Hayada HOVOYOCO Oo Jidka U gashay Gurmad Biyo dhaamis Ah Oo Hayada OXFAM Ay U Fidisay Deegaamo Hoos Yimaada Degmada Waridaad Iyo Maayarka Degmadaasi oo Ka Hadlay

April 20, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Hargaysa-(SLF )-  Deegaano Hoos Yimaada Degmada Waridaad ee Gobolka saraar waxaa laga Soo Sheegayaa Biyo baahsan oo Ka Dhalatay abaaraha Saameeyey Deegaamada Bariga Somaliland Kuwaasi oo ay ugu Darsantay Musuqmaasuq iyo Wax isdaba Marin ku Aadan Gurmadka La Gaadhsiinayo Dadkaasi oo Ay jidka u Galeen Dadkii la Filayay inay Masaakiinta Jilicsan Dar Ilaahay wax u gaadhsiiyaan iyadoo la sheegayo inay Quudareeyeen Deeqaha Biyaha ah ee Dadkaas loogu Talo9galay

 

 

 

Hayada Oxfarm Xafiiskeeda Magaalada Burco ayaa naloo Xaqiijiyay inay Deegaanka Muguca oo Dhowr Km U Jirta Degmada waridaad Kagana Beegan Dhinaca Koonfureed ay Ugu Deeqday Biyo Dhaamis Balaadhan Oo ay ugu Gurmanayso Masaakiinta abaaraha La Tabaalaysan Tan iyo Inta La Arki Doono Raxmaadka Eebe iyo Roobabka Guga

 

 

 

Hayadan Dadka Tabaalaysan u Gurmatay Ayaa lasoo Sheegayaa inay u Wakiilatay sidii Ay Biyahaasi u Gaadhsiin Lahaayeen Urur NGO ah oo lagu Magcaabo HOVOYOCO kuwaasi oo Maamulkoodu ay Jidka u Galeen Biyihii Macaanaa ee Dadkaas Jilicsan loogu talogalay waxaana Arintani Noo Xaqiijiyay Maayarka degmada Muguca oo hoos timaada Waridaad

 

 

Maayarka Oo Khadka Telefoonka Noogu Waramay Ayaa ka Dayriyay Xaalada Dadka iyo Deegaanka Waxaana uu Sheegay in Ay tahay wax laga Xumaado in dadka Jilicsan wixii loogu Talogalay ay Soo dhaafi Waayaan Dadkii loogu soo Dhiibay Sida Hayada HOVOYOCO

 

 

Ibraahin Xariir Diiriye oo Ah Masuulka Ama gudoomiyaha Hayada Hovoyoco ee Deegaamada Bariuga Ayaa Uu Gudoomiyaha Degmada Mugucu Cabdilaahi Jaamac Cawed ku Eedeeyey inuu Lunsaday isla markaana Jidgooyo u Galay Biyo Dhaaminta Ay Hayada Oxfarm u Wakiilatay Waxaana uu yidhi

 

 

“Hayada Oxfam Waanu uga Mahad celinaynaa Biyo Dhaaminta Ay Deegaanka Muguca Ka Samaysay Iyadoo ugu talogashay inta roobabka iyo Raxmaadka Ilaahay Curanayaan Dadkaasi Masaakiinta Ah Loo Sameeyo Biyo Sidii loo gaadhsiin lahaa Waxayna usoo Wakiilatay Hayada Hovoyoco Balse waxaa ay Balaayoba Ka taagan tahay in Masuulkii Gudoomiyaha ka ahaa Hovoyoco oo lagu Magcaabo Ibraahin Xariir Diiriye Jidka u Galay oo leexsaday Isla Markaana Lacagtii Biyaha lagu Dhaamin lahaa uu Meelo kale u Leexsaday dadkii Balanka ay hayadaasi ka qaadayna ay Tebayaan Wixii loo sheegay waxaana aanu ka Codsanaynaa Madaxda Sarsare ee Hayada Oxfarm inay Si naxariis leh Arinkaasi Wax uga Qabato iyadoo ku Mahadsan Sidi ay Dadka Abaaraysan ee biyo La’aantu Hayso uga Naxday “Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Deegaanka Muguca Cabdilaahi Jaamac CAwad

 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Daawo: Mooshin Ka Dhan Kelmadda DHAQAN-CELIS    May 24, 2017
- Barnaamijka kulanka Gorfaynta oo ka baxa idaacadda Radio Maqal oo laga dhegayso Oslo iyo nawaaxige
Maxaynu Ka Baranay Sanadkan 18ka May /Qalinki suxufi madax banan cabdiraxmaan maxamed xidig    May 24, 2017
iyadoo shacbiga  reer somaliland ay ka midyihiin   bulshooyinka caalamka ee dhowaan la jaanqaaday
thumbnail_vvv Hambalyadii 18 May ee Itoobiya oo Jabuuti, Turkiga, Kenya ka aamuseen, oo dareenka shacabka Somaliland    May 20, 2017
Hargeysa- Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa noqday dalka keliya ee ku soo hambalye
thumbnail_cabdi caydiid QAYLO-DHAANTA CABDILLAHI JAWAAN – SAX MISE KHALAD? (W/Q: C/RAXMAN CAYDIID)    April 13, 2017
Marka Hore Mahad Oo Dhami Eebe Ayay U Sugnaatay, Nabadgelyo Iyo Naxariisina Suubanaheena Muxammad. M
thumbnail_17309779_425862594415240_4872512848930050901_n Fashilka wasaarada warfaafinta ee ku aadan doodaha lagu wiiqayo jiritaanka somaliland ee kaga imanaya tv yada iyo idaacadaha    April 12, 2017
Fashilka wasaarada warfaafinta ee ku aadan doodaha lagu wiiqayo jiritaanka somaliland ee kaga iman
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
May 2017
M T W T F S S
« Apr    
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now