Ka-Faaiidaysiga Biyaha Roobka iyo Xakamaynta Gaajada W/Q: Abdirashid Ahmed Guleid.

March 28, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Somaliland, marka la eego xaalada ay hadda ku jirto, waxa lagu tiriyaa wadamada ugu dib-dhacsan marka lagu cabiro halbeega caalamiga ah ee afka qalaad lagu yidhaahdo GNP per Capita, afkeenana loo turjumi karo dakhliga wadanka marka la xisaabiyo ee loo qaybiyo cadadka dadka wadanka ku nool ee muwaadiniinta ah. Cabirkaasi marka lagu eego waxaa qofkii sanadkii kusoo hagaagaya ilaa $ 500 (shan boqol Doolar calaa qof sanadkii). Cabirkaasi marka lagu eego dabcan waxaynu gelaynaa dadka ugu faqiirsan dunida. Daqaale xumiduna waa ta ugu wayn ee sababaysa in dadku ay jeclaystaan inay wadanka ka tacabiraan ama ka hijroodaan una  hijroodaan wadamo ay ku tuhmayaan dhaqaale keena nolol ka duwan tay wadankooda ku haystaan.

 

Ku darsoo iminkana waxa dhaqaale xumidii kusoo biiray oo dabada kasii riixayaa waa abaaro isdaba jooga oo midba midka kasii danbeeya ay kasii xuntahay. Abaarta sanadkanina waa mid fadhiisisay kuwii hore oo dhan kana saamayn badatay. Waxaan odhan karaa bulshadii xoolo dhaqatada ahayd ee reer Somaliland qaar badan baa ka quustay inay sii ahaadaan xoolo dhaqato. Dhibka soo marayna runtii waa mid keenaya inay timaado quus cayn kaas oo kale ah.

 

waxaan leeyahay, shilinka xaga kale aan u rogno oo aan eegno dhinaca rajadana. Waxaan leeyahay, haddii gacanta lays qabsado wax wayn baa nolosha laga bedeli karaa. Xaga wanaagsan inaad aragtaana waxay ku xidhan tahay inaad leedahay niyad wanaag iyo inaad arki karayso fursadaha jira.

 

Waxaan leeyahay, wadanku wuxuu leeyahay khayraad dabiici ah oo aan qiyaas lahayn oo horumarin lagu samayn karo si ay bulsho waynta reer Somaliland uhelaan faaiido wadanka wada gaadha oo lagu wada nimcaysto. Khayraadka dabiiciga ah ee aan sheegayaa maaha macdanaha faraha badan ee wadanka lagu sheegayo; mana aha xeebta dheer iyo kaluunka aynu lasoo bixi karno; mana aha buuraha sibidhka ee ku teedsan xeebaha Saaxil ilaa Sanaag; mana aha shidaalka faraha badan ee lagu sheegayo meelo badan oo wadanka ka mida. Kuwaas oo dhami waa khayraad dabiici ah oo u baahan in lagu sameeyo maalgelin wanaagsan si loogu bedelo horumar dhaqaale oo wadanku uu gaadho.

 

Khayraadka dabiiciga ah ee aan runtii doonayo inaan halkan kaga hadlaa waa ciida wanaagsan ee aynu ka beeri karno aduunka wax la beero oo dhan noocuu doonaba ha ahaadee. Dalagyada kala duwan oo dhan ayaa ka bixi kara gobolada kala duwan ee kala cimilada ah ee wadankeena. Su’aasha markaa maskaxdiina kusoo dhacaysa ee aad iswaydiinaysaan waxa weeyaan xagee laga keenayaa biyaha lagu waraabinayo caradaa wanaagsan ee waxwaliba ay ka baxayaan sidaan soo sheegnay.

 

Taasna jawaabteedu way fududahay oo waxa weeyaan in dhaamam waawayn laga sameeyo wadanka. Wadankeenu wuxuu hodan ku yahay buuro gaagaaban iyo qaar meel dhexaad ah oo markaa ay kasoo dhacaan biyaha roobku, kuwaasoo buuxin kara dhaamam waawayn iyo qaar meel dhexaad ahba. Cabbirka dhaamamka aan sheegayaana waa kuwo u dhaxayn kara 45,000M3 ilaa malaayiin M3. Dhaamamkaasi oo inta sifiican loo sahamiyo loo helo malgelintii loo baahnaa ayaa dhulka lagu beeran karaa kabacdina gaajada lagaga bixi karaa. Gaajaduna maaha ta maanta inta badan reer miyigeenu ay dareemayaan yariyo wayn ee waxa kamida ta nacasnimada ah ee taala magaalooyinka oo laga cunayo bariis Hindiya laga keenay iyo Paasto Talyaaniga laga keenay. “Food Security” oo afka qalaada ama “gaajo kabax” oo Afkeena ah waxa lahelaa marka uu wadanku iskaga filaado cuntada aasaasiga ah ama quutal daruuriga waxa loo yaqaano.

 

Waxaan leeyahay, waa suurtogal in mustaqbalka dhaw “dib u xoolayn” ama “restocking” in loo sameeyo bulshadeena ay xooluu ka baxeen, laakiin mustaqbalka fog waxa loo baahan yahay in la qorsheeyo sidii dadka loo bari lahaa sidii ay dhulka ugala soo bixi lahaayeen cunto ay ku noolaadaan iyo biyo ay cabaan. Labadaasi arimood waxay ku xidhan yihiin helitaanka carro wanaagsan oo wax lagu beerto iyo helitaanka biyihii saraca lagu waraabin lahaa. Ta hore oo ciida ah waan haynaa mid inaga badan. Ta loo baahan yahay in laga hawlgalaa waa sidii loo qaban lahaa biyaha cirkee dooxyada yaacaya iyo kuwa kasoo degaya ilaha faraha badan ee buuraha ku yaal. Samaynta dhaamam waawayn oo biyaha lagu kaydiyaana waxay u baanah tahay helitaanka laba arimood oo kala ah farsamadii hawshaasi lagu qaban lahaa iyo lacagtii hawshaasi lagu fulin lahaa. Farsamadii waa lahayaa.  Waxa dhiman lacagtii.

 

Taasina dhib wayn maaha. Waxa loo baahan yahay inay wada shaqeeyaan dawlada iyo aqoon yahanada ku xeel dheer samaynta iyo qorista mashaariicda oo loo samaynayo si waafaqsan nidaamyada ay ku shaqeeyaan bankiyada caalamku. Qaar badan oo baananka caalamigaa ah iyo hayado duwali ah oo badan ayaa maalgelintaasi ku bixiya si deeq ahaaneed oo dawladana aan lagu xidhayn shardiga ah ictiraafka ayna ka baxsanayso dayn dulsaar wadata oo culays dhaqaale wadanka ku keeni karta. Fulinta mashaariicdaasna waxa loo raacayaa nidaamka loo yaqaano 3P ama “public private partnership” nidaamkaasoo ah mid ay ku shuraakoobayaan hayadaha dawlada qaarkood iyo shirkadaha ganacsi ee wadanka laga leeyahay.

Waxaan kusooo gabagabaynayaa odhaahdii ahayd “hawshii rag u kaco e Rabbi aqbalo way rumawdaa!!!!”. Waynu qaban karnaa!! Waana suurogal in wadanka aynu gaadhsiino marxalad horumar dhaqaale.

 

Email: Abdirashidaa@gmail.com

 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
sadexdii Haddii Calafku Kugu Dhaco u Badalo Midho Macaan…” Sheeko Gaaban:- Saddexdii Beerwale.    July 25, 2017
Beeruhu waa jiritaanka aassaasska noloshada aadamaha, xoolaha iyo xayaawanada, wax-beeristuna waa ha
old man Indhihii Hibashada iyo Xusuusta La Ilmeeyey.    July 23, 2017
Maanta oo Axad ah ayaanu kulanay nin Oday ah oo aanu kawada tirsan nahay bahda shaqaalaha caafimaadk
BBC Soomaali Faallo: Si fiican ayay BBC-du Hargeysa ugu xustay lixdan-guuradeeda. Laakiin ma beddeli doontaa sida ay ula dhaqanto Somaliland?    July 20, 2017
Waxa Salaasadii Hargeysa lagu soo gunaanaday dabaaldeg Idaacadda iyo Telefishanka BBC-da ka socday m
DEG-DAG:- Ciidamada Booliska oo Jeelasha Ku Guray Saraakiil iyo Taageerayaal Ka Tirsan WADDANI+ Soo Dhaweyntii Weftiga Muuse Biixi ee Deegaanada Berbera oo Dadka Lagu Qasbaayey    July 18, 2017
Berbera- (SLF):-Ciidamada Booliska ee goballadaTogdheer iyo Saaxil, ayaa xalay illaa saaka xabsiga u
ahm aroos  1 HAMBALYO AROOS: Ahmed-daahir Maxamud Aw Faarax Iyo Fadxiya Xaaji Maxamed + SAWIRRO    July 17, 2017
Hargeysa— Aabo Maxamud Aw Faarax, Hooyo Faadumo Ibraahin Guled, Aamina Maxamud Aw Faarax, Cabdi Ma
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
July 2017
M T W T F S S
« Jun    
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now