Kulan Lagaga Arrinsanayey Sidii La Isu Waafajin Lahaa Xuska 18-May iyo Qadhaan Ururin Loo Samaynayo Dadka Reer Somaliland Ee Abaartu Saamaysay Oo Ka Qabsoomay Madaxtooyada JSL

May 6, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Ujeedada Kulankaas oo ahayd sidii Laysula Meel Dhigi Lahaa Xuska 18-May 2017 Iyo Qaadhaan Ururin Loo Sameeyo Bulshada Reer Somaliland Ee Abaaruhu Saameeyeen Oo Ay Wada Yeesheen Xubno Ka Mida Golaha Wasiirada, Guddida Taakulaynta Abaarta Iyo Ururada Bulshada Rayidka ah

 

Hargeysa- (SLF)-   Kulan saacado badan qaatay oo ka qabsoomay qasriga Madaxtooyada Somaliland ujeedadiisuna ahayd sidii laysula meel dhigi lahaa xuska 18-may 2017 iyo qaadhaan ururin loo sameeyo bulshada reer somaliland ee abaaruhu sameeyeen oo ay wada yeesheen xubno ka mida golaha wasiirada, guddida taakulaynta abaaraha iyo ururada bulshada rayidka ah.

 

Kulankaa saddex geesoodka ah oo lagu lafo guray sidii laysaga kaashan lahaa shacbi iyo xukuumadba laysuna waafajin lahaa sanad guurada 27aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland Madax-banaanideeda kala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ku beegan 18-May-1991-kii, oo wakhtigan oo kalena laga xuso guud ahaan Somaliland iyo meel kasta oo ay joogaan muwaadiniinta reer Somaliland, balse sanadkan uu madaxweynaha qaranka Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo isagoo ka dareen celinaya xaalada dalku ku sugan yahay ee abaarta baahsan awgeed uu amray in loo bedelo mid qadhaan ururin ah oo dalka gudihiisa iyo dibediisaba xil weyn la iska saaro sidii loo samato bixin lahaa dadka abaartu saamaysay ee haraadka iyo gaajadu haleeleen, xoolihiina ay ka dhamaadeen.

 

Waxaana kulankan oo ahaa mid hor dhac ah lagu soo qaaday sidii xukuumada, ganacsatada, ururada bulshada, warbaahinta, shirkadaha, qurba-joogta, iyo shacbiga weynuhu ay meel uga soo wada jeesan lahaayeen taakulaynta iyo gargaarka shacbiga la tiicaya xaalada abaareed iyo Xanuunada, mudooyinkii u danbeeyey ka taagnaa gobolada dalka qaar ka mid ah.

 

Xafiiska Afhayeenka Iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL


Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Mashruucii Biyo Galinta Tog-Wajaale Halkuu Ku Danbeeyey Tolaw Hagrashadu Ma Wasaarada Biyahaa Mise Waa Xukuumada.    June 16, 2017
Mashruucii Biyo Galinta Tog-Wajaale Halkuu Ku Danbeeyey Tolaw Hagrashadu Ma Wasaarada Biyahaa Mise W
Qalalaasaha Diblomaasiyadeed ee Qatar iyo Carabta kale: Maxaad Kala Socotaa?    June 6, 2017
Shalay 5tii June, 2017 waxa dhacay dhacdo diblomaasiyadeed oo taariikhi ah, dalal badan ayaa xidhiid
Daawo: Mooshin Ka Dhan Kelmadda DHAQAN-CELIS    May 24, 2017
- Barnaamijka kulanka Gorfaynta oo ka baxa idaacadda Radio Maqal oo laga dhegayso Oslo iyo nawaaxige
Maxaynu Ka Baranay Sanadkan 18ka May /Qalinki suxufi madax banan cabdiraxmaan maxamed xidig    May 24, 2017
iyadoo shacbiga  reer somaliland ay ka midyihiin   bulshooyinka caalamka ee dhowaan la jaanqaaday
thumbnail_vvv Hambalyadii 18 May ee Itoobiya oo Jabuuti, Turkiga, Kenya ka aamuseen, oo dareenka shacabka Somaliland    May 20, 2017
Hargeysa- Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa noqday dalka keliya ee ku soo hambalye
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
June 2017
M T W T F S S
« May    
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
Site stats
  • Who's Online

    1 visitors online now