London: Gabadh Muslimad ah oo Shaqada Lagaga Eryey Markii ay Diiday Inay Niqaam Iska Bixiso

March 21, 2012 - Written by Editor

Haweenay muslimad ah, ayaa laga mamnuucay inay u adeegto garsoorka Ingiriiska, kadib markii ay diiday inay iska bixiso niqaab iyo xijaab ay xidhnayd waqti lagu guda jiray dhegaysi dacwadeed, lana dhaarinayey dadka kiiskaasi khusaynayey.

Qaadiga dacwaddaas qaadayey oo ay u shaqayn jirtay haweenaydaasi, ayaa sheegay inuu ka shakiyey inay hawlgal damacsan tahay, kadib markay wejigeeda ku qarisay niqaabka, kana dhego adaygtay inay iska bixiso inta dacwadda lagu jiro.

Haweenaydan muslimka ah ee niqaamka shaqadeeda ku wayday waxay dhaarin jirtay dadka kiisaska ka galaya Maxkamadda Crown ee magaalada London, waxaannu xaakimku ka codsaday inay wejigeeda ka qaado niqaamka si loo arko, balse way ka diiday arrintaas, sidaas ayaan shaqada lagaga caydhiyey.

Garsoore Aidan Marron QC, ayaa sheeegay in aan dadka loo oggolayn inay wejiyadooda qariyaan xilliyada lagu jiro maxkamadda, waxaannu tilmaamay markii gabadhaasi diiday inay bannayso wejigeeda in laga eryey shaqadii oo lagu beddelay haweenay kaloo u dhalatay waddanka Ingiriiska.

“Waan ka yaabay gabadha niqaamka soo xidhatay. Ma waxaad doorbiday inaanad iska saarin xijaabka iyo niqaabka kiiskan oo keliya?” ayuu weydiiyey qaadigu.

Intaa kadibna, waxay ugu jawaabtay “Haa,”, isagaoo ku celiyey garsoore Marron; “Waxaan gebi ahaanba fahmay inay kiiskan oo keliya arrintu khusayso, waxaanan go’aansaday inaan xilka kaa qaado, waxaanan rajaynayaa inaad fahantay.”

Dhacdada noocan ah ayaa noqonaysa tii ugu horreysay nooceeda ah ee ka dhacda waddanka Britain, waxaannu Guddoomiyaha Guddida Xuquuqal-insaanka Islaamka ee dalkaas Mr. Massoud Shadjareh ku tilmaamay arrintan inay tahay wax aan la aqbali karin.

“Tani gebi ahaanba waa wax aan la aqbali karin, dhab ahaantiina maan fahmin sababta lebbisku saamayn ugu lahaa garsooraha. Go’aanka iyo qof kastoo dacwadda ku jiray arrintani lamay xidhiidhin. Waa wax aan macne samaynayn inaad qof ku erido sida uu u labisan yahay,” ayuu yidhi Mr. Massoud.

Dawladda Ingiriiska, ayaa ka soo saartay dariiqooyin gaar ah in xijaabka iyo niqaamka dadka lagu dhaarin karo, inkasta oo garsoorayaasha sare qaar sal uga dhigaan inaan niqaam lala soo geli karin.

wariye ibraahin khadar

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Maxamed Cabdillaahi Dawladda Somaliland oo Shaacisay Kaalinta ay ka Qaadanayso Khilaafka u Dhexeeya Itoobiya iyo Masar    June 17, 2013
Mawqifka Somaliland ee la xidhiidhka khilaafka biyaha webiga Niil-ka + saamaynta colaada Masar iyo I
maxamed-xaashi-cilmi Wasaaradda Macdanta iyo Biyuhu Golaha Wakiillada Uma Gudbiso Heshiisyada Shirkadaha Shidaalka iyo Macdanta’    June 17, 2013
Eng. Maxamed Xaashi oo xusay in hantida qaranka loo lunsado qaab is-naas-nuujis ah oo raali la isaga
Dr C Aw dhr Qorshe lagu Ilaalinayo Caafimaadka Hilibka Xoolaha oo lagu Dhawaaqay    June 17, 2013
Hargeysa (SLF) - Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir, ayaa ku dhaw
Kismaayo_Pic_1 Puntland oo Ciidammada Dawladda Soomaaliya ee Gobolada Jubbooyinka ku Eedeeysay inay Al-shabaab la Midoobeen    June 17, 2013
Puntland oo Ciidammada Dawladda Soomaaliya ee Gobolada Jubbooyinka ku Eedeeysay inay Al-shabaab la M
nes l Madaxweyne Somaliland Oo Dhaqan geliyay Xeerka Tiro-koobka    June 16, 2013
HARGEYSA (Halgannews)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhaqan
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
June 2013
M T W T F S S
« May    
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
Site stats
  • Who's Online

    3 visitors online now