Ku Simaha Madaxweynaha Oo Qaabilay Safiirka Somaliland/Somalia iyo Madaxa Hay’adda USAID Ee Nairobi

June 29, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Hargeysa- (SLF)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna Ku simaha madaxweynaha mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday safaaradda uu Maraykanku ku leeyahay Nairobi iyo madaxa hay’adda USAID xarunteeda magaalada Nairobi oo Jamhuuriyadda Somaliland ku yimid safar muhiima.

 

Kulanka ku simaha madaxweynuhu la yeeshay waxa ku wehelinayey wasiirka arrimaha dibada, wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka warfaafinta, wasiirka diinta iyo aw-qaafta, wasiirka degaanka iyo wasiiru-dawlaha madaxtooyada. Geesta kale weftiga uu hogaaminayey safiirka Maraykanka Mr. Stephen M. Schwartz, waxaana ku wehelinayey madaxa hay’adda USAID Mr  Alex Dickie.

 

Kulanka waxa diirada lagu saaray xoojinta cilaaqaadka ee dawladaha Somaliland iyo Maraykanka, ka war haynta arrimaha doorashooyinka iyo xaalada abaaraha ee Somaliland ku dhuftay sanadihii la soo dhaafay.

 

Wasiirka amuuraha dibeda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa saxaafadda la hadlay markii kulankaasi soo idlaaday, waxaanu yidhi “Saaka waxa halkan bookhasho inoogu yimi wefti ka socday safaarada Maraykanka oo uu hogaaminaayo safiirkay Maraykanka Soomaaliya iyo Somaliland ee fadhigiisu yahay Nairobi Stephen M. Schwartz iyo madaxa haya’dda USAID. Waa markii ugu horaysay ee ay ina soo siyaartaan si ay ula kulmaan dawladda, asxaabta iyo ururada bulshada si ay ugu kuur galaan xaaladeena xaga baaraha, doorashooyinka, xaga bulshada iyo dhinacyo fara badan.

 

Saaka shirkaa waxa noo gudoomiynayey madaxweyne ku xigeenka si aad iyo aad u wanaagsan ayuu noogu dhacay, si saraaxad leh waanu isugu waranay waxa aanu rajaynayaa awalba cilaaqaadkeenu uu wanaagsana inaga iyo Maraykanka inuu ka sii wanaagsanaado intii hore, insha Allah waxa aanu rajaynayaa inay mar kale nagu soo noqdaan musqablka”.

1 2 3 4 5 6

 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
old man Indhihii Hibashada iyo Xusuusta La Ilmeeyey.    July 23, 2017
Maanta oo Axad ah ayaanu kulanay nin Oday ah oo aanu kawada tirsan nahay bahda shaqaalaha caafimaadk
BBC Soomaali Faallo: Si fiican ayay BBC-du Hargeysa ugu xustay lixdan-guuradeeda. Laakiin ma beddeli doontaa sida ay ula dhaqanto Somaliland?    July 20, 2017
Waxa Salaasadii Hargeysa lagu soo gunaanaday dabaaldeg Idaacadda iyo Telefishanka BBC-da ka socday m
DEG-DAG:- Ciidamada Booliska oo Jeelasha Ku Guray Saraakiil iyo Taageerayaal Ka Tirsan WADDANI+ Soo Dhaweyntii Weftiga Muuse Biixi ee Deegaanada Berbera oo Dadka Lagu Qasbaayey    July 18, 2017
Berbera- (SLF):-Ciidamada Booliska ee goballadaTogdheer iyo Saaxil, ayaa xalay illaa saaka xabsiga u
ahm aroos  1 HAMBALYO AROOS: Ahmed-daahir Maxamud Aw Faarax Iyo Fadxiya Xaaji Maxamed + SAWIRRO    July 17, 2017
Hargeysa— Aabo Maxamud Aw Faarax, Hooyo Faadumo Ibraahin Guled, Aamina Maxamud Aw Faarax, Cabdi Ma
1 Dad aan codba hayn yay ku durbaan tumin    July 17, 2017
Waxaynu aragnaa oo aynu tv yada ka dawanaa ragii dadka boobay oo leh beeshii waatan oo waxay u diyaa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
July 2017
M T W T F S S
« Jun    
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
Site stats
  • Who's Online

    2 visitors online now