Madaxwayne ku-xigeenka JSL ahna ku-simaha Madaxweynaha Qaranka iyo wefti ballaadhan oo uu hogaaminayey ayaa maanta (11.07.2017) kormeer hawleed ku tagay Degmada Sallaxley iyo Magaalomadaxda Gobolka Hawd (Balligubadle) iyo deegaanada hoos yimaada + sawiro.

July 11, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Baligubadle-(SLF)– Ujeedada kormeerka Madaxwayne ku-xigeenka ayaa waxay daarnayd u kuurgal iyo xogogaal u noqoshada qaabka ay deegaanadaasi uga socdaan hawlaha qaybinta kaadhka doorashooyinka iyo arrimaha u  baahan wax ka qabasho. Deegaanada uu Madaxwayne ku-xigeenku kormeerka ku maray waxa ka mid ahaa Degmooyinka Salaxlay, Kaam Tuug,  Balligubadle, Gunburaha iyo deegaano kale oo hoos yimaada Demagaalooyinkaasi.

 

Waftiga uu hogaaminaayey Madaxwayne ku-xigeenka waxa ku wehelinayey Wasiiro, Afhayeenka Madaxtooyada JSL , Wasiir ku-xigeeno, Madaxda heer Qaran ee Xisbiga Kulmiye, Badhasaabada Gobolka M/jeex iyo Hawd iyo Agaasimayaal  kuwaasoo dhamaantood shacab weynaha ku dhaqan deegaanadaasi si mug leh ugu wacyi geliyay sidii ay xil iskaga saari lahaayeen qaadashada kaadhka Codbixinta Doorashooyinka Madaxtooyada.

 

Madaxwayne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bulsho weynta ku dhaqan deegaanadaasi uga mahad celiyay soo dhawaynta qiimaha leh ee ay ku maamuuseen isagoo dhanka kalena si weyn ugu wacyi geliyay inay qaataan kaadhka codbixinta waxaanu yidhi madaxwayneku-xigeenku “Aad baan idiinkaga mahad celinaynaa sida qiimaha leh ee aad noosoo dhawayseen iyadoo ay wakhti danbe tahay, waxaan degaanadan aan u imi waa arrin kaliya oo ah sidii aad u qaadan lahaydeen kaadhka codbixinta doorashada oo xaq kuu siinaya inaad doorato qofka aad la jeceshahay inuu dalka hogaamiyo, olole umaanaan iman waxaan idinku boorinayaa inaad hogaaminta dalkiina wax ku lahaataan oo aad qaadataan kaadhka oo aydaan iska qoomamayn biri ka maalin”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici.

 

Sidoo kale Madaxwayne ku-xigeenka ayaa kulan balaadhan la qaatay waxgaradka iyo haldoorka reer Baligubadle kulankan oo ahaa mid ay labada dhinac kaga wada hsdlayeen horumarinta adeegyada bulshada ee Gobolka Hawd. Madaxwayne ku-xigeenka ayaa balan qaaday in Xukuumad ahaan aanay waxba ka hagran doonin wax kasta oo ka qayb qaadanaya horumarka bulshada degaanadii uu booqashada ku tagay.

1 2 3 4 5 6 7

Xuseen Adan Cige (Deyr),

Afhayeenka Madaxtooyada JSL

 

 

Naasir Yuusuf Daahir 

General Director Media of the Presidential

Hargeisa – Republic of Somaliland

 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
old man Indhihii Hibashada iyo Xusuusta La Ilmeeyey.    July 23, 2017
Maanta oo Axad ah ayaanu kulanay nin Oday ah oo aanu kawada tirsan nahay bahda shaqaalaha caafimaadk
BBC Soomaali Faallo: Si fiican ayay BBC-du Hargeysa ugu xustay lixdan-guuradeeda. Laakiin ma beddeli doontaa sida ay ula dhaqanto Somaliland?    July 20, 2017
Waxa Salaasadii Hargeysa lagu soo gunaanaday dabaaldeg Idaacadda iyo Telefishanka BBC-da ka socday m
DEG-DAG:- Ciidamada Booliska oo Jeelasha Ku Guray Saraakiil iyo Taageerayaal Ka Tirsan WADDANI+ Soo Dhaweyntii Weftiga Muuse Biixi ee Deegaanada Berbera oo Dadka Lagu Qasbaayey    July 18, 2017
Berbera- (SLF):-Ciidamada Booliska ee goballadaTogdheer iyo Saaxil, ayaa xalay illaa saaka xabsiga u
ahm aroos  1 HAMBALYO AROOS: Ahmed-daahir Maxamud Aw Faarax Iyo Fadxiya Xaaji Maxamed + SAWIRRO    July 17, 2017
Hargeysa— Aabo Maxamud Aw Faarax, Hooyo Faadumo Ibraahin Guled, Aamina Maxamud Aw Faarax, Cabdi Ma
1 Dad aan codba hayn yay ku durbaan tumin    July 17, 2017
Waxaynu aragnaa oo aynu tv yada ka dawanaa ragii dadka boobay oo leh beeshii waatan oo waxay u diyaa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
July 2017
M T W T F S S
« Jun    
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
Site stats
  • Who's Online

    1 visitors online now