Khubaro Ikhtiraacday Daawo Cusub oo ka Hortagaysa Bidaarta iyo Tima Daadashada

March 23, 2012 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Khubaro u dhashay dalka Maraykanka, ayaa daboolka ka qaaday inay heleen daawo cusub oo ka hortagaysa in raggu bidaaraystaan, iyaga oo ballanqaaday in daawadan ka badbaadinayso qofka ka cabsi qaba inuu bidaaraysto in timihiisu si daataan.
Saynisyannadan oo ka tirsan jaamacadda Pennsylvania ee dalka USA, waxay tilmaameen in daawadan aanay lahayn wax dhibaato ah, iyaga oo tilmaamay inay shan sannadood ku guda jireen siday u ikhtiraaci lahaayeen.
Daawadan ayaa tilmaameen inay dadka la taagta daran bidaarta ka joojin doonto, una soo saari doonto timo aan wax dhib ah lahayn, khubaradan waxay daawadoodu ka kooban tahay inay xanibaan boratiinka la yidhaa PDG2 oo ka hortaga in timuhu koraan.
Saynisyahannadan markay lafa-gureen waxyaabaha timaha ka guuriya basada ragga, waxay oggaadeen in xaddiga boratiinka PDG2 uu saddex jeer ku badan yahay meelaha timuhu ku yar yihiin.
Dawaadadoodan, ayaa ay ku daabaceen jariirada arrimaha caafimaadka lagu daabaco ee Science Translation Medicine Reports, kooxdan waxay sidoo kale hore u heleen in ragga bidaarta leh ay leeyihiin unugyo awood u leh inay sameeyaan amma soo saaraan timo, balse waxay ku guul-darraysteen inay unugyadaas ka shaqaysiiyaan.
Khubaradan waxay tilmaameen in boratiinka la yidhaa PGD2 uu unugyada ka difaaco inay koraan, kana joojiyo inay timuhu koraan.
Daroogadan lagu xanibaayo boratiinkan PGD2 waxa hore u tijaabiyey shirkadaha daawooyinka ee raadinaya daawo cusub oo ay u helaan xiiqda (Ashma), waxaanay u soo saareen kiniin ahaan, laakiin waxa macquul u noqotay in ka dhigaan giriimada la marsado madaxa si looga hortago bidaarta.
Daawadan, ayaa sida ugu dhakhsaha badan loogu fidin doono adduunka shan sannadood u gudahood sida ay sheegeen khubarada soo saartay.
Dr. George Cotsarelis oo ka mid ah madaxda ugu sarraysa ee soo saartay daawadan, ayaa isaga oo ka hadlaya arrimahaas waxa uu yidhi; “Shayga wanaagsan waxaa weeyaan in bidaarta iyo timaha kaa luma aad ku soo celin karto adigoo qaata daawadan oo kuu saamaxaysa in timahaagu koraan, waxaanannu qof kasta u ballanqaadaynaa in daawadan isticmaalkeedu noqon doonto mid si fiican u shaqaysa,” waxaannu intaa ku daray; “Waxaannu ka fikirnay inay ka hortag fiican u tahay in timuhu dataan, balse ma garanayno, mana hubno inay timaha dib u soo saarayso.”

wariye Ibraahin siciid

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Amas University

Faalooyin
Jawaab : Maqaalka Maalgalinta Dekeda Berbera By Farxiya Cabdi‏    March 2, 2015
Waxaanu uoo qaatay qalinka inaan ka jawaabo qoraalka ciwaankiisu yahay Maalgalinta Dekeda iyo Mucaar
Xirsi Fikir: Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan Iyo Inta Aan Ka Aqaan…..‏    March 2, 2015
Bislilaahi raxmaani raxiim, dhamaan waxaan salaamayaa dadka reer Somaliland ee ku kala sugan daafaha
Maanso Cusub: Xumaan Ka Nasahan Nabigu.    February 23, 2015
By Abwaan Siciid Mohamed Salaad Waxa dhawaanahan caalamka siiba dunida reer galbeedka ka socday a
GetAttachment.aspx Daraasad: Haweenku waxay sirta hayn karaan 38 saacadood oo Keliya‏    February 19, 2015
Daraasad dhanka cilmiga bulshada  ah oo Maraykanku sameeyeen ayaa muujisay in haweenku hayn karaan
Meher MEHER WACAN: YUUSUF MAXAMED AXMED IYO ASMA DAUUD XAASHI    February 19, 2015
Maxamed Cabdi Bade( xisaabiyaha guud ee qaranka ), Ayaanle Salaad Diiriye(safiirka s.land ee Ethiop
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
March 2015
M T W T F S S
« Feb    
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now