Komishanka Doorashooyinka iyo Ururada Siyaasadda oo isku Mandhaafsan Xalka Natiijadda Doorashad, Xukuumadda
December 10, 2012 - Written by EditorHargeysa(somalilandfurture) Kulan ay shalay Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Axsaabta iyo Ururada Siyaasaddu ku yeesheen Xarunta Guud ee Guddida Doorashooyinka Qaranka oo gelinkii hore oo dhan socday ayaa ku dhamaaday in la isla meel dhigi kari waayo xal rasmi ah oo Dalka lagaga saaro Muranka ka taagan Natiijadii ay Guddida Doorashooyinka ee Heer Degmo toddobaadkii ina dhaafay ku dhawaaqeen, isla markaana ay Guddida Doorashooyinka Heer Qaran Xayireen ilaa inta xal laga gaadhayo.
Kulanka shalay oo ahaa mid xaasaasi ah ayaa Xogaha Waaheen kaga soo duulay sheegayaan in la kala istaagay sadex aragtiyood oo kala fog oo aan dan u ahayn Ummada iyo Dalka toona, kuwaasoo kala ah Ururada qaarkood oo ku adkaystay maadaama Natiijadii Mad madow ka soo baxay in Dalka oo dhan dib loo tiriyo si loo hubiyo wax is dhaaf-dhaafinta jirta ee ay Komishanka Doorashooyinkuba u cuskadeen Hakintooda isla markaana ay ku dhawaaqayaan Ururada iyo Musharaxiintii tartamay.
Koox kale ayaa iyadu istaagtay in Hubinta iyo Dib u tirintu ku koobnaato oo kaliya Degmadda Hargeysa, halka koox kale ku dooday in Sanaadiiqda laga shakisan yahay oo kaliya dib loo tiriyo, balse waxa kale oo intaa dheerayd Dood kale oo ah in intaan la tirinba la isla meel dhigo qaabka iyo Nidaamka loo galayo arrinta iyo sida loogu go’aan qaadan karo haddii ay soo baxaan waxyaabo aan ahayn kuwa imika la ogyhay.
Doodaha caynkan ah ayaa gabi ahaanba shalay wax xal ah ay dhinacyadu ka gaadhi kari waayeen, waxaanay dib u balameen manta galinka hore, hase yeeshee waxa soo baxaya in koox kastaa gaarkeeda ugu dhaqaaqday talo ay doonayso inay manta la shir timaado balanta taala.
Dhinaca kale, waxa shalay Ergo iyo talooyin ula tagay dhinacyada Komishanka Doorashooyinka iyo Ururada Siyaasadda ee isku haya Natiijada Doorashada Guddi ka socota Bulshada Rayidka ah ee SONSAF, kuwaasoo ugu Gurmaday sidii ay iskugu soo dhaweyn lahaayeen, waxaana inta la ogyahay ay kulamo gooni gooni ah la kala yeesheen qaybahaasi, iyagoo Xogo ka Urursaday Talooyin wax ku Ool u ah Qarankana siiyay.
Balse sida muuqata waxa jira qaylo dhaan iyo dareen ka culus kii hore ee taagnaa intii aanay Komishanka Doorashooyinka Qaranku hakin Natiijaddii ay ku dhawaaqeen Komishanka Heer Degmo, waxaanay dooda ugu culusi dhex taalaa Musharixiinta iyo Hogaamiyayaasha Axsaabta, taasoo xagal daacin karta dedaal kasta oo lagu soo dhaweyn lahaa in dib loo eego Natiijadii lagu dhawaaqay.
Dhinaca kale mid la mid ah ta ka dhex Oogan Axsaabta iyo Musharixiinta ayaa iyana laga soo sheegayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka, taasoo ah in ay ku kala aragti duwan yihiin qaabka xal loogu heli karo arrintan, waxaanay sheegayaan Ilo wareedyo aan ka helnay Guddidaasi in Af-hayeenkoodii Maxamed Xirsi Geelle oo ahaa difaacooda ugu adagi ka baxay Dalka kadib markii ay isku af-garan waayeen qaabka ay wax u socdaan, Halka Cali Kubad ku-xigeenka Guddoomiayaha la sheegayo inuu ku adag yahay in la tiriyo sanaadiiqda Hargeysa.
Sidoo kale, waxa laga soo sheegayaa Goboladda Dalka in xarumaha Komishanada qaarkood ay isa soo hor-dhoobeen maalmahan ugu danbeeyay Musharixiintii Doorashada iyo taageerayaashoodii, kuwaasoo ku andacoonaya in loo furo sanaadiiqdii lagu codeeyay oo ay qaarkood wali ku xaniban yihiin Degmooyinka sida Saylac iyo Ceerigaabo, iyagoo shaqaalihii Komishanka ee Deegaamadaasi fara madhan kaga soo caraabeen agabkii ay masuulka ka ahaayeen.
Iyadoo ay waxaas oo dhacdooyin ah oo Dalka Hagardaamo aan laga soo waaqsan ku ridi karaa ay ka jiraan ayaanay illaa hada Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo wax talaabo ah oo ay ku furdaaminayso dhibaatooyinka jira aanay samaynin, sidoo kale Golayaashii Qaranka ee lagu majiiran jiray marka ay arrimahan oo kale yimaadaan ayaan iyana halkooda uga soo dhaqaaqin.
Si kasta ha ahaatee haddii aan manta xal waara loo helin Natiijadda Doorashada waxa ay Somaliland u Loognaan doontaa cadawgeeda oo in badan ka dhur-sugayay fursad ay ku kala daadin karaan Qaranimadeeda lagu soo yagleelay Dimuquraadiyada is barkan ee Reer Galbeedka oo ay Doorashadu sal dhig u tahay iyo Hanaan Beeleedka lagu sar-jaray Shareecada Islaamka.
xigasho waaheen
Rabshadii Dhowaan Lagu Dhaawacay Garyaqaan Cali Siciid Jaamac Oo Go’Aamo Laga Gaadhay. May 25, 2013
Ceerigaabo(SLF)- Dhowaan ayay ahayd kolkii dablay hubaysani ay badhtamaha suuqa ceerigaabo ku dh |
Xuskii 18 May Ee Wadanka Turkiga & Wacdarahii ka Dhacay ıstanbul May 24, 2013
Munaasibadan balaadhan ee lagu xusayey sanad guuradii 22aad ee kasoo wareegtay maalintii lagu dhawaa |
Heshiisyada Caalmiga Ah Ee Shidaalka Iyo Calaamatu Su’aal Saaran Qaabka Xukuumadda Somaliland U Maamushay Khayraadka Dalka May 24, 2013
Xukuumadda Somaliland ayaa heshiisyo dhinaca Shidaalka ah la gashay ashkhaas iyo shirkado |
Labadii oday ee ILA-EEG iyo KULA-EEGAY maanta eegaya wadankii ummada Somaliland ka dhexeeyey oo isu bedeley wadankii SNM. May 23, 2013
ILA-EEG: Illaa intii xukuumadan Kulmiye talada la wareegtay waxaa si toosa usoo noolaaday |
Madaxweynaha Somaliland Oo Shaaciyay Inaan la Qaadi doonin Xayiraadda Duulimaadyada UN-ka May 23, 2013
Hargeysa (Somalilandfuture)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa cadeey |
Archives |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Site stats |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||




