Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta Madaxtooyada ku qaabiley Gudoomiyihii hore ee golaha wakiilada ahna gudoomiyaha xisbiga Waddani oo maanta si rasmi ah iga casilay xilkaasi + sawiro.

August 2, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

(SLF)-  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta Madaxtooyada ku qaabiley Gudoomiyihii hore ee golaha wakiilada ahna gudoomiyaha xisbiga Waddani oo maanta si rasmi ah iga casilay xilkaasi.

 

Kulanka Madaxweynuhu markii uu soo dhamaaday waxa saxaafadda la hadlay afhayeenka madaxtooyada iyo Gudoomiye Cirro.

 

“Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu maanta soo booqday guddomiyaha ahna musharaxa xisbiga Waddani oo maanta si rasmi ah iskaga casilay xilkii mudada dheer uu u hayay qaranka ee ahaa guddomiye-nimadii golaha wakiilada, madaxwaynuhu waxa uu guddomiyaha uga mahad celiyay wakhtiga dheer ee ay soo wada shaqeeyeen waxaanu ku booriyay inuu qaranku halkaa kasii taabo galo, wuuna u duceeyay musharaxa iyo musharaxiinta kalaba wuxuuna ku booriyay in danta qaranka wax walba ay ka horaysiiyaan” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada JSL Xuseen Dayr.

 

“Sidaa uu sheegay Afhayeenku maanta waxaan baneeyay jagadii guddomiye-nimo ee golaha wakiillada Somaliland iyadoo doorashadii inoo qabsoomayso 13/Novembar/2017, sidaa awgeed maadaama aan qaranka masuuliyad u hayay waxaan soo booqday madaxweynaha qaranka oo aan ku war gelinaayay in aan baneeyay hawshaas iyo dar-daaran wuxuuna sii farayaba waxaanu madaxwayanaha isla fahamnay in mudnaanta lasiiyo danta qaranka doorashooyinkuna wakhtigoodii inoogu qabsoomaan”ayuu yidhi Guddomiyihii hore ee golaha wakiillada Somaliland.

1 2 3 4 5 6 7 8 9

 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
20891354_10214158041289739_240530483_n HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed    August 15, 2017
HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed. Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaft
Baro-bixinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)    August 9, 2017
Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuw
Hambalyo Meher Wacan    August 6, 2017
Xamse Maxamed Carten, Salaabeen Xuseen Cabdi, Sidiiq Cabdi Cismaan, Saleebaan Cabdi looliye, Saalax
Wankii La lumay Baraarka    August 5, 2017
Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsa
ILYAAS AYAAN Hambalyo Aroos Wacan Oo Ku Socota : Ilyaas Saxardiid Kaahin iyo Ayaan Xiis Maxamed Oo Aroooskoodu 30/07/2017 ka dhacay magaalada Slouth City ee Cariga Ingriiska    July 30, 2017
Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin,Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi,Suldaan Xiis Ismaaciil Abiib, Maxa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
August 2017
M T W T F S S
« Jul    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now