Madaxwayne ku-xigeenka JSL Ahna Guddomiyaha Guddida Taakulaynta Abaaraha Oo Lacag dhan Todobaatan Milyan Ah Ka Guddomay Ciidanka Asluubta Somaliland.

May 17, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Hargaysa- (SLF)- Madaxwayne kuxigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Guddoomiyaha guddida taakulaynta abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland sareeye guuto Maxamed Cismaan Xudhuun ka guddomay qadar lacageed oo dhan  70,825 Milyan SLSH (Todobaatan milyan iyo sideed boqol iyo shan iyo labaatan kun oo shilinka Somaliland ah) lacagtaasi oo ay iska soo ururiyeen dhamaan ciidanka Asluubta ee somaliland iyagoo ugu tallo galay inay kaga qayb qaataan gurmadka dadka ay abaarahu saameeyeen.

 

Kulankaasi oo ay kasoo qayb galeen xubno sare oo ka socday guddida heer qaran ee taakulaynta abaaraha iyo saraakiisha Ciidanka Asluubta ayaa waxa halkaasi ka hadlay  Taliyaha guud ee Ciidanka Asluubta Sareeye guuto Maxamed Cismaan Xudhuun waxaanu yidhi  “Madaxweyne ku-xigeen  waxaan halkan kugu wareejinayaa qadar lacageed oo dhan 70,825 Milyan SLSH oo ay iska soo ururiyeen ciidanka Asluubta Somaliland, mushaharaadkoodana ka jareen si ay uga qayb qaataan u gurmashada walaalahooda ay abaaruhu saameeyeen”.

 

Madaxwayneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo isna halkaasi kalmad mahadnaqa ka jeediyay ayaa yidhi “Aad baan ugu mahad celinayaa Ciidanka Asluubta Somaliland oo si naxariisi ku dheehan tahay isaga soo ururiyay lacagtan,marka loo eego dadkeenii abaaruhu saameeyeen waa wax weyn lacagtani, inagoo ogsoon lacagta ay qaataan ciidankeenu hadana waxaan aad ugu faraxsanahay in aan arko iyagoo gurmanaya”. ayuu yidhi Madaxwayne Ku-xigeenka JSL.

DSC_1036 DSC_1037 DSC_1038 DSC_1045 DSC_1046 DSC_1051 DSC_1053 DSC_1055 DSC_1056 DSC_1057

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Mashruucii Biyo Galinta Tog-Wajaale Halkuu Ku Danbeeyey Tolaw Hagrashadu Ma Wasaarada Biyahaa Mise Waa Xukuumada.    June 16, 2017
Mashruucii Biyo Galinta Tog-Wajaale Halkuu Ku Danbeeyey Tolaw Hagrashadu Ma Wasaarada Biyahaa Mise W
Qalalaasaha Diblomaasiyadeed ee Qatar iyo Carabta kale: Maxaad Kala Socotaa?    June 6, 2017
Shalay 5tii June, 2017 waxa dhacay dhacdo diblomaasiyadeed oo taariikhi ah, dalal badan ayaa xidhiid
Daawo: Mooshin Ka Dhan Kelmadda DHAQAN-CELIS    May 24, 2017
- Barnaamijka kulanka Gorfaynta oo ka baxa idaacadda Radio Maqal oo laga dhegayso Oslo iyo nawaaxige
Maxaynu Ka Baranay Sanadkan 18ka May /Qalinki suxufi madax banan cabdiraxmaan maxamed xidig    May 24, 2017
iyadoo shacbiga  reer somaliland ay ka midyihiin   bulshooyinka caalamka ee dhowaan la jaanqaaday
thumbnail_vvv Hambalyadii 18 May ee Itoobiya oo Jabuuti, Turkiga, Kenya ka aamuseen, oo dareenka shacabka Somaliland    May 20, 2017
Hargeysa- Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa noqday dalka keliya ee ku soo hambalye
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
June 2017
M T W T F S S
« May    
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
Site stats
  • Who's Online

    1 visitors online now