Komishanka Oo Daboolka ka qaaday Inay Dib u eegis ku samaynayaan Natiijaddii Hargeysa iyo sababah keenay
December 8, 2012 - Written by EditorHARGEYSA (Somalilandfuture)-Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay hakiyeen natiijadii doorashada deegaanka ee degmadda Hargeysa ee lagu dhawaaqay cawaynimadii khamiistii, si dib loogu eego sanaaduuqdii codbixinta degmadda.
Sidaasi waxa sheegay Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Md. Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari), waxaanu dhambaal tacsi ah u diray qoysaskii dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay shaqaaqadii shalay iyo habeen hore ka dhacday xaafadda Axmed dhagax ee magaalladda Hargeysa.
“Komiishanka doorashooyinka qaranka ee xarunta dhexe waxa uu go’aan ku gaadhay maanta in la eego oo laga daba tago, wixii laga qaban karana laga qabto hakadna wuu saaray natiijadda ay ku dhawaaqeen ee degmadda, goobihii laga cabanayeyna dib bakhaarkii loo furo oo la iskula eego,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka oo maanta u waramayay laanta afsoomaaliga ee BBC-da.
“Si tabashadaasi loo dabaalo si aan dhiig dambe u sii daadan ayaanu go’aankan u qaadanay,”ayuu yidhi Md. Ciise Xamari.
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinku waxa uu intaasi ku daray “Xisbiyadda waanu iska aragnay way ku qanceen waana Hargeysa meesha lagu noqonayaa, umana malaynayo in wax badan iska bedali doonaan sida ay hadda ururadu iyo xisbiyadu wax u kala heleen sida aan xogta ku hayno,”
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Markaa waxaanu qancinaynaa ururadda iyo axsaabta si tabashada loo wadda daboolo.”
Go’aankan Komishanka ayaa ka dhashay ka dib markii shaacintii natiijadda doorashada Hargeysa ay ka dhasheen cabashooyin badan oo sababay rabshado ay ku dhinteen laba qof, todoba kalena ku dhaawacmeen.
Wariye Siciid Xuseen Yuusuf
Somalilandfuture Hargeysa
Siciid4@yahoo.com
Xuskii 18 May Ee Wadanka Turkiga & Wacdarahii ka Dhacay ıstanbul May 24, 2013
Munaasibadan balaadhan ee lagu xusayey sanad guuradii 22aad ee kasoo wareegtay maalintii lagu dhawaa |
Heshiisyada Caalmiga Ah Ee Shidaalka Iyo Calaamatu Su’aal Saaran Qaabka Xukuumadda Somaliland U Maamushay Khayraadka Dalka May 24, 2013
Xukuumadda Somaliland ayaa heshiisyo dhinaca Shidaalka ah la gashay ashkhaas iyo shirkado |
Labadii oday ee ILA-EEG iyo KULA-EEGAY maanta eegaya wadankii ummada Somaliland ka dhexeeyey oo isu bedeley wadankii SNM. May 23, 2013
ILA-EEG: Illaa intii xukuumadan Kulmiye talada la wareegtay waxaa si toosa usoo noolaaday |
Madaxweynaha Somaliland Oo Shaaciyay Inaan la Qaadi doonin Xayiraadda Duulimaadyada UN-ka May 23, 2013
Hargeysa (Somalilandfuture)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa cadeey |
|
Taariikh Nololeedkii Sheekh Cali Xaaji.Ibraahim. May 23, 2013
SHEEKH CALI XAAJI IBRAAHIM XIRSI 1905 ------1984 16/may/2013 |
Archives |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Site stats |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||




