Indhihii Hibashada iyo Xusuusta La Ilmeeyey.

July 23, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Maanta oo Axad ah ayaanu kulanay nin Oday ah oo aanu kawada tirsan nahay bahda shaqaalaha caafimaadka oo sita warqad cad oo ay kuwada sawiran yihiin isaga iyo Madax-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane,  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
Waxaanu Odaygaasi ka mid ahaa ragii ka soo qayb qaatay hal-gankii dheeraa ee Jab-hadii Dhaq-dhaqaaqii Waddaniga Soomaaliyeed ee “SNM”  kula soo noqotay Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Anagoo wadasheekaysanayna ayuu igu yidhi: – Nelson Mandela intii aanu madax-weynaha ka noqon dalka koonfur Afrika ee uu xabsiga ku jiray, waxa la xidhnaa wiil dhalin yaro ah oo u adeegi jiray, waxaanu ku odhan jiray  wiilkaasi marka uu u adeegayo adigu waxa aad tahay madax-weynahayga, ka dibna, waxa uu ka dalbaday inuu u saxeexo warqad uu ku soo dhaafo qasriga madaxtooyada, marka uu Madax-weynaha ka noqdo Nelson Mandela Dalka Koonfur Afrika.
Muddo dheer ka dib, Markii Nelson Mandela madax-weyne ka noqday Dalka Koonfur Afrika, ayuu wiilkii yaraa oo noqday isaguna nin weyn uu warqadii ugu dhiibay mid ka mid ahaa shaqaalaha madaxtooyada Madax-weynaha.
Isla-markii warqadaasi ay gaadhay ee uu akhriyey Nelson Mandela, aad buu u ilmeeyey, waxaanu yidhi:- Waa Saaxiibkaygii Jeelka.
Waxa aan ka dareemay inuu wax hibanaayo, waxaan uga sheekeeyey laba arrimood oo mid ay ahayd, mar uu ka hadlaayey “Alle ha u naxariistee ”Madax-weynihii hore Jamhuuriyadda Somaliland ” Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, in aanay jiri karin maanta wax la barbar dhigi karo, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadda ah Madax-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla-markaana  isagoo ka hadlaaya qiimaha iyo milgaha uu leeyahay, waxa uu yidhi:  qoodh maaha nimaan SNM ahayni, cid garab istaagi kartaana ma jirto, maantana hadduu I barbar fadhiyo, isagaa iga mudan, isagaa dalkan u soo dhintay.
Ta Labaadna waxa ay ahayd hadal uu ku yidhi mar ay wadasheekaysteen “Alle ha u naxariistee” Marxuun,  Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Madax-weynaha hadda talada haya Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu yidhi:-  Mar aanu wadasheekaysanay waxa uu igu yidhi:- Igama maqna suuradii ragii aan jihaadka u diray ee aan ka soo noqonin, wallee meel ay ku aasan yihiin aanan ogayn,  intooda badan, wajigoodii qalbigayguu ku jiraa, (Ku sawiran yahay) oo habeenkii baan ku riyoodaa raga aan diray kala maqanahan.
Isla-markiiba waxa aan arkay Odaygii aan u sheekeynaayey oo indhihiisii ilmo ka tibiqlaynayso, waxaanu igu yidhi,:-  Walaahi waa runtii.
Aniguna waxaan aad uga jidhiidhicooday indhihii hibashada iyo xusuusta la ilmeeyey.

Qoraa. Maxamed Faarax Qoti

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Screenshot Wershad Somaliland Lahayd Oo Ay Bedeleen Warshado Laga Leeyahay Wadamada Chinna Iyo Jabaan/Qalinkii Weriye Cabdiraxmaan Tiriike    August 17, 2017
Hore Waxay U Ahayd Wershad Meel Hal-bawle Ah Ugu Jirtay Umada Ku Hadasha Afka Somaliga Waana Mid Muu
20891354_10214158041289739_240530483_n HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed    August 15, 2017
HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed. Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaft
Baro-bixinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)    August 9, 2017
Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuw
Hambalyo Meher Wacan    August 6, 2017
Xamse Maxamed Carten, Salaabeen Xuseen Cabdi, Sidiiq Cabdi Cismaan, Saleebaan Cabdi looliye, Saalax
Wankii La lumay Baraarka    August 5, 2017
Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
August 2017
M T W T F S S
« Jul    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now