La dagaalanka Musuq maasuqu waa waajib

March 18, 2012 - Written by Cabdixakiim

Xukuumada Somaliland ayaa ku dhiiratay in ay wax ka qabato musuq maasuqa weliba waxa xilkoodii ku waayey masuuliyiin lagu eedeeyey in ay lunsadeen raashin mucaawinooyin ah oo loogu talo galay dadka danyarta ah oo ay ku caawisay dawlada Cumaan dadka masaakiinta ah ee reer Somaliland. Inkastoo ay masuuliyiintaasi beeniyeen eedaymaha loo soo jeediyey kana codsadeen xukuumada in ay maxkamad horkeento wixii cadaymo ah ee ay  haysana xukuumadu  ay keento maxkamada horteeda.
 Hadaba,  maadama oo lagu dhiiraday in la cidhib-tiro musuqa iyo cidiii ku gabraarata ayaa wax dadweynaha iyo xubno xukuumada Somaliland ka mid ah oo in badan qayliyey xilalkiina iska casilay  ay codsanayaan in meel walba laga tirtiro oo si toosa loola dagaalamo, meelaha u baahan in dib loo baadho waxaa ka mid ah:

1. Mashruuca budhcad badeedka,  waxaa la qiyaasayaa in Somaliland lagu siiyey dhaqaale gaadhaya   $77,000,000 hase yeeshe la doonayo in aanay soo marin khasnada dawlada, iyada oo wasiirka arrimaha dibadu ay hoos imanayso, waxaana la dareensan yahay in aanay wasaarada arrimaha dibadu ka madhnayn lunsasho hantida ummada ah. Waxaa loo baahan yahay in la dabagalo saxaafaduna waa ku daba jirtaa mashruucaas.

2. Waxaa wararku sheegayaan in la lunsaday lacag loogu talogalay ciidanka ilaalada madaxweynaha oo la odhan jiray mashruucii bustayaasha ciidanka ilaalada madaxtooyada,  lacagta laga lunsadayna ay gaadhaysay $21,000 , waxaa loo baahan yahay in baadhitaan lagu sameeyo lacagtaas.

3.  Waa in la baadhaa si loo xidhib-tiro musuqa  mashruucii kamaradaha madaxtooyada, barlamaanka iyo baanka Somaliland oo lacag badan laga lunsaday.

4. Sidoo kale mashruucii  daabacaadii lacagta cusbeyd ee bariga Somaliland in la gadhsiiyo loogu talo galey, mashruucaas oo Dahabshiil dalbaday sida wararku sheegayaan, laakiin loo diiday ayaa waxaa soo gaadhay saxaafada in lunsi badani ka muuqday lacagtaas  waxaana lagu qiyaasaa $500,000 in ay ahayd lacagta laga faa’iiday ee ciddii qandaraaskaas qaadatay ay ka faa’iiday. Weliba ma soo marin qandaraasyadani hanaanka loo dhigay iyo nidaamka dawladeed, sidaas awgeed musuq in uu ku jiro waa dareen aan been ahayn ee waa in la baadho, waxaana saaxafada soo gaadhay cadaymo arrinkaas bidhaaminaya.

5. Waxaanu ku daraynaa lacagtii wasiirka arimaha dibadu kala baxay misaaniyada wasaarada middaas oo uu sheegay agaasimihii wasaarada arrimaha dibada, arrinkaas oo weli aan baadhis lagu samayn, ayaa dadweyne badani is waydiinayaa waxa looga dab tegi waayey. In la baadho waxa ay badbaadinaysaa sumcada wasirrka iyo xukuumada, waa haddii la cadeeyo in aanu la bixin, haddii kalena ummada ayay ka badbaadinaysaa ruux musuq ku cuna hantidooda.

6. Mashruucan  Fadeexada raashinka oo ay xukuumada Somaliland ku mahadsan tahay in ay ka dhiidhiday oo  aan cidna ka qarsoonayn ayaa waxaa loo baahan yahay in xukuumada lagu taageero in ay talaabo qaaday, hase yeeshe loo baahan yahay in si cadaalada u soo taagto cidda loo haysto maxkamad iyo in ay  soo wada qabqabato dhamaan dadkii musuqaas lagu tuhmayo weliba xubnaha uu musuaqani galay ee sharciga laga warwareejinayo waa in si toos ah loo horkeeno sharciga. Fadeexada raashinkani waxa ay u ekaanaysaa  haddii aan si cadaalada loo waajihin in xukuumadu markii ay wayday meel ay ka baxdo   in ay u sadqaynayso shakhsiyaad aan illaa hadda wax cadaymo ah loo hayn eedaha loo soo jeediyey.

7. Waxa xusid mudan in markii wasiirkii hore ee maaliyadu Maxamed Xaashi kasoo laabtey qaliinkii dibeda uu ku galey soo celiyey $3000 uu yidhi waxay kasoo noqotey $50,000 ee kharash caafimaadka ahaa ee la ii siiyey, sidaas awgeed dadka loo baahan yahay in ay ummada u shaqeeyaan waa shakhsiyaadka noocaas ah ee ammaanada leh madaxweyne.

Musuqu waa cudur aafeeyey ummada laakiin loo baahan yahay in meesha uu galoba laga dabagalo.

Balankeenu waa ladagaalka musuqa.

Cabdixakiim Yusuf Cali

 

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Amas University

Faalooyin
thumbnail_food “ Qofku Haduu Xoolo Umadeed Barto Wuu Soo Haliilaa,Waxaanu Garanaynaa Qolooyin Waddani Galay oo Ku Calaacala Waan ku Degdegay Inaan Xirsi Raaco Waayo Laygama jareen 2500$ “ Siyaasi Jamaal Food    February 25, 2017
Hargaysa( )Jamaal Cabdiraxmaan Axmed(FOOD) oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka Ah ee Ucid Ayaa ka Hadlay
Siyaasigu waa ka arka kaaha ka ifaya hogga    February 24, 2017
Siyaasadda Togani waxay qayb ka tahay farshaxanka yoolka qorshaha nidaamka maamulka dowladdnimo, wax
Heersare iyo Dr. Aadan Dharaarihii UFFO Iyo Dr. Aadan Yuusuf Abbokor. Qore: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare)    February 20, 2017
Sannad kasta maanta oo kale 20ka bisha Feebarweri waxa Somaliland looga dabbaaldegaa xuska maalin
Milicsiga saldhigyada milatari ee caalamka iyo casharrada ay Somaliland ka baran karto? (WQ: Sacad Muuse Cumar “Sacad-Makaawi”)    February 19, 2017
Marka hore haddii aynu si kooban u qeexno saldhig militari (military base) waxa weeyi “in uu wadda
Saldhigan millateri Somaliland wuxu ka dhigi doonaa goob dunidu ku tartanto By Axmed Cabdi Ducaale    February 13, 2017
Waxan soo dhawaynayaaa dalabka Dawladda imaaraadku usoo gudbisay xukuumadda Somaliland kaasi oo ah
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
February 2017
M T W T F S S
« Jan    
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now