Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta Kormeer, dhagax dhig iyo Furitaan ka fuliyey Cusbitaalka guud ee Caasimada Hargeysa + sawiro

March 18, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Hargeysa(SLF)- Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu socod lug ah ku tegay cusbitaalka guud ee hargeysa isagoo kormeeray xaruntii hore ee gurmadka degdega ah lagu dawayn jiray, waxaana halkaasi warbixin ka siiyey agaasimaha cusbitalka Dr Askar oo sheegay in xaruntan la dhisay 1953kii, tahayna meel qadiimi ah balse ay uga wareegeen xaruntan cusub ee uu maanta madaxweynuhu furay.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu dhagax dhigay xarun cusub oo loo dhisi doono hooyada iyo dhalaanka, waxaana maalgelinteeda qayb libaax ka qaadatay Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyagu amaan aan la qiyaasi Karin ku mutaysatay dhiirigelinta iyo taakulaynta cusbitaalka guud ee hargeysa, waxaana sidaasi sheegay wasiirka Caafimaadka Dr Xaglatoosiye oo wasiirada madaxweynaha hortiisa aad uga amaanay tiriyeyna talaabooyinka waxtarka ah ee ay ka fulisay gargaarka iyo dayactirka loogu jiro balaadhinta cusbitaalka guud.

Madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray xarun cusub oo loogu talogalay inay noqoto qaybta gurmadka degdega ah ee cusbitaalka guud yeelan doono taasi oo qaadi doonta 50 qof markiiba una qaybsan laba qaybood oo kala ah haweenka iyo raga, madaxweynaha oo xadhig ka jarista ka dib kormeeray ayaa u mahadnaqay cid kasta oo qayb ka qaadatay dhismahan balaadhan ee aadka loo qurxiyey.

Waxaana xaflada furitaanka ka hadlay Agaasimaha guud ee Cusbitaalka, Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Caafimaadka, Maayarka Caasimada Hargeysa iyo masuuliyiin kala duwan oo dhamaantood iska daba maray faa’iidada uu yeelan doonto xaruntani cusubi. Waxaana xusid mudan in maayarka caasimada Hargeysa oo  hore 50,000 oo doolar ugu deeqay qaybtaasi dhamaatay uu maanta qaybta labaad ee madaxweynuhu u dhagax dhigay hooyada iyo dhalaanka uu ugu deeqay lacag dhan 20,000 oo Doolarka maraykanka ah.

Ugu danbayn Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa laba gaadhi oo nooca Ambulance -ka loo yaqaano ku wareejisay xaruntaasi cusub iyadoo xustay in aan meel kale loo isticmaalin balse ay ka hawlgalaan looguna gurmado xaaladaha degdega ah ee caasimada iyo nawaaxigeeda ka soo kordha, iyadoo furayaasha labadaasi gaadhi gacanta ka gelisay Madaxweynaha qaranka isna uu ku wareejiyey Wasiirka Caafimaadka, Wasiirkuna uu ku sii wareejiyey Agaasimaha Cusbitalka, Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale shahaado sharafyo gudoonsiiyey masuuliyiin ay maamulka cusbitaalku ku sharfeen sidii ay ula shaqeeyeen intii ay ku guda jireen dhismayaashaasi, isagoo madaxweynuhu halkaasi ka jeediyey khudbad uu ugu mahadnaqay maamulka cusbitalka iyo cid kasta oo gacan ka geysatay, waaanu madaxweynuhu xusay ahmiyada ay qaran u leedahay labaadhinta iyo dayactirka cusbitaalka guud ee dalku, isagoo madaxweynuhu gacan muuqata ku leh guud ahaan tayeynta iyo dhismayaasha cusbitaalada dalka ayuu hadana awooda saaray in cusbitaalka guud ee caasimadu noqdo mid ka kora halkii uu kaga tegay Ingiriisku wakhtigii uu xukumi jiray Somaliland. ka dibna madaxweynuhu waxa uu ku soo laabtay qasriga Madaxtooyada Somaliland.

DSC_0000 DSC_0001 DSC_0002 DSC_0003 DSC_0004 DSC_0019 DSC_0029 DSC_0036 DSC_0056

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
jk Talo Soo Jeedin Ku Socota Dhinacyada Ku Hawlan Gurmadka Abaarta Somaliland    March 24, 2017
ilaahay baa mahad leh, waxaan halkan duco iyo salaamad ugu dirayaa Gudiga Abaaraha Qaranka ee Culima
Madaxweyne Kastaba Hoggaamiye Ma Noqon Karo: W/Q Cabdiraxmaan Cadami    March 22, 2017
Inkasta oo dadka qaar isku qaldo labada darajo, Madaxweyne kasta ma noqon karo hoggaamiye laakiin, h
Ahmed wall Qormo taxane ah oo Ribada iyo Muraabaxada ka hadlaysa    March 18, 2017
In dhowaale waxa yeedhay qaylo-dhaan gilgishay inta damiirkoodu nool yahay. Dhiiladan baa ka dhalate
cabdi caydiid MARSADA BERBERA – LABA LAYSKU HELI MAAYO (W/Q: C/RAXMAAN CAYDIID)    March 14, 2017
Marka hore Mahad oo dhami Eebe ayay u sugnaatay, Nabadgelyo iyo Naxariisina Suubanaheena Muxammad. M
thumbnail_Mustafe MAQAAL: Maxaa U Dhaxeeya Baggiyada Islaamiga ah Iyo Banggiyada Ganacisga (Ribawiga ah)    March 11, 2017
1. Waa maxay Banggi Dul-saar leh (Ribo) Conventional Banks? 2. Waa maxay Banggi islaamiya? 3.
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
March 2017
M T W T F S S
« Feb    
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
Site stats
  • Who's Online

    1 visitors online now