“Ganacsadaha Maxamed Jabuutaawi Maalgashiga Qiimaha badan Ee Uu Laascaanood ka Sameeyey Ee ah in Cadceeda koronto Laga dhaliyo Mashruucaas Aad Ayaanu ugu Hambalyeynaynaa” Wasiirka Madaxtooyada JSL + sawiro.

April 16, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Laascaanood- (SLF)- Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wefti oo horkacayey oo ka socda Xukuumadda Somaliland ayaa maanta xadhiga ka jaray Mashruuca Cadceeda laga dhalinayo koronto oo laga hirgaliyey Laascaanood.

 

Mashruucan oo uu hirgaliyey gacansada Reer Sool ee Xaaji Maxamed Jabuutaawi, oo ay Xukuumadda Somaliland door weyn ku lahayn hirgalintiisa ayaa maanta laga furay magaalada Laascaanood, waxa munaasibad balaadhan oo loo qabtay ka qayb galay masuuliyiin kala duwan.

Wasiirka Madaxtooyada  Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa madaxdii xafladaasi ka hadashay ayaa si weyn u bogaadiyey Ganacsade Maxamed Jabuutaawi, waxaanu yidhi “ Waxaan runtii jecelahay inaanu ku bogaadino ganacsadaha Maxamed Jabuutaawi maalgashiga qiimaha badan ee uu sameeyey ee ah in cadceeda koronto laga dhaliyo mashruucaas aad ayaanu ugu hambalyeynaynaa aadna waanu ugu bogaadinaynaa, waxa kale oo aanu jecel nahay inaanu ku bogaadino inuu ku dhiiraday aduun badana galiyey mashruucaas. Mashruucani shaqo ayuu abuurayaa, dad badan oo dhalinyaro ahbaa ka shaqayn doona, waxa kale oo uu hoos u dhigi doonaa qiimaha korantada magaalada oo iyadana ay maslaxada ummaddu ay ku jirto, waxa iman doona tartan caafimaad qaba, hadii shirkad kaliyi magaalada shidi jirtay, in laba iyo sadexba ay magaalada shidaan way u baahan tahay, Laascaanood-na waa magaalo  aad u weyn bulsho badanina ay ku dhaqantahay inay adeegyo badan hesho ayaa lagama maarmaan ah.”

 

Wasiir Maxamuud ayaa sidoo kalena ka hadlay horumarka loo baahan yahay in laga hir galiyo Magaalada Laascaanood waxaanu yidhi “ Adeeg koronto oo laga haqab beelo oo jaban, adeegyo talafoono, kuwo caafimaad, kuwo waxbarasho iyo dhamaan adeegyada ay nolosha casriga ah ee reer magaalka ayey u baahan tahay Laascaanood. Waxa kale oo aynu iyagana bogaadinaynaa ragga kale ee muwaadiniinta ah ee mashaariicda kale ee maalgashiga ah ku soo kordhiyey gobolkan, ee ay ka mid yihiin kuwa biyaha sifeeya, kuwa biyaha soo saara, kuwa talafoonada, iyo shirkadii hore ee laydhka ee magaalada shidi jirtay, waxaas oo dhami waa maalgashi, dhamaantood waanu bogaadinaynaa waananu hambalyeynaynaa.”

 

Wasiirka Madaxtooyada ayaa ugu dambayntii si weyn ula dardaartay Ganacsadata reer Sool oo uu ugu baaqay inay sameeyaan tartan xalaal ah oo cunfi iyo dagaal ka madhan waanu yidhi “ Dardaaran waxaanu leenahay in la tartamaa nolosha ayey ku jirtaa, xitaa khayrka ayaa loo tartamaa oo ILAHAY (SWT) ayaa inagu yidhi “ Saabiquu ilal khayraat” mar kale ILAHAY janooyinka u tartama ayuu inagu yidhi, markaa in noloshada lagu tartamaa waa wax wanaagsan cudur maaha. Waxaanu leenahay waa in loo tartamaa si caafimaad qabta, waa in loo tartamaa si bisayl, waayeelnimo iyo mudakarnimo leh. Waa in loo taramaa iyadoo la dhawrayo qawaaniinta ummadda u taala, waa in loo tartamaa iyadoo la dhawrayo maslaxada guud ee ummadda u taala. Dadku waa inuu danaha guud ee ummadda ka fakaraa, dadkani waa macaash doon waa in aynaan la yaabin iyaguna waa inay danta guud ee ummadda ku daraan.”

099A5200 099A5201 099A5202 099A5203 099A5204 099A5205 099A5207 099A5210 099A5219 099A5221

 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Daawo: Mooshin Ka Dhan Kelmadda DHAQAN-CELIS    May 24, 2017
- Barnaamijka kulanka Gorfaynta oo ka baxa idaacadda Radio Maqal oo laga dhegayso Oslo iyo nawaaxige
Maxaynu Ka Baranay Sanadkan 18ka May /Qalinki suxufi madax banan cabdiraxmaan maxamed xidig    May 24, 2017
iyadoo shacbiga  reer somaliland ay ka midyihiin   bulshooyinka caalamka ee dhowaan la jaanqaaday
thumbnail_vvv Hambalyadii 18 May ee Itoobiya oo Jabuuti, Turkiga, Kenya ka aamuseen, oo dareenka shacabka Somaliland    May 20, 2017
Hargeysa- Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa noqday dalka keliya ee ku soo hambalye
thumbnail_cabdi caydiid QAYLO-DHAANTA CABDILLAHI JAWAAN – SAX MISE KHALAD? (W/Q: C/RAXMAN CAYDIID)    April 13, 2017
Marka Hore Mahad Oo Dhami Eebe Ayay U Sugnaatay, Nabadgelyo Iyo Naxariisina Suubanaheena Muxammad. M
thumbnail_17309779_425862594415240_4872512848930050901_n Fashilka wasaarada warfaafinta ee ku aadan doodaha lagu wiiqayo jiritaanka somaliland ee kaga imanaya tv yada iyo idaacadaha    April 12, 2017
Fashilka wasaarada warfaafinta ee ku aadan doodaha lagu wiiqayo jiritaanka somaliland ee kaga iman
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
May 2017
M T W T F S S
« Apr    
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now