Somaliland Future

Somaliland :Xuska Sannad-guurada 21aad ee ka soo wareegtay Madaxbannaanideed Madaxweyne Siilaanyo oo la filayo inuu dadweynaha kala hadlo fagaaraha Beerta Xorriyadda ee Hargeysa
Hargeysa (Somalilandfuture) Xuska sannad-guurada 21aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland oo ku beegan Jimcaha maanta, ayaa la filayaa in si ballaadhan loogu dabbaal-dego dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Xusas ballaadhan ayaa la sheegay in loo samayn doono sannad-guurada 21aad ee ka soo wareegtay markii 18kii May 1991 magaalada Burco lagaga dhawaaqay madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo la filayo in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu Jimcaha maanta dadweynaha kala hadlo fagaaraha Beerta Xorriyadda ee caasimadda Hargeysa.

Xuska 18 May ee sannadkan 2012 oo aan dalka gudihiisa laga dareemayn diyaargaraw xooggan oo loo sameeyey, ayaa u muuqda mid loo samaynayo dabaal-degyo ka meeqaam hooseeya kuwii dalka ka dhacay 18 May ee sannadkii hore ee 2010, balse sida masuuliyiin xukuumadda ka tirsani tilmaameen, waxa xuska sannadguuradda 21aad ee maanta ku beegan loo samayn doonaa dabaaldegyo ballaadhan oo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ka dhaca, iyadoo ammaanka magaalooyinka kala duwan ee dalkana aad loo adkeeyey.

Dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalka gudihiisa ayaa la filayaa inay Jimcaha maanta isugu soo baxaan fagaarayaasha magaalooyinka waaweyn ee Somaliland si ay u muujiyaan xuska sannad-guuradda 21aad ee ka soo wareegtay dib-u-la soo noqoshadii madaxbannaanida Somaliland iyo halgankii qadhaadha ee naf iyo maalka lahaa ee loo soo galay xoriyadda iyo madaxbannaanida bulshadda reer Somaliland maanta ku naaloonayso.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la filayaa inuu maanta dadweynaha uga waramo qiimaha ay dalka ugu fadhido maalinta 18 May iyo halgankii loo soo galay dib-u-xoraynta Somaliland, waxa kale oo la filayaa in madaxweynuhu khudbada uu maanta jeedinayo kaga hadlo arrimo badan oo khuseeya xaaladaha kala duwan ee dalka ka jira, dedaalka loogu jiro raadinta aqoonsiga Somaliland iyo shirarka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee beesha caalamku dabada ka riixayso.

wariye siciid xuseen yuusuf

Mawqifka Ururka UMMADDA ee la Xidhiidha Xukunka Maxkmadda Ciidanku ku Riday Dablaydii Hubaysnayd ee weerartay Ciidanka
Hargeysa (Somalilandfuture)- Urur-siyaasadeedka UMMADDA, ayaa xukunka dilka iyo xabsi diyaarinka ah ee Maxkamadda Ciidammada Somaliland ku ridday Arbacadii toddobaadkan 22 nin oo ka mid ah koox dablay ah oo weeraray xero ciidanka qaranku ku leeyahay caasimadda Hargeysa  ku tilmaamay go’aan lagu deg degay oo aan laga fiirsan cawaaqib xumada ka dhalan karta.

Sidaa waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee ururka UMMADDA Eng. Cabdirashiid Maxamuud Cali ka soo saaray shalay xarunta ururkooda ee magaaladda Hargeysa.

Warsaxaafadeedkaas oo urur-siyaasadeedka UMMADDU kaga hadlay aragtidiisa ku waajahan tallaabadii kooxda dablayda ah ku weerareen xerada ciidanka qaranka ee khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca sababay keentay iyo xukunnada maxkamadda millaterigu ku qaadday kooxdaas oo nuqul ka lmid ah Somalilandfuture  soo gaadhay shalay waxa uu isagoo faahfaahsan u qornaa sidan; “Ururka UMMADDU wuxuu nasiib-darro weyn u arkaa dhacdadii naxdinta lahayd ee dhimashada iyo dhaawaca keentay ee ka dhacday magaalada Hargeysa 15/05/2012, ururka UMMADDU isagoo ka xun kana tiiraanyeysan wuxuu tacsi u dirayaa dhammaan bulshada reer Somaliland, gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen dhammaan dadkii dhintay inta dhawaaca ahna waxaannu Ilaahay uga baryeynaa inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

Ururka UMMADDU wuxuu aaminsan yahay in ciidanka qaranku huwan yahay milgihii iyo karaamadii ummadda, una taagan yahay ilaalinta jiritaanka qaranimada Somaliland, mudan yahayna in muwaadin kasta ku xurmeeyo, waxaan ku talinaynaa in laga fogaado xukuumad iyo shacaba wax kasta oo dhaawici kara xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya shacabka iyo ciidanka, gaar ahaan xukuumaddu in aanay u adeegsan ciidanka fal shacabka u tusi kara in ciidanku yahay cadawgooda.

Dhacdadani waxay muujinaysaa inay jirto masuuliyad darro iyo khibrad la’aan ka muuqata qaabka dawladdu u waajahdo khilaafyada ka dhaca dalka oo tani ugu dambaysay, kuwaas oo keenay khasaarooyin laga baaqsan kari lahaa.

Ururka UMMADDU wuxuu u arkaa go’aankii maxkamaddu inuu ahaa mid lagu deg degay oon laga fiirsan caawaqib xumada uu keeni karo, waxaannu soo jeedinaynaa in madaxweynu soo dhex gallo arrinta, isagoo awooddiisa dastuuriga ah u adeegsanaya danta qaranka.

Somaliland waxay ku caanno maashay shacbi iyio dawladba inay wada ilaashadaan wada jirkooda iyo nabadgelyadooda, iyadoo ay caaddo u ahayd wixii khilaafaad ah ee yimaada inay wadatashi iyo isku tanaasul lagu dhamayn jiray.

Sidaa darteed, ururka UMMADDU wuxuu ku baaqayaa in xaalad la dajiyo, laguna dabaalo dariiqa wada hadalka.

Ugu dambayntiin ururka UMMADDU wuxuu hambalyo u diyaraa guud ahaan shacbi weynaha reer Somaliland gudaha iyo dabadba munaasibadda 18 May, 2012 sannad-guurada 21aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland,” ayuu Eng. Cabdirashiid Maxamed Cali ku soo xidhay warsaxaafadeedkiisa.

wariye siciid xuseen yuusuf

Cali Warran-cadde oo Tilmaamay in Lagu Degdegay Xukunnada Lagu Riday Dablaydii Ciidanka Weeraray
Hargeysa (Somalilandfuture)Wasirkii hore ee Duulista iyio Hawada Md. Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa xukunkii lagu riday kooxda dablayda ahayd ee weerarka ku qaaday ciidammada qaranka ku tilmaamay mid lagu deg degay, isaga oo sidoo kalena beeniyey weerar sheegaya in dhulka fadhiisimada ciidanka u ahaa ee shaqaaqadu ka dhacday aan la siin shirkadda Dahabshiil.

Md. Cali Warran-cadde oo maanta  hudheelka Safaari shir jaraa’id ku qabtay, waxa kale oo uu tacsi u diray dhammaan dadkii ku geeriyooday dhacdadaas foosha xumayd.

Md.Cali Warran-cadde, waxa uu tilmaamay in arrintaasi ahayd mid aan loo baahnayn inay dhacdo, waxaannu dawladda iyo shacabkaba ugu baaqay in la ilaaliyo nabadda Somaliland ku faanto.

“Arrintaasna xogogaal badan baan ka ahayn, waxaanan filayaa halkaa ay maanta gaadhay ku gaadhay talo xumo, waxa meesha jiray ee la isku hayeyna waa dhul. Dhulkaasna waxaan rajaynayaa in si sahal ah lagu dhammayn doono markay ka wada hadlaan beesha dhallinyarada shaqaaqadu ay dhex martay ciidanka ka soo jeedaan iyo dawladda oo go’aan fiican laga gaadhi doono, runtiina waannu ka xunahay, shaqaaqada meesha ka dhacday ee lama filaanka ah, ummaddana waxaannu  leenahay arrintaasi mid lama filaanay ahayd, mana jeclin inay dib-u-dhacdo, inaannu ka hawlgalnana diyaar baannu u nahay, dawladdana waxaan ku boggaadinayaa inay si wanaagsan oo nabadgelyo ah uga hawlgasho, waxaanan rajaynayaa in waxyaabo badan oo shaqaaqadaas la dhex galayiyey oo qaranimada waxyeelaysa meesha ay ka baxdo oo war-xumo tashiilka aan danta inoo wadin ka faa’iidaysan, meelo hoose iyo shakhsiyo wax lagu soo celinin. Sidaa awgeed, waxaannu ballanqaadaynaa in arrintaa gacan buuxda lagu qabto, nabadgelyadana la ilaaliyo, wixii dhib ah ee jirana si degen lagu xaliyo,”

Md. Warran-cadde, waxa uu intaa ku daray; “Arrinta kale ee keentay saska faraha badan ee dadku ilaa xalay ka qayliyey waxay ahayd xukunkii degdega ahaa ee qaadigu ku riday dhallinyaradii shaqaaqadu ciidanka dhex martay, xukunku wuu dhacaayo, haddii dawladda iyo shacabka wax dhex maraan in dawladdu xukun rido, laakiin sasku wuxuu ahaa dilka faraha badan ee qaadigu xukumay, taana waxaannu leenahay waxa ka dambayn doona xikmadii iyo caqligii Somaliland halkaas ku soo gaadhay, talada madaxda qaranka iyo ta odayaasha ay ka soo jeedaan inamadaasu, markaa taana waxaan qaba inaan wax dhib ah ka iman dadka saska ka qaaday oo ay is dejiyaan, arrintaasina dhib kale inagu soo kordhin, waxaanan leeyahay ha laga daayo arrimaha foosha xun ee fara badan ee dilka keeni doona dhinac walba ha ka yimaadee oo arrintaasi siday tahay ha loo xaliyo.”

Wasiirka hore ee Duulista iyo Hawadda Cali Warran-cadde, isaga oo ka haldaaya wararka sheegaaya in dhulkaa la siiyey shirkadda Dahabashiil, waxa uu yidhi;“Waxaan jeclahay inaan bayaamiyo arrinta Dahabshiil, waxaana la yidhi si xun wax u sheeg sixir ka darran, Dahabshiil waa nin oday ah oo muxtarim ah, waana baayac-mushtar, mana qabo inuu yahay nin u bahaan dad masaakiin ah dhul ay leeyihiin oo u hunguroon karaya, xogogaal baanan u ahay arrintaa wax alaale wax ka jiraa ma jirto, waana shaki ummadda la galiyey oon jecelahay inaan halkan ka caddeeyo inay tahay arrin meel hoose ah in bulshada reer Somaliland la iska hor keeno, waana wax heer qaran jooga waa dawlad iyo shacab dhul ku dacwiyaaya, hore badh baa loo xaliyey, iminkana waa la xalin doonaa.”

wariye siciid xuseen

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo ka Hadlay Xadhigga Laba Suxufi oo Hargeysa ku Xidhan
Hargeysa (Somalilandfuture) Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa ka hadlay xadhigga laba suxufi oo kala ah tifatiraha wargeyska Yool Mr. Maxamed Cabdi Curad iyo Khadar Muuse oo maalintii afraad sifo sharci-darro ah ugu xidhan saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha SOLJA Mr. Xasan Maxamed Yuusuf oo shir-jaraa’id ku qabtay maanta Hargeysa, waxa uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) ku eedeeyey inuu si sharci-darro ah u haysto labada weriye oo bilaa maxkamad ugu xidhan saldhigga dhexe ee booliska Hargeysa, isagoo xusay in wasiirku suxufiintaas u xidhay sifo sharciga baalmarsan.

Guddoomiyaha SOLJA waxa uu sheegay inuu joojiyey wadashaqayntii uu wasiirka daakhiliga kala lahaa sidii loo soo dayn lahaa suxufiyiinta xidhan, maadaama siduu tilmaamay wasiirku ka dhego adaygay arrintaas.

“Anigu wasiirka mar dambe arrintaas kala hadli mayno. Ha haysto labada weriye. Laba telefoon ayaannu ka garaacnay, nagamuu qaban; xafiiskaannu ugu tagnay. Waxaad mooddaa in Wasiirka Arrimaha Guduhu si gaar ah saxaafadda ugu buuxo, laakiin waxay ahayd in uu na dhageysto ama laba daqiiqo nala hadlo,” ayuu yidhi Mr. Xasan Maxamed Yuusuf.

Labada suxufi ee Maxamed Cabdi Curad iyo Khadar Muuse, ayaa la xidhay Salaasadii toddobaadkan, kadib markii ay isku dayeen inay sawir ka qaadaan masuuliyiin dawladda katirsan oo markaa joogay xerada madaafiicda ciidammada magaalada Hargeysa oo  iska horimaad hubaysani ku dhexmaray ciidammada qaranka iyo koox hubaysan.

Iyada oo tan iyo xukuumadda Siilaanyo markii ay talada qabatay tacaddiyada suxufiyiinta madaxabannaan lagula kacaa sii badanayeen, ayey haddana faraha ka sii baxeen dhibaatooyinka weriyeyaasha loo gaysto ee isugu jira jidh-dilka, garaacista, xadhigga, cabbudhinta iyo caga-juglaynta toddobadii bilood ee u dambaysay oo uu Wasiirka arrimaha gudaha ahaa Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo u muuqda inuu si qaawan uga soo horjeedo madaxbannaanida saxaafadda iyo dhawrista xorriyadda weriyeyaashu leeyihiin, isagoo noqday wasiirkii ugu horreeyey ee Somaliland soo mara intii ay jirtay ee bixiya amar ah in hal mar 22 suxufi oo ka hawlgala qaybaha warbaahinta Somaliland xabsiga loo taxaabo.

Wariye Siciid Xuseen Yuusuf

Somalilandfuture Hargeysa

Saed_huseen@hotmail.com

Somalilandfuture@yahoo.com

TeLL4461316

Ururada Aqoonsiga Somaliland U Dooda Ee Ingiriiska Degen Oo Walaac Ka Muujiyay Hab Dhaqanka Xukuumadda Ee Saxaafadda Iyo Qoraalka Ay U Soo Direen
London(Somalilandfuture) )-Kooxda Somaliland Focus UK, oo ah aqoonyahano u dooda qaddiyadda madaxabanaanida Somaliland oo intooda badani u dhalatay dalka Ingiriiska, ayaa walaac ka muujiyay qaabka ay xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ula macaamisho saxaafadda madaxabanaan ee dalka.

Kooxdan oo si weyn codkooda u doodista Somaliland looga dhagaysto dalka Ingiriiska, ayaa waxa ay bishii January ee sannadkan qoraal u soo direen xukumadda Somaliland, taas oo ay ku muujiyeen sida ay uga xunyihiin xaaladda saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland oo shanta bilood ee sannadkan 2012 la xidhay 53 saxafi.

Wakaalad warareed oo caalami ah oo shalay wax ka qortay saxaafadda Somaliland iyo dhibaatooyinka haysta, ayaa waxa ay warbixinteeda ku tidhi “Xitaa ,Somaliland Focus UK, koox hore goob-jooge uga ahayd doorashada, oo si weyn u taageera horumarka Somaliland, iskuna xilqaamay sidii ay ugu doodi lahaayeen helitaanka aqoonsi caalami ayaa walaac qaba. Horaantii sannadkan, kooxdaasi waxay warqad u soo direen wasiirkii Warfaafinta, kaas oo ay kaga dalbanayaan dib-u-habayn lagu sameeyo sharciga saxaafada Somaliland, isla markaana la sameeyo isbedel ku aadan siyaasada xukuumada ee suxufiyiinta. “

Qoraalkaas oo ay magaalada London ka soo dirtay Ms. Cecilia Milesi, ayaa waxa ay ku tidhi “Talaabooyinka lidiga ku ah saxaafadu heer laga murugoodo ayey gaadheen xilligii xukuumadii hore joogtay. Isla markaana waxaan si weyn uga niyad-jabnay aragtida in xukuumada xilligan weli ku socoto adeegsiga talaabooyinkaa hore oo kale.” .

Mr. Michael Walls oo isna ah ajaanib si weyn ugu dooda qaddiyadda Somaliland, kana qayb qaatay in natiijadii doorashadii madaxtooyada ee Somaliland si weyn ugu faafto caalamka, ayaa wuxuu shabakadda Think Africa press, u sheegay “Waxaan qabaa in kalsooni daro ka jirto dhinaca xukuumada,” ayuu  Michael Walls oo ka tirsan Somaliland Focus UK u sheegay Think Africa Press, waxaanu taaciyay “Waxaanay si bayaansan ula macaamili Karin sida loola dhaqmayo halisaha amaanka, sidoo kale aqoon uma laha sida loo kala saaro dhaliilaha fudud iyo kuwa ku dhiirin  bulshada inay rabshado sameeyaan, iyo kuwa mushkiladaha balaadhan keena.”

Rooble Maxamed, oo ah saxafi madaxbanaan oo isna ay wakaaladani la kulantay ayaa soo hadal qaaday dhibaatada kala haysata saxaafada iyo ciidamada Booliska, waxaanu sheegay marka ay wax ka dhacaan suuqa oo kale inay ciidamada ammaanku saxaafadda u diidaan inay sawiro qaataan iyagoo ka fikiraya dhinaca ammaanka, “Laakiin taasi.” Ayuu yidhi Rooble, “Waxay dhibaato ku keenaysaa saxaafadda oo shaqadoodii gudan kari weyda iyo bulshadii xaqiiqda loo gudbinayay oo iyaguna muuqaalo xaqiiqa waaya.”

source geeska

Daawo sawiro dheeraada oo aanu ka diyaarinay dabaaldegii iyo damaashaadkii qarinamada Norwey, dhinaca kalena waxaa si la mataanaysan ay qabanqaabadeedu u socotaa maalinta qaranimada jamhuuriyada somaliland.
OSLO (SLF)-  Waa qoyskii reer boqor oo salaan sharaf ka qaadanayey kumanaan bulshada qaybaheeda kala duwan ee Oslo, waxaanay  gacanta lulayeen oo taagnaayeen muddo lagu qiyaasay 3 saacadood oo xidhiidh ah.    Hadana waxaad hoos ka daawataa sawiro aanu kasoo qaadanay sidii loogu dabaal degey qaranimada Somaliland  sanadkii hore iyo sida ay ku dambayn doonto berri haddii waagu dilaaco.

Somalilandfuture Online.

OSLO

Madaxweynaha Somaliland oo ka qeybgalay Aas Qaran oo loo Sameeyey Marxuum Axmed Maxamed Halac
Hargeysa (Somalilandfuture) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md.  Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo), ayaa maanta  ka qaybgalay aas heer qaran ah oo loo sameeyay Allaah ha u naxariistee marxuum Axmed Maxamed Halac oo ka mid ahaa hal doorkii kaalinta muga leh ka soo qaatay halgankii dib-u-xoraynta Wadanka, kadib markii uu toddobaadkii hore ku geeriyooday dalka Sweden ee qaaradda Yurub.

Waxa aaska marxuunka ka qaybgalay madaxda saddexda gole qaran, mas’uuliyiinta sare ee xisbiyada iyo ururrada-siyaasada, aqoonyahano, siyaasiyiin, madaxdhaqameed iyo boqolaal dadweyne ah.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in marxuun Axmed Maxamed Halac uu kaalin muuqata oo firfircoon ka soo qaatay halgankii dib-u-xoraynta wadanka, isagoo xusay in marxuum Axmed Halac uu ka mid ahaa Aas-aasayaashii ururkii SNM, isla markaana uu ka mid ahaa saraakishii ugu horraysay ee ciidammada booliska Jamhuuriyada Somaliland, gaar ahaan markii ay Somaliland madaxbanaanida ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska.

Waxa madaxweyne Siilaanyo intaas ku daray in marxuumku tan iyo xiligaas uu bulshada dhexdeeda ku lahaa taariikh iyo sumcad weyn isla markaana uu baal dahab ah kaga jiro hawl galadii laxaadka lahaa ee ku wajahnaa nabadayta iyo dibu dhiska qaranimada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu Ilaahay uga baryay inuu marxuunka naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, eheladda, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo imaan ka siiyo.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro),Wasiirka Warfaafinta Md. Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) iyo madaxda xisbiyada qaranka iyo masuuliyiin kale oo halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantood ka warramay aqoontii ay u lahaayeen marxuunka, iyagoo ku sifeeyey inuu ahaa shaqsi waddaniyad jacayl leh, laguna majeerto dulqaad, deeqsinimo iyo isu soo jiidka ummaddiisa, kana shaqeeya horumarkooda, waxaanay Eebbe uga baryeen inuu naxariistiisa janno ugu deeqo, qoyska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Ilaahay naxariistiisii janno ha ka waraabiyee marxuum Axmed Maxamed Halac waxa uu 7-dii bishan May ku geeriyooday waddanka Sweden, waxaannu ka mid ahaa xubnihii isu soo taagay xilka madaxweynenimo ee shirweynihii beelaha Somaliland ku yeesheen sannadkii 1993kii magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal.

Wariye Siciid xuseen yuusuf

Wiil Yar oo Lugaha Maroodiga oo Kale Leh iyo Dhibaataday Mucjisadan ku Hayso
Wiil yar oo u dhashay dalka Uganda, ayaa intii noloshiisa uu ifka joogay waxa uu la taag daranaa lugihiisa oo leekaaday dhumucda lugaha Maroodiga oo kale, waxaana sida dhakhaatiirtu sheegeen ku dhacay caabuq hilibka lugaha ku yaalay barariyey, isla markaana u eekaysiiyey midabka Maroodiga iyo dhumucda luguhiisaba.

Wiilkan yar oo 10 jir ah, lana yidhaa Vincent Oketch, ayaan awood u lahayn inuu lugeeyo, kaas oo qasab ay ku noqotay inuu xidho toobabka hablaha, maadaama saraawiishu u geli waayeen lugihiisa kuwa maroodiga oo kale ah.

Dhakhaatiirta wiilkan yar baadhay oo ka hawlgasha degaanka uu ku nool yahay oo la yidhaa Peta, ayaa waqtigan cabasho u gudbiyey caalamka, iyaga oo ka digay in innanka yari si dhakhso ah u dhiman doono haddii aannu helin daaweyn degdeg ah, taasoo aanay dhakhaatiirta reer Yugandha waxba ka qaban karin.

Aabaha wiilka yar dhalay oo la yidhaahdo Mr. Tito Opoya, aadna uga calool xun xaalada wiilkiisa la soo daristay, ayaa yidhi; “Waa arrin murugo leh dhab ahaantii, maxaayeelay waxa uu xidhaa toob, carruurta kalena way ku dheel dheelaan, waa ilmo yar, laakiin lugihiisu aad u culus yihiin, miisaankiisana aad bay uga culus yihiin.”

Qoyska wiilkan yar, ayaa xaaladiisa ka war helay markii 18 bilood oo kaliyajiray, balse waxa awooddi kari waayeen inay caafimaad u doonaan, sababo la xidhiidha saboonimo aawadeed.

Dhakhaatiirta oo wiilkan yar aad uga dayrisay xaaladiisa, ayaa khubaro Ingiiriiska ah u dirtay qaylo dhaan ah in wiilkan loo fidiyo xaalad caafimaad oo deg deg ah.

Wariye Ibraahin khadar siciid

somalilandfuture Hargeysa

Maxkamadda Sare oo Mudaysay Dhegaysiga Dacwad u Dhexaysay Hoggaanka Xisbiga UDUB
Hargeysa (Somalilandfuture) Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka, ayaa markii u horraysay muddaysay gudogalka dhegaysiga dawcadda la xidhiidha khilaafka u dhexeeya Hoggaanka sare ee xisbiga mucaaridka ah ee UDUB  oo aanu ka soo xiganay wargeyska jamhuuriya ayaa in taa ku daray in

Maxkamadda Sare muddaysay in 20 May 2012 oo ku beegan Axadda toddobaadkan la guddogalo dhegaysiga dawcad ka dhan ah guddoomiyenimadda xisbiga UDUB Md. Md. Daahir Rayaale Kaahin oo uu bishii April ee isla sannadkan 2012 maxkamadda u gudbiyey Guddoomiye-ku-xigeenka UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.

Dawcadda Maxkamadda Sare ee Somaliland mudaysay ka garnaqeeda, waxa la sheegay inay la xidhiidho Guddoomiyenimada UDUB ee Daahir Rayaale oo qayb xisbiga UDUB ahi aaminsan yihiin inay dhammaatay markii lagaga guulaystay doorashadii madaxtooyadda ee dalka ka dhacday 26 June 2010 iyo sharcinimadda go’aanno xisbiga UDUB gaadhay mudadii uu ku-simaha Guddoomiyaha ahaa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.

Khilaafka xisbiga UDUB ayaa bannaanka u soo baxay, kadib markii horaantii bishii January e sannadkan 2012 guddida fulinta UDUB murrashaxa madaxweyne ee xisbigaas u doorteen Jamaal Cali Xuseen, waxaanna go’aankaas ka soo horjeedsaday madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo ku doodayey in murrashaxnimadda xisbiga la qabto marka laga gudbo doorashooyinka golayaasha degaanka, balse Guddoomiye-ku-xigeenka UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa isna dhinaciisa ku adkaystay sharcinimadda go’aanka Jamaal Cali Xuseen loogu doortay murrashaxa jagada madaxweynenimo ee xisbiga UDUB. Waxaannu khilaafkaasi sababay in Axmed Yuusuf Yaasin uu Maxkamadda Sare u gudbiyo dacwad la xidhiidha arrimahaas, taasoo maxkamadduna gudagalka dacwadaas u muddaysay 20 May 2012.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo ku-xigeenkiisa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo muddo dheer ahaa saaxiibo dalka uga arrimin jiray xarunta madaxtooyadda, ayaa xilligan u muuqda kuwo fiintu dhexmiranayso, iyadoo Daahir Rayaale ku doodayo inuu yahay guddoomiyaha UDUB oo wixii go’aanno ah ee xisbigu gaadho aanay isaga la’aantii waxba ka soconayn, halka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin isna dhiniciisa ku doodayo in go’aannadii xisbigu gaadhay oo murrashaxnimadda Jamaal Cali Xuseen ku jirto ay sharci yihiin, isla markaana ay waajib tahay in sidooda loo dhaqangeliyo, maadaama uu ahaa ku-simaha guddoomiyaha xisbiga mudadii Daahir Rayaale dalka ka maqnaa.

Maaha markii u horraysay ee Maxkamadda Sare ee Somaliland ka garnaqdo khilaafka xisbiyada ka dhex dilaaca, balse waxa jiray inay hore uga garnaqday murrankii xisbiga UCID eek ala foggeeyey Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Guddoomiyaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kaasoo hadda ah guddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADANI.

wariye siciid xuseen yuusuf

somalilandfuture Hargeysa

Dabaal dega qaranimada Norwey oo si xawli ah uga socota guud ahaan dalka oo dhan iyo dabaal dega qaranimada dalka Somaliland oo beri ah iyo isu dhoolo tuska labada qaran.
OSLO ( SLF)-  Waxaa si aan kala go, lahayn  uga socda dhamaan gobolada kala duwan ee dalka Norwey dabaal dega maalinta qaranimada dalkaa, iyadoo saaka uu jewigu yahay jewi qaboobe ah oo dhamaan dalka badidiisa uu ka da,yo roobab aan iyana kala go, lahayni ayaanay hadana wax is bedel ah ku samaynin isu socodka iyo damaashaadka qaranimada Norwey, iyadoo aanay dadku warba u haynin in roob da, ayo iyo in kale wadaninimo awgeed.  Waxaa dhamaanba wada xidhan goobaha ganacsi ee kala duwan ee dalka, aan ka ahayn meelo shidaalka laga qaato oo furan.

Shacabka reer Norwey ayaa waxay dhamaan muujinayaan wadan jacayl, isku tiirsanaan, wada shaqayn iyo kalsooni buuxda oo ay isuwada hayaan.  Halkani waa jidkii qasriga qoyska reer boqor ee magaalada Oslo oo ay  isugu soo biyo shubtaan dhamaan dabaal degyada ka socda caasimada dalka ee Olso, iyadoo ay halkaa salaan ku qaataan qoyska reer boqor ee degan dhismaha qurucda badan  ee cad. Waxaanu hadii Allahu ogolaado idiin soo gudbin doonaa warbixino kale oo ku saabsan dabaal dega iyo damaashaadka aanu kala qayb geli doono shacab weynaha Norwey.

Waxaan iyana meesha ka madhanayn in maalintii loo asteeyey qaranimada jamhuuriyada Somaliland ay ku beegantahay maalinta beri ah, iyadoo laga xusi doono sidaan wararka ku hayno dhamaan dalka oo idil iyo dibadiisaba.  Hadaba waxaad hoos ka daawan kartaa dabaal degyada qaranimada Somaliland iyo Norwey oo iksu dhex jir   Goor dhaw filo sawiro dheeraada oo ku raali geliya.

Somalilandfuture Online.

OSLO.