Guddoomiyayaasha ururada iyo xisbiyadu maxay ka yidhaahdeen arrimaha doorashada?

December 9, 2012 - Written by Cabdixakiim

Guddoomiyaha Komishanka ayaa sheegay in ay hakiyeen natiijaddii Caasimadda Hargeysa ka soo baxday isla markaana xisbiyadda iyo ururada iska arkeen in dib loo eego si tabashooyinka loo daboolo. Wuxuu daboolkakaqaaday in dib loo tirinayo codadkii Hargeysa si loo qanciyo xisbiyada iyo ururada cabanaya.

Guddoomiyaha ururka Dalsan Ismaaciil Aadan ayaa sheegay ayaa soo dhaweeyey dib u tirinta codadka Hargeysa ee Komishanku ku dhawaaqay, wuxuuna tilmaamay in talaabadaasi tahay mid munaasib ah oo qancin karta kuwa hadhay, wuxuu kaloo sheegay in qaar soo baxay ay hadhi karaan haddiitiradu is bedesho, kuwo hadhayna soo bixi karaan. Guddoomiye Ismaaciil ayaa sheegay in qaladaad dhacay wadadnina tahay middii lagu sixi lahaa.

Waxaa dhanka kale ka hadlay arrinkan dib u tirinta codadkaka hadlay mudane Xasan Ciise oo ah guddoomiyaha ururka Xaqasoor, inkastoo uu fikrad ahaan soo dhaweeyey, haddana wuxuu cadeeyey in aanay ahayn talaabo ku filan khaladaadka iyo is dabo marinta dhacday arrin dabooli karta, wuxuu codsaday in dib loo wada tiriyo codkii dalka odhan.

Mujaahid Muuse Biixi oo ah Guddoomiye Kulmiye ayaa isagu ku qancaynatiijada doorashada, wuxuuna sheegay in aanay iyagu marnaba ku shuban, sidaas daraadeedna uu soo jeedinayo ciddaku qanci wayday natiijadani in ay tagto maxkamada sare oo dacwad oogato. Middas ayaa ah sifaha sharciga ah ayuu sheegay.

Ururka Rays ayaa isaguna Xoghaya guud Mudane Khaliif Xiinwaal oo u hadlay ururkaasi uu sheegay in uu natiijadaka soo baxda guddida komishanka ku qanci doono. Wuxuu war murtiyeed uu soo saaray doorashada dabadeed isaga oo Burco jooga. Inkastoo ay jiraan shakhsiyaad ka mid ah Rays ay hadalo cabasho ah soo jeediyeen, haddana go’aanka ururka ayaa ah midka uu soo jeediyey xoghayaha ururka Mudane Khaliif Xiinwaal.

Waxaa iyaguna hadlay oo muujiyey dareenkooda ururka Ummada oo uu u hadlay Mudane Tubeec oo ah guddoomiye ku-xigeenka ururka Ummada oo sheegay in aanay cabanayn, laakiin aanu ku qanacsanayn qaabka doorashadu u dhacday. Ururka Waddani ayaa isaguna sheegay in uu ku qanacsan yahay qaabka doorashadu u dhacday shacbiga u hambalyeeyey.

Xisbiga Ucid ayaa oo ahaa Xisbiga uGu cabashada badnaa ee qawadsanaa qaabkii doorashada loo dhigayey kuna eedeeyey xukuumada in ay jiraan qorshayaal laga shakiyayo oo tilmaamaya in lagu baabinayo Ucid oo Somaliland u taagan ayaa illaa manta aan ka hadlin arrimaha doorashada. Waxaase jira in masuuliyiin ka mid ah xibigaasi qaylo dhaan soo jeediyeen iyaga oo aan ku hadlayn magaca Xisbiga Ucid.

Iskusoo duubo Ururka Xaq-soor ayaa ah mid aan dacwadiisa iyo waxa uu doonayaa ahayn mid lagu guulaystay in la qanciyo. Waxaana shacbigu eegayaa maaraynta dooda doorashada sida Komishanku u soo afjaraan.

Cabdikariim Ysuf Cali
Somalilandfuture.com

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Amas University

Faalooyin
juba5 Xawaaladda Juba Express oo Si wayn ugu dhex muuqday Munaasibadii xuska 18-kii May    May 21, 2013
Hargeysa(Somlilandfuture)Shirkadda Xawaaladda lacagaha ee Juba Express ayaa shalay si wayn uga dhex
Hantidhawraha guud Fadeexadaha Juwannada Musumaasuqa ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ku Fiday Kastamada Kalabaydh iyo Wajaale iyo Hantidhawrka Qaranka oo ka hadalay    May 21, 2013
Hantidhawrka Qaranka oo caddeeyey inay baadhitaanno cusul ka bilaabi doonaan xarumaha dawladaha hoos
IMG_0040 Xukuumadda Somaliland Iyo Safiirka Midowga Yurub Oo Ka Wada Hadlay Hanaanka loo maamulayo deeqaha    May 21, 2013
Hargeysa (Somalilandfuture- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa m
juba4444 Xawaaladda Juba Express oo Si wayn ugu dhex muuqday Munaasibadii xuska 18-kii May.    May 21, 2013
) Shirkadda Xawaaladda lacagaha ee Juba Express ayaa shalay si wayn uga dhex muuqatay  xuska dabaal
kooxkii “Waxaanu uga digaynaa Wasarada Ciyaruha inay iyadu gacanteeda ku fashiliso habsami u socodka Tartanka Ciyaraha Gobolada Somaliland” Gudoomiyaha Xidhiidhka K. Kollayga    May 20, 2013
Wasarada Dh. & Ciyaruhu waxay u baahantahay inay hesho dadkii ehelka u ahaa hormarinta dhalinyar
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
May 2013
M T W T F S S
« Apr    
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
Site stats
  • Who's Online

    1 visitors online now