Haddii Calafku Kugu Dhaco u Badalo Midho Macaan…” Sheeko Gaaban:- Saddexdii Beerwale.

July 25, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Beeruhu waa jiritaanka aassaasska noloshada aadamaha, xoolaha iyo xayaawanada, wax-beeristuna waa habka abuurida, taranka, korintaanka, xanaaneynta  iyo soo saarida dhirta laga helo cuntada, daawada, dharka iyo hoyga ay ku tiirsan tahay nolosha dadku.
Wakhti hore waxa jiray nin beeralay ah oo ku noolaa Tuulo yar oo aan aad uga fogayn caasimada dalka Jamhuuriyada Somaliland,   inkastoo ninkaasi uu ahaa nin karti iyo dadaal badan dhinaca tacabka beeraha, haddana waxa uu ahaa nin aan daryeeli jirin beertii uu tacabka galiyey, waxaana beertaas cuni jiray shi mbiraha, cayayaanadaa, xamaaratada  iyo xayawaanada kale.
Xillli ka mida ah xilliyada, waxa dalaga beertii uu ku tabcay ka soo go’day midho aad u tiro yaraa oo aanay ka muuqan dadaalkii badnaa ee ay galiyeen qoyskiisu, ka dibna, waxa uu abaal marin ugaga dhigay inuu ku wareejiyo wiil uu dhalay oo uu aad u jeclaa oo ku dhashay beer-falida.
Wiilkaas waxa uu aad u jeclaa yaanbada dhulka lagu qodo, dhisitaanka kanaalada waraabka beeraha, barashada hanaanka cimilada iyo barashada cilmiga bacriminta, in ka badan intaas oo dhan waxa uu ka sii jeclaa midhaha ka soo’go beeraheena ee aynu beerano, waanu cuni jiray, waxaanu ahaa khabiir dhinaca cilmiga beeraha ah aad ugu xeel-dheeraa.
Markii uu bilaabay qorshayaal uu ku horumarin lahaa tayada iyo tirada beertaas, waxa ka hor-yimid caqabad weyn, taasoo ahayd,  in beertii uu falan lahaa oo dhameyd cabirkeedu 21-qoodi ay hoy u noqotay dhamaan waxa bahal beerka ku siqa oo dhan ee loo yaqaano xamaaratada iyo duur-jog kale, ka dib, waxa uu go’aan ku gaadhay inuu beerta dhexdeeda ka sameeyo qiyaas dhan 1-qoodi  shabagyo koob-kooban ah oo aad u qurux badnaa, waxaanu ku  ku soo ururiyey dhamaan wixii bahal ku noolaa beertaas oo uu miciyihiina uu ka guray,  halka uu 9-kii qoodi ee kale uu ka beeray midho la goosto.
Waxa kale oo uu culays ku saaray naftiisa inuu maalinkiina uu ka shaqeeyo, habeenkiina dhex-seexdo beerta, taasina waxa ay ku keentay inuu u kaco wax kasta oo dhulka ku soo dhaca, waxa uu ahaa nin naftiisu tababaran tahay oo maalintii hal-wakhti wax cuni jiray oo aanay ka muuqan daal jidheed iyo maskaxeedba.

Muddo yar ka dib, waxa ay beertiisii noqotay beerta xayawaanka ee loo soo dalxiis tago, waxaana ka soo gali jiray dakhli aad u badnaa marka loo eego wakhtigaas, isla-wakhtigaasna,  waxa inta badan soo booqan jiray beeralayda kale si ay uga bartaan farsamooyinka cusub ee galayda, hadhuudhka, khudaarta, da’deeda,  kaydinteeda, tumideeda iyo sida midhaha looga saarayo, sida ay taariikhdu sheegtay, mar ay wax ka weydiiyeen beeralaydaas, sida uu ku gaadhay inay beertiisu noqoto beer loo soo daawasho tago, waxa uu kaga jawaabay oo uu yidhi:, haddii uu calafku kugu dhaco u badalo midho macaan oo aad goosato.
Nin ay jaar ahaayeen oo tuuladaas degenaa, ayaa waxa uu ahaa nin xoog ah, jidhkiisuna uu xoog yahay, guushiisuna ay xoog tahay, hamigiisu  uu ahaa inta badan xoog, oo guusha haadana lahaa, oo tacab badan beer uu lahaa galiyey si uu uga helo  wax-soosaar iyo faa’iido badan, isla-markaana, ahmiyadiisa koowaad waxa ay ahayd, siduu wiilkaas ugula tartami lahaa gobolka ay degenaayeen, waxa kale oo uu dadaal badan galiyey sidii uu wax ugaga baran lahaa nidaamka iyo xirafaha gaarka ee uu isticmaalayo wiilkaas.
Xilli ka mid ahaa xilli- wakhtiyeedkii abuurka la bilaabi lahaa, waxa uu dadaal badan galiyey inuu dhamaan cayayaanka dhirta ee ku noolaa beeraha deegaanka uu degenaa ku soo ururiyo beertii uu falan lahaa, isla-markaana ay u noqoto beer loo soo daawasho tago, taasoo uu ugu magac daray beertii cayayaanka, sidaas baanay ku ba’day beertiisaasi oo aanu waxbaba ka dheefin.
Ninka saddexaadna waxa uu ka mid ahaa beeralaydii degenayn tuuladaas, waxaana lagu tilmaami jiray inuu ahaa nin aad dadaal badan oo tacab badan galin jiray beer uu lahaa oo uu beeran jiray, laakiise, ay beertiisaasi ay ka ba’day dhowr jeer oo uu beeray, inkastoo ay gacan qabteen beeralaydii kale ee ay isku deegaanka ahaayeen, haddana muu noqon mid wax ka bartay habka kobaca beeraha, laakiinse, mar uu isku dayey inuu wax ka badalo damaciisa, isagoo wax ka bartay wiilkii beeralayda ahaa, ayuu   go’aan ku gaadhay in uu naftiisa culays ku saaro inuu ka shaqeeyo beertiisa maalintii,  habeenkiina dhex-seexdo, taasoo ku keentay inuu u kaco wax kasta oo dhulka ku soo dhaca, waxaanu wax cuni jiray maalinkii afar-wakhti, marka intaas oo dhan laga yimaado, haddana waxa lagu tilmaami jiray in aanu ahayn nin u tababaran dhinaca shaqada iyo cilmiga beer-faloshada.
Laakiinse, waxa uu wax ka bartay maamul daadajin shaqada, isla-markaana ay keeno xanuunada raxo la’aan ee sababa daalka maskaxda iyo jidhka, si uu xanuunkaas ugaga badbaado waxa uu sameeyey shaqaale xirfad iyo aqoon u lahaa habka beerista midhaha beeraha.
Markii la gaadhay wakhtigii la shiniyeyn lahaa beertii oo aad u qurux badanayd ayey lexo jeclo qabatay, waxaanu go’aan ku gaadhay inuu kala diro shaqaalihii xirfada iyo aqoonta u lahaa habka beer-falashada, ka dibna, abuurkii ugu horeeyey shinidaas waxa uu u istcimaalay midho khaayisay oo yaalay hoygii uu ku noolaa, sidaas baanay beertiisii mar-saddexaad ku ba’day.

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Screenshot Wershad Somaliland Lahayd Oo Ay Bedeleen Warshado Laga Leeyahay Wadamada Chinna Iyo Jabaan/Qalinkii Weriye Cabdiraxmaan Tiriike    August 17, 2017
Hore Waxay U Ahayd Wershad Meel Hal-bawle Ah Ugu Jirtay Umada Ku Hadasha Afka Somaliga Waana Mid Muu
20891354_10214158041289739_240530483_n HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed    August 15, 2017
HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed. Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaft
Baro-bixinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)    August 9, 2017
Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuw
Hambalyo Meher Wacan    August 6, 2017
Xamse Maxamed Carten, Salaabeen Xuseen Cabdi, Sidiiq Cabdi Cismaan, Saleebaan Cabdi looliye, Saalax
Wankii La lumay Baraarka    August 5, 2017
Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
August 2017
M T W T F S S
« Jul    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now