Madaxweyne Axmed Silaanyo Oo Dalka Ku Soo Laabtay Saaka Iyo Shacbiga Caasimadda Oo Si balaadhan Uga Qayb Qaatay Soo dhaweeynta Madaxweynaha Iyo Weftigiisa.

July 14, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Hargeysa- (SLF)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka ku joogay Imaaraadka Carabta ayaa saaka dib ugu soo laabtay dalka iyadoo si balaadhan loogu soo dhaweeyey caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Subaxnimadii hore ee saaka waxa garoonka diyaaraha ee Egal Internationla Airport ka soo degay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ay wehelinayeen Marwada Koowaad ee qaranka, Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, wasiirka Madaxtooyada mudane Maxamuud Xaashi Cabdi,wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali.

 

Waxaana madaxweynaha garoonka diyaaraha ku soo dhaweeyey masuuliyiin uu horkacayey madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),wasiiro, madaxda dhaqanka, xildhibaano, haween iyo bulshada qaybeheeda kala duwan.

 

Sidoo kale markii madaxweynuhu ka soo baxay madaarka waxa barxada hore ee garoonka ku soo dhaweeyey dadweyne aad u tiro badan oo ay hormuud u ahaayeen maayarka caasimada, mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco)  iyo masuuliyiin kale, dadkaasi oo madaxweynaha ku soo dhaweeyey caleemo qoyan, ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, heesaha madaxweynaha qaranka loo qaaday intii uu talada dalka hayey, iyadoo ay dadkaasi qaar badan oo ka mid ahi ay eryo iyo weedho kala duwan ku qaabilay madaxweynaha iyo weftigiisa.

 

Madaxweynuhu markii uu soo gaadhay qasriga madaxtooyada waxa uu salaam sharaf ka qaatay ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ka dibna waxa halkaasi ku soo dhaweeyey dadweyne ku sii sugnaa xarunta qasriga.

 

Soo dhawaynta ka dibna waxa saxaafadda la hadlay afhayeenka madaxtooyada oo ka warbixyey ujeedada safarka madaxweynaha una mahadnaqay dadweynihii sida qiimaha leh u soo dhaweeyey madaxweynaha qaranka.

1 2 3 4 6 7 8 9 11 12 14 15

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
old man Indhihii Hibashada iyo Xusuusta La Ilmeeyey.    July 23, 2017
Maanta oo Axad ah ayaanu kulanay nin Oday ah oo aanu kawada tirsan nahay bahda shaqaalaha caafimaadk
BBC Soomaali Faallo: Si fiican ayay BBC-du Hargeysa ugu xustay lixdan-guuradeeda. Laakiin ma beddeli doontaa sida ay ula dhaqanto Somaliland?    July 20, 2017
Waxa Salaasadii Hargeysa lagu soo gunaanaday dabaaldeg Idaacadda iyo Telefishanka BBC-da ka socday m
DEG-DAG:- Ciidamada Booliska oo Jeelasha Ku Guray Saraakiil iyo Taageerayaal Ka Tirsan WADDANI+ Soo Dhaweyntii Weftiga Muuse Biixi ee Deegaanada Berbera oo Dadka Lagu Qasbaayey    July 18, 2017
Berbera- (SLF):-Ciidamada Booliska ee goballadaTogdheer iyo Saaxil, ayaa xalay illaa saaka xabsiga u
ahm aroos  1 HAMBALYO AROOS: Ahmed-daahir Maxamud Aw Faarax Iyo Fadxiya Xaaji Maxamed + SAWIRRO    July 17, 2017
Hargeysa— Aabo Maxamud Aw Faarax, Hooyo Faadumo Ibraahin Guled, Aamina Maxamud Aw Faarax, Cabdi Ma
1 Dad aan codba hayn yay ku durbaan tumin    July 17, 2017
Waxaynu aragnaa oo aynu tv yada ka dawanaa ragii dadka boobay oo leh beeshii waatan oo waxay u diyaa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
July 2017
M T W T F S S
« Jun    
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
Site stats
  • Who's Online

    1 visitors online now