Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay ku xigeenka madaxa hay’adda UNICEF Kalana Hadlay Gurmadka Abaaraha

May 9, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Hargeysa (SLF) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti balaadhan oo uu hoggaaminayey ku xigeenka madaxa hay’adda Qaramada midooaby u qaabilsan daryeelka caruurta ee UNICEF.

 

Madaxweyne Siilaanyo oo ay kulankaasi ku wehelinayeen Xubno ka tirsan golaha wasiirada oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada Md Maxamuud Xaashi Cabdi, iyo Warfaafinta Md Cismaan Saxardiid Cadaani. Madaxweynaha ayaa madaxda hay’adda UNICEF kala hadlay xaalada abaaraha dalka ka jira iyo gurmadka samata-bixinta ee ay waddo Xukuumadda Somaliland.

 

Kulankaasi ayaa markii uu dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo faahfaahiyey arrimaha ay Madaxweynaha Somaliland iyo madaxda Unicef ka wada hadleen waxaanu yidhi “ Saaka waxa halkan inala jooga oo inoogu yimid wefti balaadhan oo heersare ah oo ka socda hay’adda UNICEF ee jimciyada quruumaha ka dhaxaysa. Weftigan waxa hoggaaminaya ku xigeenka madaxa hay’adda Unicef  Cumar Cabdi ujeedada ay inoogu yimaadeen waxa weeye inay u kuur-galaan oo xog-ogaal u noqdaan xaalada abaaraha ka taagan wadanka, saaka waxay la kulmeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland , waxaanu ka wadahadalnay sidii layskaga kaashan lahaa sidii dadkaa waxa loogu qaban lahaa.”

 

Dr. Sacad Shire ayaa amaanay Unicef hawlaha ay Jamhuuriyadda Somaliland ka qabato waxaanu yidhi “ Hay’adda Unicef waa hay’ad  mudo badan Somaliland ka shaqaynaysay, shaqo aad iyo aad u wanaagsana ka qabata dhinacyo faro badan, dhinaca waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha intaba, waxaanu isla garanay in la sii xoojiyo wada shaqayntaa Insha Allaahu, waliba si dhakhso ah looga hawl gallo sidii loogu gargaari lahaa dadkaa ku tabaaloobay abaaraha.”

 

Cumar  Cabdi ku xigeenka madaxa hay’adda Unicef  oo isaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi “ Sharaf weyn ayey noo ahayd anniga iyo weftigaygaba ka socda New York, London, Nairobi iyo halkan Hargeysa, aad baanu ugu faraxsanahay in aanu fursad u hellno in aanu la kulano Madaxweynaha, iyo xubnaha golaha wasiirada oo aanu kala hadalno wada shaqaynta aanu lahayn dawladda Somaliland muddo dheer. Waxaanu sidoo kale fursad u helnay shalay in aanu booqano Caynaba, oo aanu aragno qaar ka mida dadka ay abaaruhu samaayeen.Waxaanu taageeraynaa iyadoo dawladduna ay nagu hogaaminayso dhinacyada caafimaadka, waxbarashada,  hawlaha nafaqaynta (Nutrition) iyo sidoo kale in biyo nadiif ah loo helo dadka ay abaaruhu saameeyeen.”

 

ku xigeenka madaxa hay’adda Unicef ayaa sidoo kalena amaanay dadaalka Dawladda Somaliland ee horumarinta adeegyada bulshada, waxaanu yidhi “ Waxa kale oo aanu ka wada hadalnay saaka sida loo soo celin lahaa qaab nololeedka dadkaasi si ay bulshadoodii dib ugu noqdaan, dibna u degaan mustaqbalka. Waxa kale oo aanu fursad u helnay in laga hadlo qorshaha fog ee aanu leenahay, kaas oo aanu joogtaynayno dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, daryeelka caruurta, biyo nadiif ah iyo hawlaha nafaqaynta (Nutrition), waxaanu aad ugu faraxsanahay in aanu la wada shaqayno dawlad ay ka go’an tahay horumarinta bulshada.”

 

Xafiiska Afhayeenka Iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Daawo: Mooshin Ka Dhan Kelmadda DHAQAN-CELIS    May 24, 2017
- Barnaamijka kulanka Gorfaynta oo ka baxa idaacadda Radio Maqal oo laga dhegayso Oslo iyo nawaaxige
Maxaynu Ka Baranay Sanadkan 18ka May /Qalinki suxufi madax banan cabdiraxmaan maxamed xidig    May 24, 2017
iyadoo shacbiga  reer somaliland ay ka midyihiin   bulshooyinka caalamka ee dhowaan la jaanqaaday
thumbnail_vvv Hambalyadii 18 May ee Itoobiya oo Jabuuti, Turkiga, Kenya ka aamuseen, oo dareenka shacabka Somaliland    May 20, 2017
Hargeysa- Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa noqday dalka keliya ee ku soo hambalye
thumbnail_cabdi caydiid QAYLO-DHAANTA CABDILLAHI JAWAAN – SAX MISE KHALAD? (W/Q: C/RAXMAN CAYDIID)    April 13, 2017
Marka Hore Mahad Oo Dhami Eebe Ayay U Sugnaatay, Nabadgelyo Iyo Naxariisina Suubanaheena Muxammad. M
thumbnail_17309779_425862594415240_4872512848930050901_n Fashilka wasaarada warfaafinta ee ku aadan doodaha lagu wiiqayo jiritaanka somaliland ee kaga imanaya tv yada iyo idaacadaha    April 12, 2017
Fashilka wasaarada warfaafinta ee ku aadan doodaha lagu wiiqayo jiritaanka somaliland ee kaga iman
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
May 2017
M T W T F S S
« Apr    
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
Site stats
  • Who's Online

    2 visitors online now