Madaxwayanaha Somaliland Oo Furay Shirweyne Lagaga Tashanayay Sidii Kor Loogu Qaadi Lahaa Siyaasada Dawladda Ee Ku Saabsan Ganacsiga Gaarka Loo Leeyahay + Sawiro

May 17, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

(SLF)-  Madaxwayanaha Jamhuuriyadda  Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta furay shirwayne lagaga tashanayo sidii kor loogu qaadi lahaa siyaasada dawladda ee ku  saabsan ganacsiga gaarka loo leeyahay,shirwaynahani oo ay soo qaban qaabisay wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Smaliland waxa kasoo qayb galay ganacsatada waaweyn, guddomiyaha rugta ganacsiga Somaliland,qaar ka mida hay’adaha caalamiga ah iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirdda.

 

Madaxwayanha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa waxa uu yidhi “Xukuumadaydu si buuxda ayay uga war haysaa kaalinta ganacsiga gaarka loo leeyahay waxaana ay si fiican uga shaqaysaa xuquuqda ganacsatada iyo qaabkii loo abuuri lahaa deegaan xasiloon oo lagu ilaalinayo shuruuc iyo qorshe istiraatajiyadeed oo kor loogu qaadayo ganacsiga, ujeedadayadu waa in aanu dhiiri galino ganacsiyada gaarka loo leeyahay si loogu guulaysto horumar dhaqaale oo waara iyo koboc ganacsi .

 

“Xukuumadaydu waxay markii ugu horaysay furaysaa wada tashiga  siyaasada ganacsiga gaarka ah kulankana waxa diirada lagu saari doona siyaasad loo dhan yahay oo kor loogu qaadayo dhaqaalaha dalka oo Somaliland u baahan tahay inay maal geliso si loo gaadho koboc dhaqaale,tartan ganacsi iyo shaqo abuur, waxaan u hambalyaynayaa Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga, rugta ganacsiga iyo wasaaraddaha kale  ee ka qayb qaatay sidii ay u qabsoomi lahayd munaasibadan balaadhan, waxaan ku dhawaaqayaa inay munaasibadu furan tahay”ayuu yidhi Madaxwayanaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silanyo.

099A1300 099A1340 099A1342 099A1346 099A1350 099A1356 099A1357 099A1358 099A1359 099A1360 099A1363 099A1366 099A1368 099A1372 099A1373 099A1375 099A1379

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Daawo: Mooshin Ka Dhan Kelmadda DHAQAN-CELIS    May 24, 2017
- Barnaamijka kulanka Gorfaynta oo ka baxa idaacadda Radio Maqal oo laga dhegayso Oslo iyo nawaaxige
Maxaynu Ka Baranay Sanadkan 18ka May /Qalinki suxufi madax banan cabdiraxmaan maxamed xidig    May 24, 2017
iyadoo shacbiga  reer somaliland ay ka midyihiin   bulshooyinka caalamka ee dhowaan la jaanqaaday
thumbnail_vvv Hambalyadii 18 May ee Itoobiya oo Jabuuti, Turkiga, Kenya ka aamuseen, oo dareenka shacabka Somaliland    May 20, 2017
Hargeysa- Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa noqday dalka keliya ee ku soo hambalye
thumbnail_cabdi caydiid QAYLO-DHAANTA CABDILLAHI JAWAAN – SAX MISE KHALAD? (W/Q: C/RAXMAN CAYDIID)    April 13, 2017
Marka Hore Mahad Oo Dhami Eebe Ayay U Sugnaatay, Nabadgelyo Iyo Naxariisina Suubanaheena Muxammad. M
thumbnail_17309779_425862594415240_4872512848930050901_n Fashilka wasaarada warfaafinta ee ku aadan doodaha lagu wiiqayo jiritaanka somaliland ee kaga imanaya tv yada iyo idaacadaha    April 12, 2017
Fashilka wasaarada warfaafinta ee ku aadan doodaha lagu wiiqayo jiritaanka somaliland ee kaga iman
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
May 2017
M T W T F S S
« Apr    
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
Site stats
  • Who's Online

    2 visitors online now