“Madaxda Hay’adda ILO Waxaanu farta ugu fiiqnay Inay Naga Taageeraan shaqo Abuurka da’yarta Oo Ka Mid Ah Caqabahada Ugu Adag ee Qarankan Haysta.” Wasiirka Madaxtooyada JSL.

July 16, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Hargeysa ( SLF) Wasiirka Madaxtooyada JSL Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta xarunta Madaxooyada kulan kula yeeshay wefti sare oo ka socda (United Nations International Labuor Office) loona soo gaabiyo ILO, oo uu hoggaaminayey Mr George Okutho oo ah agaasimaha hay’adda ILO u qaabilsan waddamada Itoobiya, Somaliland, Sudan, South Sudan, Jabuuti, iyo Soomaaliya, isla markaana ah wakiilka gaarka ah ee midowga afrika iyo guddiga dhaqaalaha ee qaramada midoobay u qaabilsan africa, oo ay wehelinayeen madaxa xafiiska ILO ee Somaliland, Md. Cabdixamiid Maxamed Cumar iyo Mr Ilias Diriye oo ah la-taliyaha arrimaha farsamada ee xafiiska ILO u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Weftigan ka ka socday hay’ada shaqaalaha adduunka ee ILO iyo Wasiirada Xukuumadda ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid tahay shaqo abuurka dhalinyarada.

 

Najiitada kulankaasi ayaa waxa faahfaahin ka bixiyey wasiirka Madaxtooyada JSL Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, oo hadal qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook waxaannu yidhi “ Maanta waxa anniga iyo wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka qorshaynta iyo wasiirka shaqada iyo Arrimaha bulshadu aannu  xafiiskayga ku qaabilnay saraakiil sare oo ka socday hay’ada shaqaalaha aduunka ee ILO.”

 

Mudane Xaashi waxa uu xusay inay ay hay’adaasi ka hadleen shaqo abuurka oo uu sheegay inuu ka mid yahay dhibaatooyinka qaran ahaan ina haysta Xukuumad ahaana ay la tacaalayaan waxaanu yidhi  “ weftigaasi iyo masuuliyiinta igu wehelinayey shirka waxaannu iska waraysanay mashaariicda hay’adda ILO ay ka qabato Jamhuuriyadda Somaliland iyo baahiyaha badan ee yaala oo aanu farta ugu fiiqnay inay inagga taageeraan, kuwaas oo ay ugu mudan tahay shaqo abuurka da’yarta oo ka mid ah caqabahada ugu adag ee qarankan haysta, Xukuumadda xisbiga KULMIYE-na ay u tafaxaydan tahay sidii ay xal ugu heli lahayd.”

 

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in masuuliyiinta ILO ay u balan qaadeen inay Somaliland ka fulin mashaariic waaweyn waxaannnu yidhi “ Weftigaasi ILO waxay inoo balan qaadeen inay wax badan nala qaban doonaan, horena ay wax noola qabteen, hada ay wadaan mashaariic ay lacago badani ku baxayaan, waanu u mahad naqaynyaa Hay’adaasi.”

 

Xafiiska Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL

 

 

 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
old man Indhihii Hibashada iyo Xusuusta La Ilmeeyey.    July 23, 2017
Maanta oo Axad ah ayaanu kulanay nin Oday ah oo aanu kawada tirsan nahay bahda shaqaalaha caafimaadk
BBC Soomaali Faallo: Si fiican ayay BBC-du Hargeysa ugu xustay lixdan-guuradeeda. Laakiin ma beddeli doontaa sida ay ula dhaqanto Somaliland?    July 20, 2017
Waxa Salaasadii Hargeysa lagu soo gunaanaday dabaaldeg Idaacadda iyo Telefishanka BBC-da ka socday m
DEG-DAG:- Ciidamada Booliska oo Jeelasha Ku Guray Saraakiil iyo Taageerayaal Ka Tirsan WADDANI+ Soo Dhaweyntii Weftiga Muuse Biixi ee Deegaanada Berbera oo Dadka Lagu Qasbaayey    July 18, 2017
Berbera- (SLF):-Ciidamada Booliska ee goballadaTogdheer iyo Saaxil, ayaa xalay illaa saaka xabsiga u
ahm aroos  1 HAMBALYO AROOS: Ahmed-daahir Maxamud Aw Faarax Iyo Fadxiya Xaaji Maxamed + SAWIRRO    July 17, 2017
Hargeysa— Aabo Maxamud Aw Faarax, Hooyo Faadumo Ibraahin Guled, Aamina Maxamud Aw Faarax, Cabdi Ma
1 Dad aan codba hayn yay ku durbaan tumin    July 17, 2017
Waxaynu aragnaa oo aynu tv yada ka dawanaa ragii dadka boobay oo leh beeshii waatan oo waxay u diyaa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
July 2017
M T W T F S S
« Jun    
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
Site stats
  • Who's Online

    1 visitors online now