“Hooyo Soomaaliyeed Oo Kala Badbaadisay Laba Nin Oo Qudha Iska Jari Lahaa” Qalinkii Cabdifataax Xareed

July 10, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Akhristayaal waxaan halkan idin kula wadaagayaa qoraal yar oo kooban oo aan qalinka u qaatay inaan ka qoro dhacdo dareenkayga badashay idinkana aan rajaynayo inay dareenkiina iyo muudhkiinaba ay badali doonto oo ka dhacday magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, waxaana qoraalkani uu ka turjumayaa dhacdo xaqiiqo ah oo dhacday goob joogna aan u ahaa.
Saacadda Geeska Afrika waxay ahayd 5:20 Pm (Galabnimo) ,goobtuna waa magaalada Hargeysa  ee caasimada Somaliland ,waxaana kasoo baxay goob ganacsi oo ku taalla gudaha magaalada Hargeysa gaar ahaana agagaarka shirkadda isgaadhsiinta Telesom ee ku taala badhtamaha magaalada.
Inyar markii aan dhinaca waqooyi u dhaafay shirkadaasi Telesom oo markaasi aan goob u dhaw wax kasoo iibsanayey ayaa waxay hal mar uun indhahaygu qabteen goob lagu buuqsan yahay oo qaylo iyo sawaxan xooggan ka baxayo oo waxaan sidaa u fogayn ii jirta waj-hadaydana iiga muuqata.
Intii aanan goobta lagu buuqsan yahay  gaadhin kuna sii waajahanay goobtaasi ayaa markiiba maskaxdaydu waxay is waydiisay dhawr su’aalood oo ay kamid yihiin, Maxaa goobta ka dhacay? Ma qofbaa gaadhi jiidhay? Ma qofbaa qof dilay? Ma tuug baa wax xaday oo la qabtay? Ma Boolisbaa cid wax gaystay qabtay oo lagu buuqsan yahay? Mise dad baa isku laayey madaama goobtaasi ay tahay goob iska dad badan?.
Haddaba waxyar kadib markii aan goobta gaadhay ayaa waxay ishaydu markiiba qabatay laba nin oo qiyaastii aan da’dooda ku qiyaasay ilaa dhawr iyo Soddon jiro oo isku haysta goobtii lagu buuqsanaa oo ay buux dhaafiyeen dad tiro badan,waxaana maskaxdayda ka baxday su’aalihii badnaa ee aan is waydiinayey intii aan kusii socday goobta.
Labadan nin ee is haysta waxay ku hubaysanaayeen Mindiyo,waxaana markiiba ishaydu qabatay hubka ay labadan nin sitaan ee docda ugu jira oo markaasi dad goob joogayaal ahi ii sheegeen in labada nin hore iskugu soo laayeen meel kale.
Labadan nin waxa hareero taagnaa dad badan oo qiyaastii tiraddooda aan ku qiyaasay ilaa 20-25 qof oo ragg iyo dumarba iskugu jira,waxyar markii aan dhagta u raariciyey aanan ka bogtay waxa ay labadan nin isku haystaan oo markaasi ahayd qadar lacaga oo aan sidaa usii badnayn isla markaana ahayd 70 lacagta Shilling Somaliland-ka  ah oo mid ahaan dayn ahaan loogu leeyahay ayaa waxa ay labadan nin is waydaarsanayaan hadalo hanjabaad ah,iyaga oo labadan nin dirqi lagu kala hayo,dadkii goobta joogayna ay awoodi waayeen in ay ka qaadaan hubkan ay isku sitaan oo markaasi mid ahaan lagu jeexay xagga Canka ilaa Margiga  oo nabar wayn ka qabo,kii kalena uu leeyahay kuna hanjabayo hadalo ay kamid yihiin “Waxayga ka baryi maayee hadii aan lacagtayda laysiin oo aanu ninkani isiin waan dilayaa ama waa ka dhamaynayaa!!!! .
Waxyar markii aan Meesha taagnaa,dadkii goobta ila joogay ee aan ugu imina aanay wali raggi kala saarin isla markaana u kala nacamlaynayaan ayaa waxa dhacday in ninkii lacagta lagu lahaa oo ah ninka nabarka qaba uu Mindidii uu sitay lasoo baxay intaasi kadibna kula soo cararay kii kale,isaga oo damcay inuu galiyo balse laba nin ay isku duubeen kana qaadeen Mindidii,waxyar markii raggii goolaaftan dhex marayay ayaa waxa goobta soo istaagtay hooyo somaliyeed oo da’deeda aan ku qiyaasay 50-55 jir,intaasi kadib waxa ay aragtay ragga Mindiyaha sita ee la kala hayo iyo mid mindiyi ku taalo oo dhiig ka da’ayo,mamadii mar qudha ayuu jawigeedii is badalay,waxaana dhawr qof oo Meesha taagnaa oo aan kamid ah ay waydiisay su’aal ahayd Maxay labadan nin isku dilayaan? Se ninka dhiigu ka da’ayo maxaa dhakhtar loo gayn waayey ee laga daawanayaa? miyey islaayeeen mise waxbay isku haystaan?. Saddexdaa su’aalood ayay si iskugu xig xiga noo waydiisay aniga iyo ragg iga soo horeeyey oo goobta taagnaa.
Inta aanan jawaab ka bixin waxii aan ka ogaa dhacdadan ee aan kusoo gaadhay ayaa nin I garab taagnaa oo markaasi iga soo horeeyey mamadii u sheegay siday wax u dhaceen isaga oo sheegay in dirqi lagu kala qabtay,hadana la kala hayo doonayaana inay is dilaan.
Hooyadii ayaa raggii kala hayey labadan nin ee Mindiyaha isku sitay canaan dhagaha ka jartay iyada oo ku muusanowday labadii nin ee lacagta isku haystay,waxaana ay mamadii bixisay lacagtii ay isku haysteen labada nin oo dhamayd 70 Kun oo shilling Somaliland ah,sidoo kalena waxay kaxaysay ninkii dhaawaca qabay ee mindidu ku dhacday,waxaana ay gaysay dhakhtar laguna dabiibay,sidaas ayayna hooyadii ku kala babaadisay labadii nin oo qudha iska jari lahaa.
Allaw hooyooyinka iyo hablahaba u naxariisto janadana ugu bushaaree idam alle!!!!!!!!!!!.

Qalinkii:- Cabdifataax Xareed
Xareed101@gmail.com
Tell:-
Telesom:- +252-63-4184483
Somtel:- +252-65-4184483

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
old man Indhihii Hibashada iyo Xusuusta La Ilmeeyey.    July 23, 2017
Maanta oo Axad ah ayaanu kulanay nin Oday ah oo aanu kawada tirsan nahay bahda shaqaalaha caafimaadk
BBC Soomaali Faallo: Si fiican ayay BBC-du Hargeysa ugu xustay lixdan-guuradeeda. Laakiin ma beddeli doontaa sida ay ula dhaqanto Somaliland?    July 20, 2017
Waxa Salaasadii Hargeysa lagu soo gunaanaday dabaaldeg Idaacadda iyo Telefishanka BBC-da ka socday m
DEG-DAG:- Ciidamada Booliska oo Jeelasha Ku Guray Saraakiil iyo Taageerayaal Ka Tirsan WADDANI+ Soo Dhaweyntii Weftiga Muuse Biixi ee Deegaanada Berbera oo Dadka Lagu Qasbaayey    July 18, 2017
Berbera- (SLF):-Ciidamada Booliska ee goballadaTogdheer iyo Saaxil, ayaa xalay illaa saaka xabsiga u
ahm aroos  1 HAMBALYO AROOS: Ahmed-daahir Maxamud Aw Faarax Iyo Fadxiya Xaaji Maxamed + SAWIRRO    July 17, 2017
Hargeysa— Aabo Maxamud Aw Faarax, Hooyo Faadumo Ibraahin Guled, Aamina Maxamud Aw Faarax, Cabdi Ma
1 Dad aan codba hayn yay ku durbaan tumin    July 17, 2017
Waxaynu aragnaa oo aynu tv yada ka dawanaa ragii dadka boobay oo leh beeshii waatan oo waxay u diyaa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
July 2017
M T W T F S S
« Jun    
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
Site stats
  • Who's Online

    1 visitors online now