Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wefti Ballaadhan Oo Ka Socday Hay’adda Save the Children Faraceeda Maraykanka

May 2, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Hargeysa(SLF)- Madaxweyne ku xigeenka JSL mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ballaadhan oo ka socday Hay’adda Save the Children faraceeda Maraykanka.

 

Weftigan waxa hogaaminaysay Agaasimaha guud ee Hay’adda Save the Children ee dalalka Somaliland iyo Somalia, Ms Carolyn Miles oo uu wehelinayey wakiilka (isu-duwaha) Somaliland Mukhtaaar Muxumed Xasan.

 

Ugu horrayn Mukhtaar Muxumed Xasan oo ah Masuulka Hay’adda Save the Children u qaabilsan Somaliland ayaa M/weyne ku xigeenka si qoto dheer ugaga xog warramay hawlaha iyo mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini’aadamino ee ay ka fuliyaan JSL. Sidoo kale, Hay’addani waxay ka war bixiyeen doorka ay ka qaateen Gargaarka iyo Gurmadka abaaraha baahsan ee dalka ka jira.

 

Waxay soo ban dhigeen qorshe shaxaysan oo muujinaya qaabka ay u hawlgaleen, noocyada gargaarka ah ee ay dadka tabaalaysan u fidiyeen iyo goobaha ay gurmadka Abaaraha ka fuliyeen. Waxa iyana kulankaa si mug leh uga hadashay Ms Carolyn Miles oo sheegtay inay booqatay meelo badan oo ka mid ah JSL isla markaana ay indhaheeda ku soo aragtay baaxadda baahida iyo dhibaatada ay abaaruhu ummadda u geysteen, taasoo u baahan in loo gurmado. Agaasimaha Guud ee Hay’dda Save the Children USA Carolyn Miles waxay sheegtay in iyada qof ahaan iyo ururkeeduba ay sii labanlaabi doonaan kaalmada ay kaga qayb qaadanayaan Gargaarka Abaaraha.

 

Haweenaydan ugu sarraysa Hay’adda Save the Children USA, waxay Shacabka iyo Dawladda Somaliland si mug leh ugu ammaantay sida ay ugu gurmadeen ummadooda ay abaaruhu tabaaleeyeen, gaar ahaana waxay aad ula dhacday nidaamka Mobile Money Transfer-ka oo ay sheegtay inuu wax weyn ka taray Gurmadka Abaaraha.

 

Ugu dambayntii, waxa kulankaa hadal mug leh ka soo jeediyey M/weyne ku xigeenka oo aad ugu mahad naqay Ms Carolyn Miles booqashada ay ku timid Jamhuuriyadda Somaliland iyo gargaarka bini’aadamino ee Hay’dda Save the Children USA ka fuliso dalka. M/weyne ku xigeenku wuxuu yidhi: “badanaaba dunidu waxay isku qaladaa Somalia iyo Somaliland, balse JSL waa dal ka gaar ah Somalia oo nabad ah, dimuqraadi ah oo isagu iskii isu tashaday oo ku guulaystay xasilooni, kala dambayn iyo sharciga oo lagu dhaqmo isagoon wax kaalmo horumarin ah ka helin bulshada caalamka. Sidaa darteed, waxa la gaadhay xiligii ay bulshada caalamku garwaaqsan lahayd jiritaanka JSL oo ah xaqiiqo dhab ah oo jirta.” M/weyne ku xigeenka wuxuu masuuliyiinta sare ee Hay’dda Save the Children USA ku booriyey inay Qaranka Somaliland ka taageeraan gurmadka abaaraha isla markaana ay sii laban laabaan gargaarka iyo kaalmada ay ugu tala galeen Abaaraha baahsan ee ka jira JSL.

 

Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyada

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Mashruucii Biyo Galinta Tog-Wajaale Halkuu Ku Danbeeyey Tolaw Hagrashadu Ma Wasaarada Biyahaa Mise Waa Xukuumada.    June 16, 2017
Mashruucii Biyo Galinta Tog-Wajaale Halkuu Ku Danbeeyey Tolaw Hagrashadu Ma Wasaarada Biyahaa Mise W
Qalalaasaha Diblomaasiyadeed ee Qatar iyo Carabta kale: Maxaad Kala Socotaa?    June 6, 2017
Shalay 5tii June, 2017 waxa dhacay dhacdo diblomaasiyadeed oo taariikhi ah, dalal badan ayaa xidhiid
Daawo: Mooshin Ka Dhan Kelmadda DHAQAN-CELIS    May 24, 2017
- Barnaamijka kulanka Gorfaynta oo ka baxa idaacadda Radio Maqal oo laga dhegayso Oslo iyo nawaaxige
Maxaynu Ka Baranay Sanadkan 18ka May /Qalinki suxufi madax banan cabdiraxmaan maxamed xidig    May 24, 2017
iyadoo shacbiga  reer somaliland ay ka midyihiin   bulshooyinka caalamka ee dhowaan la jaanqaaday
thumbnail_vvv Hambalyadii 18 May ee Itoobiya oo Jabuuti, Turkiga, Kenya ka aamuseen, oo dareenka shacabka Somaliland    May 20, 2017
Hargeysa- Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa noqday dalka keliya ee ku soo hambalye
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
June 2017
M T W T F S S
« May    
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now