Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Ayaa Xalay Muxaadaro (Lecture) Ka Jeediyay Kulan Dadwayne Oo Ka Dhacay Magaalada Burco .

May 9, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

(SLF)- Kulankan Dad-wayne ayaa ahaa mid si heer sare ah loo agaasimay, iyadoo ay soo buux-dhaafiyeen Ardayda jaamacadaha Burco iyo dadwayne kale .

 

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa halkaasi ka jeediyay Muxaadaro ku taccalluqda Dhaqan-Siyaasadeed-ka Somaliland, Waxaanu dib u milicsaday Gudoomiyuhu Taariikhdii Iyo Maraxilkii adkaa Ee Dalka Somaliland ka soo gudbay, isagoo dul-istaagay Taarikhihii kala gaddisanaa ee Dalku soo maray oo mid waliba waayaheeda Xambaarsanayd .

 

Sidoo kale Gudoomiyuhu wuxuu tilmaamay in Dalka Somaliland ay maanta ka jirto Hogaan-xumo, qabyaaladduna ay marba maraka ka danbaysa cirka isku sii shareerayso .

 

Gudoomiyuhu wxuu halkaasi ku soo bandhigay Xalal iyo Barnaamij-ka Siyasiga Ee Xisibiga, isagoo ku tilmaamay  Xisbiga UCID in uu yahay Xisbiga Qudha ee dalkan ka badbaadin Kara Dhibaatooyin-ka Ragaadiyay Ee Qabyaaladdu Kow Ka Tahay .

Dhalinyaradii halkaasi ku sugnayd ayaa su’aalo kala duwan ku boobay Gudoomiyaha, Iyadoo Gudoomiyuhuna uu dhamaan Su’aalahaasi ka bixiyay Jawaabo Waafi ah .

 

Kulankii Xalay ayaa ku soo dhamaaday Jawwi Degen, iyadoo bulshada Reer Burco ay la dhaceen Lecture-Ka Gudoomiyahaa oo ahaa mid dhinacyo badan taabanayaa, Sidoo kalena Ahaa Gudoomiyihii Siyaasigii ugu horeeyay ee Lecture Ka jeediyay Burco .

Guodomiyaha ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID ayaa Muxaadarooyin ( Puclic Lectrure) sidan oo kale ah hore uga jeediyay Magaalooyinka Hargaysa iyo Borama .

 

 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Daawo: Mooshin Ka Dhan Kelmadda DHAQAN-CELIS    May 24, 2017
- Barnaamijka kulanka Gorfaynta oo ka baxa idaacadda Radio Maqal oo laga dhegayso Oslo iyo nawaaxige
Maxaynu Ka Baranay Sanadkan 18ka May /Qalinki suxufi madax banan cabdiraxmaan maxamed xidig    May 24, 2017
iyadoo shacbiga  reer somaliland ay ka midyihiin   bulshooyinka caalamka ee dhowaan la jaanqaaday
thumbnail_vvv Hambalyadii 18 May ee Itoobiya oo Jabuuti, Turkiga, Kenya ka aamuseen, oo dareenka shacabka Somaliland    May 20, 2017
Hargeysa- Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa noqday dalka keliya ee ku soo hambalye
thumbnail_cabdi caydiid QAYLO-DHAANTA CABDILLAHI JAWAAN – SAX MISE KHALAD? (W/Q: C/RAXMAN CAYDIID)    April 13, 2017
Marka Hore Mahad Oo Dhami Eebe Ayay U Sugnaatay, Nabadgelyo Iyo Naxariisina Suubanaheena Muxammad. M
thumbnail_17309779_425862594415240_4872512848930050901_n Fashilka wasaarada warfaafinta ee ku aadan doodaha lagu wiiqayo jiritaanka somaliland ee kaga imanaya tv yada iyo idaacadaha    April 12, 2017
Fashilka wasaarada warfaafinta ee ku aadan doodaha lagu wiiqayo jiritaanka somaliland ee kaga iman
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
May 2017
M T W T F S S
« Apr    
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
Site stats
  • Who's Online

    2 visitors online now