Madaxa Xafiiska Samafalka Ee Madaxtooyada Aamina Maxamed Diiriye Oo CID Looga Yeedhay.

March 11, 2012 - Written by Cabdixakiim

Madaxa Xafiiska Samafalka Ee Madaxtooyada Aamina Maxamed Diiriye ayaa maanta looga yeedhay xafiiska CID sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay Somalilandfuture Online.

Inkastoo aan la ogayn waxa la waydiiyey oo baadhitaan socdo, weliba aanay haboonayn in laga hor dhaco, haddana waxa uu salka ku hayaa ayay leeyihiin wararka qaarkood, raashinkii la lunsaday ee masuuliyiintii hore ee xukuumada ee xidh xidhan lagu eedaynayo.

Wararku waxa ay sheegayaan in hantida la lunsaday ay aad u badnayd raadkeeduna galay meelo badan, waxaase illaa hadda aan la garanayn yeedhista Aamina Maxamed Diiriye oo dad badani u fasirteen in ay tahay eedaysane ama qof lagu tuhunsan yahay,   lunsashada raashinkaas iyo in ay tahay markhaati ku oogaya dacwada qaybteeda masuuliyiintii hore ee la xidh xidhay, si looga fogeeyo madaxtooyada eedahaas iyo magaca madaxtooyada ee dhex ordaya lunsashada hantida dan yarta, labadaas ayaa la is waydiinayaa oo dadweynuhu aad u hadal hayaa, midka uu noqon doonto yeedhistani.

Waxaase muhiim ah ayay leeyihiin CID warar ku dhaw dhaw oo aanu ka helay illo lagu kalsoon yahay, in la is waafajiyo warqada la sheegayo in ay qortay ee lagaga soo daayey raashinka Dekede Berbera, warqadaas oo ay qaybinta raashinka ugu xilsaartay Gobolka Maroodi jeex Badhasaabkii hore ee xilka laga qaaday Axmed Cumra Xaaji cabdillaahi ( Xamarji).

Sidoo kale waxaa iyana u baahan in la is waafajiyo sifaha baadhitaan ee CID warqada Madaxweyne ku xigeenku qoray ee sheegaysa in uu dabagalka iyo sugida xoolaha la lunsaday uu ugu xilsaaray masuuliyiinta xidhan qaarkood, si xoolahaas loo badbaadiyo.

Labadan waraaqood oo mid tahay mida xoolaha ku soo dhex tuurtay magaalooyinka ee keentay boobka, ujeedada laga lahaana ay soo bixi doonto baadhitaanka dabadii, midna ahayd dabagal iyo badbaadin raashinka mucaawinada ah, soona baxday markii la boobayey raashinka, kana soo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka, ayaa u baahan in jawaabo waafiya ay ka bixiso Aamina Maxamed Diiriye iyo cid kasta oo loo baahdo in ay ka jawaabaan eedahan ayaa laga sheegaya in CID leedahay.

Waxaase muuqata in Musuqu baahay, loona baahan yahay in si qoto dheer loo dabagalo, waxaase loo baahan yahay in aanu ruux eedaysane ahi, noqon markhaati oo galaafan qof kale, sidoo kale waa in arrimaha baadhitaanka CID ka fogaadaan in ay dabada ka riixayaan qorshayaal siyaasadeed ee magac dil gaar ah, waa in uu baadhitaankani yahay mid ah, la dagaalanka musuqa oo qudha.

Cabdixakiim Yuusuf Cali

Somalilandfuture Online

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Amas University

Faalooyin
nes l Burco: Kulan Dhexmaray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Madax-dhaqameedka Togdheer    June 20, 2013
Burco (SLF)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Somaliland Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa kulan magaalada
w xac Wasiirka Caddaaladda oo Sheegay in Xafiisyada Shareecada Wax ku Xukuma la Hoos Geeyey Maxkamadaha Degmooyinka    June 20, 2013
Hargeysa (SLF)- Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid, ayaa shaaca ka
dr m c Xukuumadda Somaliland oo Hawada Dalkeeda uga Digtay Diyaarado Oggolaansho ka Sita Soomaaliya    June 20, 2013
Waxaannu diyaar u nahay in aannu Qarammada Midoobay kala hadalno sidii ay hawada Somaliland u tixgel
Julian Aas-aasaha Wikileaks Julian Assange oo ka Hadlay Cidhiidhiga Xoriyada Saxaafada    June 19, 2013
  Julian Assange oo ah Ninka aasaasay shabakada saamaynta wayn ku yeelatay dunida ayaa sanad
Wasiirada Masar Iyo Itoobiya1 Dawladda Masar iyo Itoobiya oo ku Heshiiyey in Biyaha Nile la Qaybsado, Wadahalada la sii Wado    June 19, 2013
Addis Ababa (SLF/W.Wararka) - Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka Masar iyo Itoobiya, ayaa ku heshii
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
June 2013
M T W T F S S
« May    
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
Site stats
  • Who's Online

    4 visitors online now