Maamulka Kastamka Magaalada Balli-gubadle Oo Dhinac iskaga leexiyey Eedo loo Jeediyey

April 8, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Bali-gubadle(SLF)Maamulaha kastamka Magaalada Balli-gubadle Cabdi Jaamac Cali ayaa waxba kama jiraan ku Tilamaamay eedo ay u soo jeediyeen Qaar ka mida wakiilada u qaabilsan ganacsatada jaadka ka Cashuurata kastamka magaalada Balli-gubadle ee Xarunta Gobolka Hawd.

Wakiilada Qaad Cashuurada Bali-gubadle ayaa mar ay la hadleen Warbaahinta waxaa ay sheegaan inuu Maamulka Kastamku Tacadi ku hayo,Maamulaha Kastamka Baligubadle ayaa Wararkaasi ku sheegay Warar ayna Waxba ka jirin oo been abuur ah.

 

Maamulaha kastamka Magaalada Balli-gubadle Cabdi Jaamac Cali Sidaasi Waxaa uu kaga Hadley Mar uu Warbaahinta Qaarkeed ugu Waramay Khadka Telefoonka isagoo ku sugan Magaalada Bali-gubadle”waxaanu Hadalkiisa ku Bilaabay “Anigu mudo sanad ah ayaan joogaa kastamka magaalada Balli-gubadle, mudadaas aan joogayna waa mudadii uu ugu dakhliga badnaa,”

 

Maamule Cabdi Jaamac Cali ayaa ka waramay dhacdadii lagu eedeeyey ee xalay ka dhacday Kastamka Balli-gubadle waxaanu yidhi “Xalay gaadhigu wuu soo galay nidaam ayaana wax loo cashuuraa, markii aan ogaaday shixnada uu gaadhigu sido ee aan xisaabiyey kuna idhi lacagtii keena ayaan waayey cid ila hadasha oo gaadhigii cashuuranaysa, inamadii masuulka ka ahaana Hargeysa ayey joogeen cid ay soo wakiisheena may jirin, waxaanan ku wada hadlaynay oo aan lahaa waar waxan waan cashuurayaa lacagta cashuurtuna waa intaas ee keena, anigana gaadhigu toban daqiiqo ilama taagnaado marka aan cashuuro, gaadhigaasi markii uu yimidna inamadii qaad cashuurka ahaa may joogin, markii dambe ee aan cid raadiyeyna waxaan la xidhiidhay maamulkaygii wasaarada maaliyada waxaanan ku idhi gaadhigaas ayaa ila taagan cidii cashuuri lahaydna Hargeysa ayey joogtaa lacagna ma hayo maxaan yeelaa, waayo hadaan hayo wuu gubanayaa qaadku hadaan sii daayana aniga ayaa dambi ku galaya oo lacagtii ayaa layga rabaa, tanaasulaad ayaan sameeyey askari ayaanan raaciyey ilaa Hargeysa kaas oo lacagtii ka soo qaaday, taasina meel ay sharciga kaga jirtaa ma jirto.”

 

 

Maamule Cabdi Jaamac Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Qofkuna marka uu daacad yahay ee uu qaranka u shaqaynayo waa la xag xaganayaa, mana jirto awood aan dheerahay maamulayaasha kastamada kale, meelo badana waan ka soo shaqeeyey, waxaanan ku dedaalaa inaan anigu tanaasulaad badan sameeyo, sharciguna waxa uu I farayaa inaanan waxba cashuurin ilaa lacagta lay soo tiriyo.”

Sidoo kale maamule Cabdi Jaamac Cali ayaa ka waramay sababaha keenay cabasho laga muujiyey kastamka magaalada Balli-gubadle waxaanu mar kale yidhi “Kastamka hal gaadhi oo qaad sida ayaa soo

mara, deegaankiina uma bisla dawladnimadii, maadaama oo khayraadkii gobolkuna yar yahay dadka waxa la galiyey borobogaando, aniga oo gudanaya waajibaadkayga kuna dhaqmaya shuruucda wasaarada maaliyada gaadhiga qaadka ah ee soo mara kastamka Balli-gubadle waxba kama daayo, waxa lays waydiinayaa gaadhiga qaadka sida ee kastamka soo marayaa muxuu ka soo doonay wadada rafka ah ee uu u mari waayey laamida, maamulayaashii iga horeeyey waxbay ka dayn jireen laakiin anigu waxba kama daayo, maamulkii iga horeeyey ayaa nimanka qaadlayaasha ah baray inay u cashuuraan boqolkiiba konton(50%), aniguna waxaan cashuuraa intii loogu tala galay ee sharcigu ogolaa, markaa mushkilada taas ayaa keenaysa iyada oo lay arkayo nin kastamka kala baydh u shaqaynaya, labada kastamna waa isku mid waanan tartamaynaa sabab aan ugu shaqeeyaana meesha ma taalo.” Ayuu Hadalkiisa ku soo Gaba-gabeeyey Maamulaha kastamka Magaalada Balli-gubadle Cabdi Jaamac Cali

 

Isku-soo wada Duuboo Maamulaha Kastamka Magaalada Bali-gubadle Cabdi jaamac Cali ayaa intii uu Masuulka ka ahaa Kastamka Magaalada Bali-gubadle waxaay Bulshada ku dhaqan Magaalada Bali-gubadle iyo Guud ahaan Gobolka Hawd ay ku Majeertaan Horumar ,Hawlkarnimo iyo Hufnaan shaqo

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Screenshot Wershad Somaliland Lahayd Oo Ay Bedeleen Warshado Laga Leeyahay Wadamada Chinna Iyo Jabaan/Qalinkii Weriye Cabdiraxmaan Tiriike    August 17, 2017
Hore Waxay U Ahayd Wershad Meel Hal-bawle Ah Ugu Jirtay Umada Ku Hadasha Afka Somaliga Waana Mid Muu
20891354_10214158041289739_240530483_n HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed    August 15, 2017
HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed. Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaft
Baro-bixinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)    August 9, 2017
Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuw
Hambalyo Meher Wacan    August 6, 2017
Xamse Maxamed Carten, Salaabeen Xuseen Cabdi, Sidiiq Cabdi Cismaan, Saleebaan Cabdi looliye, Saalax
Wankii La lumay Baraarka    August 5, 2017
Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
August 2017
M T W T F S S
« Jul    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now