Guddoomiyaha KULMIYE oo Suuqyada Burco Dhex Mushaaxay, Shacabkana La Shaaheeyey + sawiro

July 7, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Burco:(SLF)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Burco maanta kala shaaheeyey maqaaxiyaha laga qaxweeyo ee badhtamaha magaalada ku yaalla.

Guddoomiyaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah hoggaanka sare ee KULMIYE, ayaa goobo kala duwan oo magaalada Burco ku yaalla shacabka kala qaxweeyey, waxana ay si hufan oo saraaxad leh u sheekayasteen dadweynaha ku dhaqan magaalada oo si weyn usoo dhaweeyey, farxad weynna ka muujiyey sida uu guddoomiyuhu fadhigooda ula wadaagay.

Soo dhaweynta ay shacabka ka shaaheynayey suuqyada magaalada Burco, gaar ahaan maqaaxiyaha Cawaale Suqaar iyo Qudhaca, waxa ay guddoomiyaha kaftan iyo sheekooyin googoos ah fadhiga ku wadaageen odayaal iyo waxgarad halkaas ku sugnaa, waxana ay ka mahad celiyeen booqashada boholyowgu ka muuqdo ee uu guddoomiyuhu shacabka kula wadaagay fadhigooda.

Xubno isugu jira wasiirro, xildhibaanno iyo madax-dhaqameed halkaas hadallo kooban ka jeediyey, ayaa guddoomiyaha uga mahadnaqay sida uu shacabkiisa ugu dhex jiro, isla markaana diyaarka ugu yahay inuu xaaladahooda hoose la wadaago.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo kelmado kooban oo waano iyo wax u sheeg ah u jeediyey shacabkii ku sugnaa goobaha inaanay xisbiyadu ahayn meel lagu colaadtamo, isla-markaana danta guud ee la wada leeyahay wax walba ka sarrayso, waxana uu yidhi,“xisbiyada kii soo baxaaba waa keenii, laakiin dadku yaanay xisbiyada u qaadanin meel lagu colaatamo, la isku caayo oo lagu kala fogaado, dhammaaanteen wada Somaliland baynu wada nahay, danta dadkeenana waynu wada ilaalinaynaa.”

Ugu dambayntii waddooyinka iyo suuqyada kala duwan ee magaalada Burco, ayuu guddoomiyuhu socod kusoo maray, waxana dhammaanba goobaha u tegay si hufan ugu soo dhaweeyey dadweyne tiro badan.

 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Screenshot Wershad Somaliland Lahayd Oo Ay Bedeleen Warshado Laga Leeyahay Wadamada Chinna Iyo Jabaan/Qalinkii Weriye Cabdiraxmaan Tiriike    August 17, 2017
Hore Waxay U Ahayd Wershad Meel Hal-bawle Ah Ugu Jirtay Umada Ku Hadasha Afka Somaliga Waana Mid Muu
20891354_10214158041289739_240530483_n HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed    August 15, 2017
HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed. Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaft
Baro-bixinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)    August 9, 2017
Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuw
Hambalyo Meher Wacan    August 6, 2017
Xamse Maxamed Carten, Salaabeen Xuseen Cabdi, Sidiiq Cabdi Cismaan, Saleebaan Cabdi looliye, Saalax
Wankii La lumay Baraarka    August 5, 2017
Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
August 2017
M T W T F S S
« Jul    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now