Kulan dhexmaray Gudoomiyaha Midowga Afrika & Dublamaasi Jamhuuriyada Somaliland ah.

July 1, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

(SLF)- Addis Ababa- Dublamaasi u dhashay jamhuuriyada Somaliland ayaa kulan kula yeeshay xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa Gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika H.E. Moussa F. Mahamat oo ka socdo kal-fadhigii 29aad ee caadiga ee ururka.

Safiir Ayaanle Salaad Diiriye, oo ah safiir-xigeenka safaarada JSL ee Itoobiya ayaa sheegay inuu kulan isbarasho ah la yeeshay Gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika Mr. Mahamat, isla markaana raaciyey inay kulamo dambe yeelan doonaan.

Qoraal warbaahineed la xidhiidha kulanka oo u soo saaray safiir Ayaanle Salaad oo shabakada SomalilandSpan heshay ayaa lagu sheegay “Ku-xigeenka Safaarada JSL ee Itoobiya, safiir Ayaanle Salaad Diiriye sharaf iyo qiimo u tahay kulan dhexmaray Gudoomiyaha Cusub ee Midowga Afrika H.E. Moussa Faki Mahamat magaalada Addis Ababa.

“Kulanka oo ka dhacay xarunta Midowga Afrika, ayuu xilligan ka socdaa kal-fadhigii 29aad ee caadiga ahaa ee Midowga Afrika. Waxaana loo balamay kulamo dambe.

Safiir Ayaanle Salaad oo sheegay inuu kulamo dheeraad ah la yeeshay dublamaasiyiin kaloo ka socday wadamada Afrika ee ka qeybgelaya kalfadhiga Midowga Afrika, ayaan faahfaahintooda dib idiinka soo gudbin doonaa, insha alaah.

Kulanka dhexmaray Gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika H.E. Moussa Faki Mahamat iyo safiir-xigeenka Safaarada JSL ee Itoobiya Safiir Ayaanle Salaad Diiriye ayaa wadadda u xaadhi doona xidhiidh wada shaqeyneed cusub oo dhexmara JSL iyo Midowga Afrika, iyo fursad si wanaagsan loogu fahmo xaqa madaxbanaanida jamhuuriyadda Somaliland.

Gudoomiyaha Midowga Afrika H.E. Moussa Faki Mahamat, oo hore u ahaan jiray Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Chad, ayaa xilkan kaga guulaystay dabayaaqadii sannadkii hore tartan ku dhexmaray Aamina Maxamed oo dalka Kenya ka socotay.

 

 

Mohamoud Ali Walaaleye
Tell. 00-252-63-4001235
Freelance Reporter

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
old man Indhihii Hibashada iyo Xusuusta La Ilmeeyey.    July 23, 2017
Maanta oo Axad ah ayaanu kulanay nin Oday ah oo aanu kawada tirsan nahay bahda shaqaalaha caafimaadk
BBC Soomaali Faallo: Si fiican ayay BBC-du Hargeysa ugu xustay lixdan-guuradeeda. Laakiin ma beddeli doontaa sida ay ula dhaqanto Somaliland?    July 20, 2017
Waxa Salaasadii Hargeysa lagu soo gunaanaday dabaaldeg Idaacadda iyo Telefishanka BBC-da ka socday m
DEG-DAG:- Ciidamada Booliska oo Jeelasha Ku Guray Saraakiil iyo Taageerayaal Ka Tirsan WADDANI+ Soo Dhaweyntii Weftiga Muuse Biixi ee Deegaanada Berbera oo Dadka Lagu Qasbaayey    July 18, 2017
Berbera- (SLF):-Ciidamada Booliska ee goballadaTogdheer iyo Saaxil, ayaa xalay illaa saaka xabsiga u
ahm aroos  1 HAMBALYO AROOS: Ahmed-daahir Maxamud Aw Faarax Iyo Fadxiya Xaaji Maxamed + SAWIRRO    July 17, 2017
Hargeysa— Aabo Maxamud Aw Faarax, Hooyo Faadumo Ibraahin Guled, Aamina Maxamud Aw Faarax, Cabdi Ma
1 Dad aan codba hayn yay ku durbaan tumin    July 17, 2017
Waxaynu aragnaa oo aynu tv yada ka dawanaa ragii dadka boobay oo leh beeshii waatan oo waxay u diyaa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
July 2017
M T W T F S S
« Jun    
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
Site stats
  • Who's Online

    2 visitors online now