Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO oo Dhalinyarada Iyo Shacabka Somaliland Usoo Jeediyay Fariimo Muhiim Ah Oo Salka Ku Haya Doorashooyinka

July 11, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Hargaysa- ( SLF  )Gudoomiyaha Hayada Dhalinyarada ee Heer Qaran ee Sonyo Cabdicasiis Siciid Saalax oo manta Shir jaraaid ku qabtay xafiiska ay daladaasi ku leedahay Magaalada hargaysa ayaa wuxuu kaga hadlay Qaabka ay shacabka Gobolada Maroodijeex iyo togdheer u qaadanayaan Kaadhka Codeynta ee doorashooyinka Somaliland ee fooda inagu soo haya.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inuu fursadan uga Faaiidaysanayo dhalinyarada Somaliland oo uu ka codsaday inay Kaadhka qaataan si ay uga Qayb galaan Doorashooyinka FOoda inagu Soo Haya waxaana uu yidhi Gudoomiyaha Dalada Sonyo oo Arintaasi ka Hadlaya”

Dalada Dhalinyarada ee SONYO waxay ku boorinaysaa Dhalinyarada Somaliland iyo Shacabkaba Inay Qaataan Kaadhka Codeynta ee doorashooyinka Soo Socda oo ay ugu horeyso Doorashada Madaxtooyada oo dhici doonta 23 November 2017

Dalada Dhalinyarada ee Sonyo waxay Aaminsan tahay inay manta tahay Midho Dhalin taariikheed oo qayb ka ah Fursadaha Siyaasadeed ee aanu Doonayno inay dhalinyarada iyo Dayarta Somaliland ku goaamin karaan Mustaqbalkooda,waayo waxaa inaga Goan inaynu Codka ku Goaamino mustaqbalka Qofka in Hagaaya doonaynona inaynu Masiirkeena ku Aamino,hadii markaas dhalinyaradu ay Fadhiisato Isla Markaana ay ka qaybgeli waydo Hanaanka Doorashada ama ay wax dooran waydo waxaa meesha ka baxaaya,in mustaqbalkaagii Aad la Fadhiisatay Xaglo Laabana Xoolo kuma Yimaadaan waxaana aanu ugu danbayn Dhalinyarada Somaliland usoo jeedinaynaa inay Muujiyaan Hanaanka Qaangaadhnimo ee Doorashooyinka Somaliland

Sidoo Kale Gudoomiyaha Dalada Sonyo Waxaa uu Dhalinyarada Somaliland usoo jeediyay inaanay Kala Fogayn Shacabka kuna Dhex milmin Siyaasiyiinta Xisbiyada kuwaasi oo uu sidoo kale uga digay Inay Bulshada Cunfi Kala Dhex Dhigaan waxaana uu yidhi

Waxaan usoo jeedinayaa Dhalinyarada inaanay Cunfi iyo Isnac ku Abuurin Xisbiyada Dalka waayo waxaa inaga dhaxeeya ayaa ka badan in qof waliba qofkuu doonayo uu doorto waxaana inaga dhexeeya Arimo badan Sida in ay Shacabka wada leeyihiin Iskuulada,Caafimaadka,Jaamacadaha,Biyaha,isku socodka  iyo Wada Noolaanshaha markaa hadii laba murashax lagu Kala Rayi Duwanaado Dalada SONYO masoo jeedinayso in la isku naco iyo In Lagu Kala Fogaado Midna dhalinyarada Dalkana waxaan usoo Jeedinayaa inay Gacmaha Is Qabsadaan iyagoo isku Ixtiraamaya Kala Duwanaanshahooda Siyaasadeed

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
old man Indhihii Hibashada iyo Xusuusta La Ilmeeyey.    July 23, 2017
Maanta oo Axad ah ayaanu kulanay nin Oday ah oo aanu kawada tirsan nahay bahda shaqaalaha caafimaadk
BBC Soomaali Faallo: Si fiican ayay BBC-du Hargeysa ugu xustay lixdan-guuradeeda. Laakiin ma beddeli doontaa sida ay ula dhaqanto Somaliland?    July 20, 2017
Waxa Salaasadii Hargeysa lagu soo gunaanaday dabaaldeg Idaacadda iyo Telefishanka BBC-da ka socday m
DEG-DAG:- Ciidamada Booliska oo Jeelasha Ku Guray Saraakiil iyo Taageerayaal Ka Tirsan WADDANI+ Soo Dhaweyntii Weftiga Muuse Biixi ee Deegaanada Berbera oo Dadka Lagu Qasbaayey    July 18, 2017
Berbera- (SLF):-Ciidamada Booliska ee goballadaTogdheer iyo Saaxil, ayaa xalay illaa saaka xabsiga u
ahm aroos  1 HAMBALYO AROOS: Ahmed-daahir Maxamud Aw Faarax Iyo Fadxiya Xaaji Maxamed + SAWIRRO    July 17, 2017
Hargeysa— Aabo Maxamud Aw Faarax, Hooyo Faadumo Ibraahin Guled, Aamina Maxamud Aw Faarax, Cabdi Ma
1 Dad aan codba hayn yay ku durbaan tumin    July 17, 2017
Waxaynu aragnaa oo aynu tv yada ka dawanaa ragii dadka boobay oo leh beeshii waatan oo waxay u diyaa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
July 2017
M T W T F S S
« Jun    
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
Site stats
  • Who's Online

    1 visitors online now