu u sheegnay waxaanu u sheegnay inuu wadankeenu nabad yahay dadkiisuna nabad ku degan yahay dadkiisu nool yahay, dalkiisu horumar  ballaadhan samaynaayo awoodahaas cida gacan naga siisay ee dibada ka timina ay iska yar yihiin waxaanu qabsanayna annagu aanu qabsanay awoodeena ku qabsanay, dadaalkeenana ku qabsanay, wadajirkeena iyo wada shaqaynteenana aynu ku qabsanay loona baahan yahay inaanu halkaas kasii wadno, markaa ummadeena waan u mahad naqayaa iyo xukuumadaba oo ogolaatay in waftigani dalka soo galaan oo ay wax inala arkaan”.

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
thumbnail_cabdi caydiid QAYLO-DHAANTA CABDILLAHI JAWAAN – SAX MISE KHALAD? (W/Q: C/RAXMAN CAYDIID)    April 13, 2017
Marka Hore Mahad Oo Dhami Eebe Ayay U Sugnaatay, Nabadgelyo Iyo Naxariisina Suubanaheena Muxammad. M
thumbnail_17309779_425862594415240_4872512848930050901_n Fashilka wasaarada warfaafinta ee ku aadan doodaha lagu wiiqayo jiritaanka somaliland ee kaga imanaya tv yada iyo idaacadaha    April 12, 2017
Fashilka wasaarada warfaafinta ee ku aadan doodaha lagu wiiqayo jiritaanka somaliland ee kaga iman
thumbnail_Dr-Mohaamed-Abdilahi MAQAAL: Dawladda Iyo Nolosha –Qaybtii Koowaad. W/Q: Dr-Mohamed Abdilahi .    April 11, 2017
Q1aad : Falsafadda dawladnimo : ..................................................... Dawladnimoda i
thumbnail_mahad Hargaysa, Caasimad la hagraday (W/Q: Mahad Muxumed C/salaam)    April 6, 2017
Caasimada Hargaysa ee Jamhuuriyada Somaliland waxay baarka ka jartay 25 sanno hase yeeshee isbedel l
thumbnail_abdirashid guledi ahmed Ka-Faaiidaysiga Biyaha Roobka iyo Xakamaynta Gaajada W/Q: Abdirashid Ahmed Guleid.    March 28, 2017
Somaliland, marka la eego xaalada ay hadda ku jirto, waxa lagu tiriyaa wadamada ugu dib-dhacsan mark
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
April 2017
M T W T F S S
« Mar    
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now