Hambalyada Guddoomiyaha KULMIYE ee xuska 18 May – Muuqaal iyo Qoraal

May 17, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Hargeysa (SLF )- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa guud ahaan shacabka reer Somaliland ugu hambalyeeyey xuska sannad-guurada 26-aad ee ka soo wareegtay dib-ula-soo noqoshada qaranimada Somaliland ee 18-ka May 1991.

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu hambalyada shacabka maalinta qaranimada ka sakow uu farriin baaq ah u diray shacabka Somaliland inay ka qaybgalaan qaadhaan-ururinta loo beddelay xafladihii xuska 18-ka May si loogu gurmado dadka ku tabaaloobay dhibaatada abaartu sababtay.

Md. Muuse Biixi Cabdi oo dhambaal ku saabsan hambalyada xuska maalinta 18-ka May u diray shacabka Jamhuuriyadda Somaliland maanta, taas oo sidoo kalena kaga hadlay guulaha Somaliland gaadhay muddada ay jirtay iyo qabyooyinka weli u dhiman, waxa u ku yidhi, “Guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland waxaan ugu hambalyeynayaa munaasibadda 18-ka May oo ah maalintii lagu dhawaaqay goonni-isu-taagga Somaliland iyo lasoo noqoshada Qarannimada Somaliland ee 18-ka May, qaranimada Somaliland waxay soo martay jid dheer oo halgan leh oo nabadayn, qaran-dhis iyo horumar dhinacyo badan leh, mid dawladnimo, waxbarasho, mid kaabayaasha dhaqaalaha ah iyo bulshada oo koboc aqooneed iyo nabadeed ku tallaabsatay, haseyeeshee adduunyadu waa tiro sagaal ah oo ma tobnowdo, mar walbana waxbaa dhiman iyadoo aynu horumar weyn gaadhnay haddana weli qabyo badan iyo dhibaatooyin baa ina horyaalla, waxaana kow ka ah dhaqaale yaraan, shaqo la’aan ama inta dadkeenna shaqaysa oo aan mushahar ku filan qaadanin, aqoonsi la’aan iyo u diyaargarowga cimilada isbeddeshay ee keentay abaaraha iyo roob la’aanta saamaysay noloshii dadka Somaliland oo dhan iyo inta afsoomaaliga ku hadasha iyo guud ahaan Geeska Afrika oo dhan.”

Murrashax Muuse Biixi oo sharraxaya sida looga bixi karo mushkiladaha waqtigan hortaagan bulshada reer Somaliland, “Dhibaatooyinkaas ina horyaalla waxa lagaga gudbi karaa midnimo, isku kalsooni, aqoon iyo fahan ah inaynu isku tashano oo aanay dhibaatadaas innaga saari karin wax la inoo soo sadaqeeyey ama bani’aadam kale innagaga timi oo la innagu caawiyey,” ayuu yidhi.

Waxa kaloo uu Guddoomiyaha KULMIYE u faahfaahiyey bulshada reer Somaliland sababaha loo beddelay munaasibadihii dabbaaldegga maalinta 18-ka May iyo siday uga duwan tahay kuwii hore, waxaannu yidhi “Maanta 18-ka May dabbaaldeggii hore ee la samayn jirey mid ka duwan baynu samaynaynaa, haddii markii hore aynu ciidamo soo marin jirnay oo damaashaadka uu ciidan ku jiray oo dadku fantasiye badan iyo kharash badan geli jiray abaabulka maalintaas, maanta xooggii iyo dhaqaalihii waxa aynu u beddelay inaynu ugu gurmano dadka ay abaaruhu tabaaleeyeen ee dhibaataysan wixii dhaqaale ahna halkaas loo duwo, lana bilaabo u diyaargarowgii ka hortagga abaaraha oo dhir la beero oo ay noqoto bar-bilow qof walba oo reer Somaliland ahi uu geed beeri karo, haddii aynaan dib u dhiraynin abaartu way sii baahaysaa.”

Ugu dambayntii, Guddoomiyuhu waxa uu ugu baaqay dhammaan reer Somaliland inay si buuxda uga qayb-qaataan qaadhaan-ururinta loogu talogalay in wax lagaga qabto saamayntii abaartu reebtay, isagoo xusay in haddii qaadhaankaas loo hagar-baxo ay bulshadu noqon doonto mid isku tashatay oo baryo dibadeed ka maaranta, “Shacabka reer Somaliland gudo iyo  dibad meel ay joogaanba waxaan ugu baaqayaa inay ka qayb-qaataan qaadhaan-ururinta dhaqaalaha loogu talogalay dadka ay abaaruhu tabaaleeyeen, haddii aynu isu hagar-baxno mar waa ajar, mar waa seko haddii lagugu leeyahay, marna waa bani’aadamnimo oo dad tabaalaysan oo xaq kugu leh baa wax la siiyey, marna  dhaqaalaha aynu ururinaynaa waxa uu bar-bilow u noqonayaa in haddii aynu isku tashano aynu in badan ka maarmi doono baryada bani’aadamka, midna ogaada oo lacagta hay’aduhu inagu caawinayaan waxa laga soo ururiyaa dad innaga oo kale ah,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.

 

 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Daawo: Mooshin Ka Dhan Kelmadda DHAQAN-CELIS    May 24, 2017
- Barnaamijka kulanka Gorfaynta oo ka baxa idaacadda Radio Maqal oo laga dhegayso Oslo iyo nawaaxige
Maxaynu Ka Baranay Sanadkan 18ka May /Qalinki suxufi madax banan cabdiraxmaan maxamed xidig    May 24, 2017
iyadoo shacbiga  reer somaliland ay ka midyihiin   bulshooyinka caalamka ee dhowaan la jaanqaaday
thumbnail_vvv Hambalyadii 18 May ee Itoobiya oo Jabuuti, Turkiga, Kenya ka aamuseen, oo dareenka shacabka Somaliland    May 20, 2017
Hargeysa- Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa noqday dalka keliya ee ku soo hambalye
thumbnail_cabdi caydiid QAYLO-DHAANTA CABDILLAHI JAWAAN – SAX MISE KHALAD? (W/Q: C/RAXMAN CAYDIID)    April 13, 2017
Marka Hore Mahad Oo Dhami Eebe Ayay U Sugnaatay, Nabadgelyo Iyo Naxariisina Suubanaheena Muxammad. M
thumbnail_17309779_425862594415240_4872512848930050901_n Fashilka wasaarada warfaafinta ee ku aadan doodaha lagu wiiqayo jiritaanka somaliland ee kaga imanaya tv yada iyo idaacadaha    April 12, 2017
Fashilka wasaarada warfaafinta ee ku aadan doodaha lagu wiiqayo jiritaanka somaliland ee kaga iman
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
May 2017
M T W T F S S
« Apr    
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
Site stats
  • Who's Online

    2 visitors online now