Jaamacada Admas Oo Safar Dalxiis Ku Gaysay Buurta Gacan Libaax Ardayda Sanadkani Ka Qalin-jabinaysa+Sawirro

August 13, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Hargeysa(SLF  ) Safar Dal,barasho iyo aqoon korodhsi ah oo ay jaamacadda caalamiga ah ee ADMAS ku gaysay ardayda sanadkan ka qalin jabinaysa jaamacadda buurta bilicda san ee Gacan-libaax , safarkan oo ah mid sanad leh ah kaasi oo inta badan ay ardayda jaamacadda ka qalinjabinaysa ay tagaan qaybo ka mid ah dalka gaar ahaan goobaha dalxiiska,Safar kani oo qaatay mudo saaacada ah ayaa waxa ay ardaydu ahayd mid kala faaiidaysata aqoon,madadaalo,kaftan,sheekooyin waaya aragnimo ku dhisan kuwaasi oo badi ka helay jawiga iyo hanaanka safarkani ay ugu baxeen buurta dalxiiska ee Gacan-Libaax.

Jaamacadda caalamiga ah ee ADMAS oo ka mid ah hormuudka jaamacaddaha dalka ayaa la talaabsatay jaamacaddaha dhigeeda ah ee ka jira qaybo badan oo ka mid ah mandaqadan aynu ku noolnahay, taasi oo ka dhigtay jaamacadda kaliya aan lagu baran aqoon balse soo kordhisay qaybo kala duwan oo ay ka mid yihiin sidii ay ardaydu u baran lahayd dhulkooga hooyo, qaban qaabada safarkani oo uu lahaa xafiiska  arimaha ardayda (Student Affairs ) oo inta badan ka hawlgala sidii ay ardaydu  u noqon lahayeen kuwo horumara lana talaabsada dhigooda kale.

 

 

 

Ugu horayn waxa uu safarkani ka bilaabmay magaalada hargeisa waxaanu ahaa mid arooryadaasi dhamaan ardayda tagaysa safarkani ay la dhacsanayeen goobtaasi la tagay, Cabaaro 8:00 AM subax nimo saacada geeska afrika ayaa laga amba-baxay magaalada hargeysa kaasi oo safarku u jihaysnaa buurta bilicda san ee Gacan-Libaax.

 

 

 

Deegaano badan oo la sii maray ayaa waxa ka mid ahaa Awbarkhadle,Diinqal,Geedka-Dheenta,Dhubato,Gadhka-Warsame xaad,Dilinbaro  halkaasi oo markii danbe dhamaan ardayda iyo masuuliyiintii kale ee ka mid ahayd safarku ay qadada ku lahayeen Deegaanka Goda-weyn oo buurta Gacan-Libaax ka mid ah halkaasi oo qado kadib dhamaan loo soo jihaystay buurta Gacan-Libaax oo ahayd goob aad u qurux badan ayna la dheceen dhamaan dadkii ka mid ka ahaa safarka waxana goobtaasi lagu soo bandhigay ciyaar dhaqameedyo,hal xidhaalayaal,madadaalo,kaftan iyo waliba indho indhayn ay dhamaan ardaydu soo eegeen qaybo ka mid ah buurta Gacan-Libaax.

Ugu danbayntii dhamaan ardayii safarka ku tagtay iyo masuulyiintii kale ee ka tirsanaa hawl wadeenada jaamacadda oo nabad qab ku soo guryo noqday magaalada Hargeysa halkaasi oo dhamaan markii hore ay ka amba baxeen ardayda iyo masuuliyiinta kale ee dalxiiska ku tagay buurta bilicda san ee Gacan-Libaax.

1 2 3 4 5

 

 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
20891354_10214158041289739_240530483_n HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed    August 15, 2017
HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed. Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaft
Baro-bixinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)    August 9, 2017
Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuw
Hambalyo Meher Wacan    August 6, 2017
Xamse Maxamed Carten, Salaabeen Xuseen Cabdi, Sidiiq Cabdi Cismaan, Saleebaan Cabdi looliye, Saalax
Wankii La lumay Baraarka    August 5, 2017
Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsa
ILYAAS AYAAN Hambalyo Aroos Wacan Oo Ku Socota : Ilyaas Saxardiid Kaahin iyo Ayaan Xiis Maxamed Oo Aroooskoodu 30/07/2017 ka dhacay magaalada Slouth City ee Cariga Ingriiska    July 30, 2017
Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin,Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi,Suldaan Xiis Ismaaciil Abiib, Maxa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
August 2017
M T W T F S S
« Jul    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now