Gudooomiyaha Xisbiga Waddani Laantiisa Germany Oo Xilal Cusub Magacaabay

August 1, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Germany- (SLF)-Gudooomiyaha Xisbiga Waddani Laantiisa Germany Md.Xasan Faarax Xirsi X.Mataan ayaa isku shaan-dhayn ku sameeyey qaar kamida Masulliyiinta Laantiisa isagoo isla markaasina Masuuliyiin cusub magacaabay,Gudoomiyaha Garabka Dhalin yarada Laanta Germany ee Xisbiga Waddani.iyo G/Xigeenka 2aad ee Laanta Germany ee Xisbiga Waddani.

War-saxaafadeed uu goor dhawayd soo saaray Gudoomiye Xasan Mataan ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-

 

War-saxaafadeed

REF/XIS/WAD/GER/28

KU: Maxamed Abdirahman Jaamac Germany
KU: Ridwaan Axmed Aw Cali. Germany
OG: Hogaanka Laanta Germany. Germany.
OG: Gudoomiyaha Qaarada Yurub. UK
OG: Xarunta dhexe ee Xisbiga Waddani Hargeysa.
OG: Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddan Hargeysa.
OG: Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Hargaysa.

01.08.2017
Ujeedo: Magacaabis Xilal cusub.

Markaan Arkay Qodobka 5aad ee Xeer hoosaadka laanta germany.
Markaan Arkay Qodobka 16aad faqradiisa 5aad ee xeer hoosaadka Laanta Germany,
Markaan latashaday hogaanka laanta Germany ,
Markaan eegay baahida looqabo buuxinta jagooyinka.
Markaan kuqancay kartidooda Aqoontooda iyo Waayo aragnimadooda
Markaan eegay dadaalkii dheeraa ee ay labarbar taagnaayeen mudadii uu Xisbigu Waddani ka jiray Germany.

Waxaan go,aan saday in ay lagama maarmaan tahay inay masuuliyiinta korkuxusani laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 01.08.2017 ay buuxiyaan jagooyinkan hoosku qoran.

Mudane: Maxamed Abdirahman Jaamac
G/Xigeenka 2aad ee Laanta Germany ee Xisbiga Waddani.

Mudane: Ridwaan Axmed Aw Cali
Gudoomiyaha Garabka Dhalin yarada Laanta Germany ee Xisbiga Waddani.

Waxaan masuuliyiinta cusub urajeynayaa inuu Alleh u fududeeyo gudashada waajibaadka Xilka.

Waxaan sidoo kale hogaanka Laanta Germany kacodsanayaa inay lashaqeeyaan Masuuliyiinta cusub.

 

Allaa Mahad Leh.

Gudoomiyaha Laanta Germany ee Xisbiga Waddani
Hassan Farah Hirsi ( hassan mataan )

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
20891354_10214158041289739_240530483_n HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed    August 15, 2017
HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed. Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaft
Baro-bixinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)    August 9, 2017
Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuw
Hambalyo Meher Wacan    August 6, 2017
Xamse Maxamed Carten, Salaabeen Xuseen Cabdi, Sidiiq Cabdi Cismaan, Saleebaan Cabdi looliye, Saalax
Wankii La lumay Baraarka    August 5, 2017
Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsa
ILYAAS AYAAN Hambalyo Aroos Wacan Oo Ku Socota : Ilyaas Saxardiid Kaahin iyo Ayaan Xiis Maxamed Oo Aroooskoodu 30/07/2017 ka dhacay magaalada Slouth City ee Cariga Ingriiska    July 30, 2017
Suldaan Cabdirixiin Saxardiid Kaahin,Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi,Suldaan Xiis Ismaaciil Abiib, Maxa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
August 2017
M T W T F S S
« Jul    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now