Hambalyadii 18 May ee Itoobiya oo Jabuuti, Turkiga, Kenya ka aamuseen, oo dareenka shacabka Somaliland

May 20, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Hargeysa- Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa noqday dalka keliya ee ku soo hambalyeeyey shacabka & xukuumada JSL, maalinta Qaranimadda ee 18 May, halka wadammada Jabuuti, Kenya & Turkiga oo xafiisyo ku leh dalku kala masuugeen inay farxada la wadaagaan shacabka.

“Annigoo ku kalsoon in xidhiidhka saaxiibtinimo ee u dhexeeya labadeena wadan, aanu keliya sii jirayn, balse, si balaadhan u sii xoogaysan doono, waxaan jecelahay inaan fursadan ku muujinayaa sida Xukuumadaydu ugu hambalyeynayso shacabka iyo xukuumada Somaliland munaasibadan aad u dabaaldegaysaan 26 guurada ka soo wareegtay maalinta Qaranimada 18 May.” Sidaa waxa lagu sheegay qoraal rasmi oo safaarada ee JDF Itoobiya ku leedahay caasimada Hargeysa ka soo baxay, kuna saxeexnaa Brig Gen Amb Berhe Tesfay, oo lagu socodsiiyey Wasaarada Arrimaha Dibedda JSL.

 

Jamhuuriyadda Somaliland oo madaxbanaanideeda kala soo noqotay 18 May, sannadkii 1991, wadanka Soomaaliya, ka dib markii midnimadii dhexmartay sannadkii 1960-kii lagu guuldaraystay, ayaan niyad wanaagsan iyo hambalyo ku saabsan munaasibada 18 May ka helin wadammadda Jabuuti, Kenya iyo Turkiga, oo xafiisyo ku leh dalka, isla markaana noqday kuwo kala masuugay shacabka Somaliland la qeybsiga farxadooda, taasoo noqotay fariin shacabka ku kala gartaan saaxiibkooda iyo cadowgooda, kuna qiimeeyn doonaan xidhiidhadooda mustaqbalka ee wadamada iyo dalka Itoobiya ay la wadaagayaan.

Mohamoud Ali Walaaleye
Tell. 00-252-63-4001235
Freelance Reporter
http://www.funca.info/
Hargeisa- Somaliland

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Mashruucii Biyo Galinta Tog-Wajaale Halkuu Ku Danbeeyey Tolaw Hagrashadu Ma Wasaarada Biyahaa Mise Waa Xukuumada.    June 16, 2017
Mashruucii Biyo Galinta Tog-Wajaale Halkuu Ku Danbeeyey Tolaw Hagrashadu Ma Wasaarada Biyahaa Mise W
Qalalaasaha Diblomaasiyadeed ee Qatar iyo Carabta kale: Maxaad Kala Socotaa?    June 6, 2017
Shalay 5tii June, 2017 waxa dhacay dhacdo diblomaasiyadeed oo taariikhi ah, dalal badan ayaa xidhiid
Daawo: Mooshin Ka Dhan Kelmadda DHAQAN-CELIS    May 24, 2017
- Barnaamijka kulanka Gorfaynta oo ka baxa idaacadda Radio Maqal oo laga dhegayso Oslo iyo nawaaxige
Maxaynu Ka Baranay Sanadkan 18ka May /Qalinki suxufi madax banan cabdiraxmaan maxamed xidig    May 24, 2017
iyadoo shacbiga  reer somaliland ay ka midyihiin   bulshooyinka caalamka ee dhowaan la jaanqaaday
thumbnail_vvv Hambalyadii 18 May ee Itoobiya oo Jabuuti, Turkiga, Kenya ka aamuseen, oo dareenka shacabka Somaliland    May 20, 2017
Hargeysa- Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa noqday dalka keliya ee ku soo hambalye
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
June 2017
M T W T F S S
« May    
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now