Somaliland Future

Shirkadda Dahabshiil waxay tusaale u tahay Ganacsiga Soomaalida ee ka soo doogey colaadaha” “Warbixin xiiso badan oo uu Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil ka qoray suxufiga Magnus Taylor oo ah Royal African Society website manager & online editor”
Hargeysa (Somalilandfuture) Cabdi-rashiid Maxamed Siciid Ducaale waa Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil. Dahabshiil waxay ka mid tahay shirkadaha u waaweyn caalamka ee dhinaca isu-gudbinta lacagaha, gaar ahaan Geeska Afrika.

Waxa aan la kulmay Cabdirashiid oo ku dhex jira isaga-gooshka hawleed ee xafiisyada shirkadda eek u kala London, Hargeysa iyo Dubai (oo xafiiskeeda u weyn ee labaad ah). Ducaale waxa uu tusaale u yahay mudanka waxyaabaha Soomaalida dibedda u dhoofiso ee laga dheehdo kartideeda: ganacsigeeda miiggan ee firfircoon oo laga wada isla mar qudha xafiisyo caalamka ku kala baahsan oo ka abuura dhaqaale muuqda duruufo aan ehel u ahayn ganacsiga oo adag.

Somaliland waxay ka taallaa gobollada Waqooyi ee Somalia. Waxay la soo noqotay xorriyadeeda sagaashameeyadii iyada oo si weyn ugu guulaysatay inay maamulato hawlaheeda ilaa xilligaas, in kasta oo aanay aqoonsi diblumaasiyadeed ka helin bulshada caalamka sida Qaramada Midoobey, oo dadka reer Somaliland aad uga biyo-diideen, kuna noqon karta laf dhuun gashay shirka Caalamiga ah ee Soomaalida loogu qabanyo London, saamaynna ku yeelan karta mustaqbalka Soomaalida, guud ahaanteedaba.

Haddii laga-maarmi waaga iyo daruuriyaddu tahay horseedka curinta, Dahabshiil baa u ah tusaale cad xikmaddaa. Inkasta oo shirkadda uu ku aasaasay Maamulaha Guud ganacsi guud toddobaataneeyadii, waxa la odhan karaa waxay aad u hanaqaaday ooo ay isu beddeshey qaabka ay hadda u shaqayso laga soo bilaabo dagaalladii sokeeye (ee siddeetanaadkii). Waxa uu Ducaale ii sheegay in duruufaha, fursadaha iyo caqabadaha isbedel ee colaadugu la yimaaddeen ay horseedday in ganacsigii qoyska iyo majarihiisii isla bedelo. Dadakii tirade badnaa ee dagaalladu barakiciyeen ayaa waxay u baahdeen la helo hilin lagu kala helo lacagaha la isu diro, gaar ahaan markii in badani gashay Yurub, Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Maraykanka oo ay daruuri noqotay inay dadkoodii ka dambeeyey sii hayaan xidhiidhkoodii oo wax u soo diraan. Sidaa ayaa isu-diridda lacaguhu u noqotay ganacsi muhim ah oo isla marka ah badbaadiye dhab ah oo aan nolosha aadamuhu ka maarmi Karin.

Waxa shirkaddu awood u yeelatay inay ka hawlgasho deegaamo iyo duruufo aan kuwa la tartami karaa qabatimi Karin, iyada oo si maalinle ah isu gudbineysa kumanaan xawaaladood oo karti iyo degdegsiinyo la yaable leh ku hirgala oo ay sumcad sare ku kasbatay shirkaddu.

Waxa uu Ducaale tilmaamay “maadaama aanu nahay Afrikaan, cidina nooga aqoon badna suuqa Afrika”.

Shirkadda Dahabshiil waxay marar badan ka hawlgashaa dhulalka Soomaalida qaybo aan dawlad adagi ka jirin. Sidaas oo ay tahay dadku mar walba nolol caadi ah ayuu rabaa oo la siman tan dunida kale: daryeel caafimaad, waxbarasho, koronto iyo hoy. Waxa uu Cabdirashid tilmaamay inay shirkaddu u adeegto bulshadaasi.

Cabdirashid waxa uu hoosta ka xarriiqaay in muddooyinkii ka dambeeyey 11 September 2001 ay adkaatay sidii looga shaqayn gudaha dhulalka Soomaalida sababta oo ah shuruucda iyo qawaaniinta caalamiga ah ee xadeeya isu-gudubka lacagaha oo la adkeeyey, iyada oo taasi daruuri ka dhigtay in shirkadduna shraciyadeedii wax badan ku kaabto, hawlwadeennadeedana la daba joogto tababarro joogto ah si ay uga digtoonaadaan lacagaha si qaldan ama xaaraan ah u dhex mari kara shirkadda oo lagaba yaabo in qaarkood loo adeggsan karo kharbudaad.

“Inanu ku dhaqanno qawaaniinta caalamiga ah ee la xidhiidha isu-gudbinta lacagaha waa yoolkayaga kowaad. Run ahaantii inaanu baro dhaafinno si aan goldalooloba looga helin (sistamka) ayaannu bartilmaameedsanaynaa,” ayuu yidhi Cabdirashid, isaga oo dhoollacaddaynaya.

Shirkadda Dahabshiil waxa uu tusaale u yahay ganacsiga Soomaalida ee ka soo doogey colaadaha iyo degganaansha la’aanta ku habsaday bulshada soomaalida. Waxa shirkaddu kulansiisay aqoon iyo xirfad-yaqaannimo dibadeed, hanti ama maalgelin, iyo danayn dhab ah oo ay bulshada ay u adeegto u hayso. Ducaale waxa uu ii sheegay in macaamiisha deggan dibeduhu yihiin xoogga u badan ee maalgelin ku sameeya goobihii ay ka yimaaddeen oo, gaar ahaan, meelaha nabaddu ka hanoqaadday guriyaynta iyo dhismuhu aad xawli ugu socdo.

Bulshada ganacsatada ee Soomaalida ah loogama maarmo barnaamijyada lagu hormarinayo bulshada. Ducaale waxa uu aaminsan yahay in “dawladdu wax badan ka baran karto ganacsatada, oo haddaba wax badan ku celisa bulsha-weynta kale”. Waxa uu Cabdierashid aad ugu hanweyn yahay, ugana raalli yahay barnaamijyada horumarineed iyo taageero ee shirkadaha Dahabshiil dib ugu celiyaan macaamiishooda iyo bulshadaba. Waxa taageerada tooska ah ee Shirkadaha Dahabshiil bixiyaan u weheliya qaybinta mucaawinooyinka iyo gargaarrada hay’adaha caalamiga ahi, sida Qaramada Midoobey, Save the Children iyo Oxfam, u mariyaan bulshada si looga daryeelo adeegyada kala duwan.

Mar aan wax ka weydiiyey in bulshada ganacsatada ah ee Soomaalida lagu marti-qaaday shirka London, waxa uu yidhi “ma filayo” oo tusaysa sida caalamku aanu aad wax uga fahansanayn arrimaha Soomaalida, waayo waayoaragnimada Cabdirashid Ducaale u leeyahay dadkiisa oo kale ayaa wax weyn ka tari lahaa ka-soo-kabashada aqoondarrada innaga haysa qaddiyadaha Soomaalida.

Wariye siciid xuseen yuusuf

Somalilandfuture2030@hotmail.com

SLF Hargeysa

Siyaasadaha Qarsoon ee Israa’iil Ka wado Gudaha Koonfurta Sudan “Warbixin iftiminaysa danaha dawladda Israa’iil ka leedahay dalalka Afrika iyo siyaasadaha dahsoon ee ka dambeeya”. waxa soo ururiyey Cabillaahi Beershiya
“Waxa aan aad ugu faraxsanahay inaan imaado dalka Israa’iil, oo aan weliba cagaha soo dhigo dhulkii awowyaasha… dawlada Israa’iil waa mid ku dayasho mudan, waxaananu ka codsanaynaa inay caawiso dadka ku dhaqan koonfurta Sudan siay u xoojiyaan dawladnimadooda.” Ereyadani  waxa ay ka mid yihiin hadalo xamaasad badan oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha dalka Koonfurta Sudan mar uu safar ku tegey magaalada Telaviv ee xarunta  wadanka Israa’iil.

Xidhiidhka u dhexeeya Koonfurta Sudan iyo dalka Israa’iil maaha mid bilaabmay markii lagu dhawaaqay gooni isku taaga koonfurta Sudan laakiin sida ay sheegeen dadka indho-indheeya arrimaha Bariga dhexe xidhiidhkani waxa uu bilaabmay taariikhdu markay maraysay kontomeedyadii qarnigii ina dhaafay oo ahaa barbilawgii kowaad ee adduunka lagu guud arko dawlad dadka yuhuuda ahi leeyihiin.

Israa’iil waxay awooda saartay inay taageero xooggan oo dhinaca siyaasada iyo milatariga ahba siiso dadka ku dhaqan koonfurta Sudan si ay iskaga difaacaan waxay ku tilmaameen dulmiga iyo xadgudubyada ay wadan dadka reer Woqooyiga ahi. Sidoo kale waxay isku taxalujiyeen inay hoggaanka jabhadu noqdaan dad siyaasiyiin ah oo sita aragtiyaha iyo fikradaha siyaasiyiinta ku dhisan nacaybka iyo naqdiga reer galbeedka iyo Yuhuudu ku hayaan adduun weynaha Islaamka.

Dadka reer Sudan waxay aad uga sheekeeyaan oo aanay iloobin warbixin ka soo baxday machadka lagu kaydiyo taariikhaha yuhuuda ee loogu magac daray xasuuqii loo geystay dadkaasi ee Holy cost oo tilmaamaysay in machadkaasi taageero caadifadeed u hayo dadka ku dhaqan koonfurta Sudan oo uu ku sheegeen inay marayaan xaalkii dadka Yuhuudu marayeen beryo ee ahaa in la gumaado.

Waxa iska cad istiraatiijiyadaha dawlada Israa’iil ka leedahay dalkaasi inay yihiiin qaar aan qarsoonayn oo xataa lagu qoray buuggaagta ay alufaan aqoonyahanada reer Israa’iil, waxa aynu tusaale u  soo qaadan karnaa buug uu soo saaray machadka Israa’iil u qaabilsan arrimaha bariga Dhexe iyo Afrika ’ oo uu qoray Profaseer arrimaha sirdoonka u qaabilsan jaamacada Talabiib  prof Moshe Veghe isaga oo u bixiyey “Israa’iil iyo dhaqdhaqaaqyada xornimodoonka ah ee koonfurta Sudan”, ayaa waxa uu ku sheegay in xukuumadaha iminka ka jira wadanka Israa’iil yihiin qaar fulinaya siyaasadihii iyo dardaarankii uu dhaigay ra’isal wasaarihii ugu horeeyey ee Israa’iil.

Waxa uu sheegay in dardaaranadaas iyo siyaasadahaasi ku qotomeen in Israa’iil taageerto dadka laga tirada badan yahay ee ku dhex nool wadamada Muslimiinta si loo helo awoodo dheeraad ah oo dabada ka riixaya danaha Yuhuuda, taasna waxa lagu gaadhi karaa ayuu yidhi in taageero xoogan la siiyo dadka ku dhaqan kooonfurta Sudan oo doonaya inay ka tashadaan masiirkooda siyaasadeed.

Markii madaxweynaha koonfurta Sudan Salfakeer booqashada ku tegey dalka Israa’iil waxa uu ku dhawaaqay inay Israa’iil tahay dawlada lagu daydo oo ay uga marti yihiin inay dalkooda la dhisto tan iyo inta ay ka noqonayaan nidaam jira oo dhammaystiran, waxa uu kulamo dhaadheer la yeeshay madaxweynaha Israa’iil Shimon Barees oo sheegay inuu kulamo badan magaalada Paris kula qaadan jiray  hoggaamiyayaasha jabhadaha koonfurta Sudan markii uu ahaa wasiirka arrimaha dibeda ee dalkiisa.

Dawlada Israa’iil waxay xidhiidh ballaadhan la samaysatay wadamo badan oo ku yaal Afrika gaar ahaan kuwa leh harooyinka waaweyn iyo webiyada, sidoo kale waxay dalkeeda ku casuuntay hoggaamiyayaal badan oo ka socda dalal ka mid ah qaarada Afrika sida Ethopia, Uganda iyo Kenya,  waxaanay ballan qaaday in xidhiidhkaasi xoojin doonto si loo ilaaliyo maslaxadaha ka dhexeeya wadamadaas iyo Israa’iil ee biyuhu kow ka yihiin maadaama laga yaabo in loolanka adduunku sannadaha soo socda saldhig u noqdaan biyo yaraantu. Waxay dawlada Israa’iil awooda saartaa  siddii ay u ilaalin lahayd xidhiidhka ka dhexeeya dawladaha leh keydka biyaha, maadaama ay tahay dawlad aan lahayn keyd biyood.

Dawlada koonfurta Sudanna waxa ay ugu ballan qaaday inay diyaar u tahay in Israa’iil maalgashato dhulka dihin ee ku yaal weibga Jubba, taas oo keentay in maalqabeennada waaweyn ee Israa’iil si joogto ah u yimaadaan wadanka dhowaanta lagu dhawaaqay si ay u maal gashadaan. Waxa klale oo xusid mudan in dhowaan dalal ka mdi ah qaarada Afrika uu socdaal ku iman doono Ra’isal wasaaraha Israa’iil si loo dhiiri geliyo danaha gaarka ah ee ka dhexeeya wadamadaas.

Ciidamada itoobiya oo kaashanay ku dawulada ku meelgaadhka oo kale wakeegay Ciidamada Al-Shabaab magaalada baydhabo
Hargeysa(somalilandfututure) Ciidamadda Itoobiya oo kaashanya ciidamada  Milatariga ah ee dawlada ku meel-gaadhka ah ee Soomaliya ayaa maanta la wareegay gabi ahaanba gacan ku haynta Magaladda Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwo Soomaliya oo is-garabsanaya ayaa la sheegay inay saaka Magaaladda Galeen iyagga oo aan wax iscaabin ah kala kulmin kooxda Al-shabaab oo hore halkaasi u maamulaysay.

Dadka deegaanka Baydhabo ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalyahanada Al-shabaab ay subaxdii hore ee saaka ay ka baxeen Magaaladda Baydhaba ka dib markii ay ka war-heleen in ciidamo isgarabsanaya oo awood ku soo jeedaan “Degmada Baydhabo waxa soo galay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya, magaaladuna way xidh-xidhan tahay dadkuna waxay ku jiraan guryahooda.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka deegaanka Baydhaba.

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminaya ciidamada DKMG ah ee la socda kuwa Itoobiya ayaa sheegay inay la wareegeen Baydhabo, iyadoo aanay wax dagaallo ah dhicin, isagoo xusay in ciidamadu ay fadhiisimo ka sameysteen gudaha degmada Baydhaba.

Dhinaca kale, ciidamada dawlada ku meel-gaadhka ah ee iyo kuwo Itoobiya oo isgarabsanaya ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta Magaaladda Bardaale oo 50-km u jirta degmada Baydhabo, iyagga oo markaa ka dib la wareegay Baydhaba.

Kooxda Al-shabaab ayaa Magaaladda Baydhaba la wareegtay markii uu Soomaliya Madaxwaynaha ka ahaa Cabdilaahi Yuusuf Axmed, iyagga oo ilaa wakhtigaasi gacanta ku hayey.

Wariye siciid xuseen yuusuf

Somalilandfuture2030@hotmail.com

Shacabka Somaliland ee ku Dhaqan UK oo maanta Isu-soo-bax Ballaadhan ku Muujiyey Rabitaankooda Inay Noqdaan Qaran Madaxbannaan oo Aqoosni Hela
London (somalilandfuture) Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Boqortooyada Ingiriiska, ayaa isu soo bax ballaadhan ku muujiyey cududda taageeraday u hayaan inay noqdaan qaran madaxbannaan oo aqoonsi ka hela dunida, iyaga oo si gaar ah bannaanbaxan ula hor tegay aqalka Raysal-wasaaraha Ingiriiska David Cameron.

Bannaan-baxan ayaa ahaa kii ugu tirada badnaa ee ay isugu soo baxaan qurba-jooga Somaliland, kaas oo uu kala qaybgalay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxmed Maxamuud (Siilaanyo)

Geesta kale banaanbax kan la mida ayaa ka dhacay magaalada danhag ee dalka Holland oo ay isagu kumanaan ka mida jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan dalkaasi ay iskugu soo baxeen, waxaanay banaan baxeyaashaasi socod ku tageen wasaarad arrimaha dibada ee Holland iyo safaarada ingiiriisku ku leeyahay dalkaasi siday saxaafadda u xaqiijiyeen Foosiya Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Obsiiye oo mida jaaliyada Somaliland ee ka qayb qaadanaya banaanbaxaasi ayaa sheegay in safaarada Britain iyo wasaarada khaarijiga Holand in ay u gudbiyeen qoraalo ka waramaya in qadiyada madax-banaanida Somaliland ee ay ka sugayso beesha caalamka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu markii uu maanta mudaharaadku ka dhacayay 10 down Street uu kulan kula yeeshay xafiiskiisa Raysal wasaaraha Britain David Camaron. Waxa kale oo uu madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu ay kulan la yeesheen Wasiirrada arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Britain, kuwaasi oo ay ka wada hadleen cilaaqaadka ka dhaxeeya labada qaran iyo arrimo la xidhidha shirka London. sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka furay magaaladda London urur cusub oo la yidhaahdo ururka iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland oo ay ku jiraan aqoon yahano u dhashay Britain oo ka mid ah saaxiibad.

Isu soo baxan ballaadhan ayaa ah miday shacabka Somaliland ku muujinaayeen mawqifkooda ku aadan shirka lagaga hadlaayo arrimaha Soomaaliya, kaas oo la filaayo inay Somaliland ka muujiso mawqifkeeda ah inay noqoto dawlad madaxbannaan.

Warar kale ee ka soo kordhana waxaannu idinkala socodsiin doonaa barnaamijyada kale ee dambe.

Wariye siciid xuseen yuusuf

Somalilandfuture2030@hotmail.com

Madaxweynaha Somaliland oo lafilayo inuu bari ka Qayib galo Mudaharaad balaadhan oo ka Dhacaya London
London (somalilandfuture) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la filayaa inuu hoggaamiyo mudaharaad ballaadhan oo jaaliyadaha reer Somaliland ka hordhigi doonaan Arbacada bari ah xafiiska Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska ee magaalada London.

Mudaharaadkan ayaa la sheegay inay ka qaybqaadan doonaan dad lagu qiyaasay ilaa hal milyan oo qof oo ka mid ah jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan waddamada Yurub, gaar ahaan dalalka Ingiriiska iyo Holland, iyadoo toddobaadii ugu dambeeyey diyaargarow xooggan loogu jiray qabanqaabada bannaanbaxaas.

Magaalada London ee ah goobta bannaanaxaasi ka dhacayo maanta waxa maalmihii u dambeeyey ku qulqulayey dad tira badan oo reer Somaliland oo ka kala imanaya waddamada dunida, waxana sida la xaqiijiyey halkaas gaadhay jaaliyadaha ku dhaqan dalalka Holland, Belgium, Sweden, Maraykanka, Norway iyo Faransiiska.

Isku soo baxan loo qoondeeyey inuu Arbacada maanta ka hordhaco wajahadda hore ee xafiiska aqalka Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska, isla markaana jaaliyadaha kala qaybgeli doonaan masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, madaxda xisbiyada siyaasadda iyo mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Britian, ayaa ujeeddadiisu tahay mid dawladda Ingiriiska iyo guud ahaan beesha caalamka lagaga dalbanayo aqoonsi caalami ah oo Somaliland ka hesho dunida.

Mudaharaadkan ballaadhan ayaa la doonayaa in lagu soo bandhigo qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii beesha caalamku ugu fidin lahayd aqoonsi diblomaasiyadeed, waxaannu ku soo beegmay isu-soo-baxa jaaliyadaha reer Somaliland maanta u ballansan yihiin shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee Khamiista berri ka qabsoomi doona magaalada London.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan dawladda Ingiriiska Md. Henry Bellingham, ayaa ka qaybgalaya xaflad lagu qaban doono Arbacada maanta magaalada London.

Xafladda  Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Ingiriiska ee Arrimaha Afrika wadajirka uga qaybalayaan, waxa lagu daah-furi doonaa hay’ad cusub oo la yidhaa Hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga Somaliland (SDC), taasoo loo abuuray inay wax weyn ka tarto dhinaca mashaariicda horumarinta iyo maalgashida dalka Somaliland ka helo beesha caalamka.

Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiir Henry, ayaa la filayaa inay munaasibaddaas ka jeediyaan khudbado intooda badan la xidhiidha sidii loo taageeri lahaa horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsatay muddadii ay jirtay.

wariye siciid xuseen yuusuf

somalilandfuture2030@hotmail.com

Madaxii shirkadii Barkaad ee laxayiray oo ka hadlay xayiraad cusub oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka saaray toddobaadkan dhinacyada dhaqaalaha iyo socdaalkaba,
Djibouti (somalilandfuture)- Madaxa shirkaddii Al-barakaad ee la xayiray kadib weerarradii diyaaradaha loo adeegsaday ee Maraykanka lagu qaaday sannadkii 2001-kii Mr. Axmed Nuur Cali Jimcaale, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xayiraad cusub oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka saaray toddobaadkan dhinacyada dhaqaalaha iyo socdaalkaba,

Qaraar ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, gaar ahaan guddiga la socodka cunaqabaynta Soomaaliya iyo Erateriya horraantii toddobaadkan, ayaa Mr. Jimcaale lagu daray liiska shakhsiyaad ka kooban madaxda sarsare ee Al-shabaab iyo dad taageera oo hantidooda iyo dhaqdhaqaaqooda la xayiray, taas oo soo baxday 17-kii bishan. Haseyeeshee, waxa Golaha Ammaanku isla maalintaas ka qaaday xayiraaddii saarnayd hantidii shirkaddii Al-barakaad kadib markii baadhitaan socoday muddo 11 sanno kadib lagu waayey inay xidhiidh la lahayd kooxaha Daalibaan iyo Al-qaacida.

Madaxii shirkadda Al-barakaad ayey warbixintu ku eedaysay inuu taageero dhaqaale iyo mid hub u fidiyo kooxda Al-shabaab, isla markaana uu ka mid yahay dadka siiya dhaqaalaha ugu badan.

Haddaba, Sheekh Axmed Nuur Jimcaale ayaa waraysi ay la yeelatay Idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga waxa uu kaga hadlay xiyaaradda la saaray, waxana waraysigaasi u dhacay sidan:

Su’aal: Sheekh Axmed Jimcaale; Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay wuxuu ku saaray xanibaad soo baxday 17-kii bishan, waa maxay xannibaadaasi?

J: Arrintaasi waa mid aannu ka wareersanahay oo amakaag nagu dhalisay in Golaha Ammaanka ee qaabilsan Daalibaan iyo Al-qaacida maanta lagaa saaro, haddana mid kale ayaa lagu geliyey waa nagu maqal. Si toos ah wax noogu soo gaadhay xafiiska qaabilsan Soomaaliya iyo Erateriya ma hayno, laakiin warkaa waannu maqalnay, aad iyo aad ayaanuna ula yaabbanahay in xaqiiqdii 11 sanno socotay in hal maalin nagala saaro oo haddana la yidhaa waa lagu xayiray waa wax aannu la yaabbanahay. Markaa arrintaasi maaha wax jira ee waa iska been-abuurad.

S: Sida ku qoran warbixinta Golaha Ammaanku soo saaray waxay leeyihiin Xasan Daahir Aways iyo Mukhtaar Robow (Abu Mansuur) ayaad xidhiidh la ahayd, Al-shabaabna waxaad siin jirtay taageero dhaqaale. Waxa kaloo ay soo qaateen inaad sakooyin ururisay oo Al-shabaab siisay. Markaa eedaymahaasi ka hor intii aanay warbixintan qorin wax ma kaa waydiiyeen oo cid ma kaala hadashay?

J: Wax la igala hadlay arrimahaas aad sheegtay ma jirto, waana la yaabay oo haddii arrimahaasi jiraan oo aan falalka noocaas ah ku jiro liiska horeba laga ima saareen. Markaa waa wax aan jirin oo la dhoodhoobay, wax jirana ma aha.

S: Waxyaabaha kalee Qaramada Midoobay soo qaateen waxa ka mid ah adeegga ZAAD oo ay sheegeen in lacago loogu gudbinayey Al-shabaab, lug intee le’eg ayey ku leedahay shirkaddaada isgaadhsiinta ee Hormuud, adeegaasinawaa mid sidee ah?

J: Anigu shirkadda Al-barakaad ayaan guddoomiye ka ahay ee la xidhay oo hadda 23 shirkadood ah ayaan maamulaa, markaa cidda shirkaddaas ka masuulka ah [Hormuud] ayaa su’aalahaa loo jeedin karaa.

S: Markaa liiskan cusub ee lagugu soo saaray maxaad qorshaynaysaa in aad ka samayso?

J: Liiskan kii ka waynaa mar haddii Al-xamdullilaahi xaqiiqdii la ogaaday waxa layaab leh siday isu raaci karto liiskan isla maalin. Anigu liiskan dambe inkastoo aannu wax xafiisku noo soo diray jirin waxaan u arkaa in aannu wax jira ahayn, xaqiiqada ayaana loo tagi doonaa.

S: Ma qorshaynaysaa in aad dib u aasaasto shirkaddii Al-barakaad si ay dib ugu hawlgasho?

J: Waan ka fekarayaa Isha Allaahu waqtigeeda.

wariye siciid xuseen yuusuf

somalilandfuture2030@hotmail.com

Askar ka tirsan ciidamada Maraykanka oo ku Dhintay Diyaarad Kula Burburtay Dalka Jabuuti
Jabuuti (SLF/W.wararka)- Afar askari oo ka tirsan ciidammada Maraykanka ee saldhigoodu yahay dalka Jabuuti ee ka hawlgalla Geeska Afrika, ayaa dhintay, kadib markii diyaarad ay saarnaayeen kula burburtay Sabtidii toddobaadkan duleedka magaalada Jabuuti ee xarunta waddanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka ayaa war ay soo saartay shalay ku sheegtay in afar askari oo watay diyaarad nooceedu yahay U-28 ay ku dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti Sabtidii toddobadkan, kadibna ku geeriyoodeen dhammaan askartii la socday.waranka oo aanu ka soo xiganay wargeyska jamhuuriya ayaa,waxaa lagu sheegay,in

Afarta askari ee Maraykanka kaga dhintay shilkaas oo dhammaantood saraakiil ahaa, waxa ay laba ka mid ah darajadoodu ahayd Captain, mid gaashaanle iyo sarkaal sare oo ka tirsan waaxda 25aad ee wardoonka Ameerikaanka, kuwaas oo sida la sheegay dhowaan laga keenay saldhig la yidhaa Hurlburt oo ku yaal Gobolka Florida ee waddanka Maraykanka Maraykanka.

Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanku waxay in shilkaas diyaaradeed oo dhacay 4:00 galabnimo ee Sabtidii aan ilaa hadda si cad loo la garanayn sababta keentay, balse ay socdaan baadhitaanno lagu xaqiijiyey arrintaas.

wariye siciid xuseen yuusuf

somalilandfuture2030@hotmail.com

SLF Hargeysa somaliland

Nayjeeriya: Dal La Il-daran loolan diineed iyo siyaasad dhinac ka raran “Waxa dalkan ku dhaqan 250 qabiil oo siyaasadii ka dhigay mid xar galay” Qaybtii 2aad.Diyaariye C laahi beeriya
Aqoonyaano badan oo muslimiin ah ayaa markii ay arkeen in dadkoodu ku jiraan xaalad jahawareersan oo siyaasadii dalku ka hiilisay waxay sameeyeen inay abaabulaan xisbi siyaasadeed mucaarid ah oo musharaxiinta Kiristanka ah kula tartama jagada madaxtinimada dawlada dhexe Fadaraalka. Xisbigani waxa uu awooda saaray inuu ka dhex tartamo gobolada ugu muhiimsan ee ay degen yihiin dadka Muslimiinta ah sida gobolada woqooyi oo u badan degaan ahaan dadka Islaamka ah iyo gobolo kale, markii uu ku soo baxay doorashooyinka ee uu ku guuleystay musharaxoodii jagada madaxtinimada wuxuu wax weyn ka bedelay xaaladihii ku sugnaayeen dadka Islaamka ah ee ku dhaqan dalkaasi, isaga oo horseeday in xisbiyadii kale ee aan islaamka ahayn  isku dayaan inay dad islaam ah ka sharaxaan gobolada dadka muslimiinta halkii markii hore aan loo joojin jirin dadkaas.

Madaxweynaha la dortay waxa la odhan jiray Cumar Muuse Yarado,waxaanu jagada madaxtinimada kala wareegay madaxweyne Obosanjo oo muddo dheer dalkaas xukumayey. Madaxdii kiniisada waxay tallaabooyinkan u arkeen inay khatar ku yihiin  jiritaanka dadka kiristanka ah ee ku dhaqan gobolada doorashadu ka dhacday iyaga oo ku andacooday in ujedada ka dambeysaa tahay in dalka amma goboladaas lagu xukumo diinta islaamka kadibna dagaal lala galo dadka Kiristanka ah.

Waxay awooda saareen inay warbaahinta u geliyaan sawir xun oo tilmaamaya in islaamku doonayo dhiiga dadka aan islaamka ahayn, taas oo marka dhinac laga istaago ay gacan ka siisay kooxda xag jirka ah ee loo yaqaano Boko Xaram oo iyadu fuliya hawl galo aan loo baahnayn oo had iyo jeer lagu dhaleeceeyo dadka Islaamka ah ee degen wadankaas.

Haddaba bal aynu si kooban dib u eegis ku samayno wadanka Nayjeeriya oo ka mid ah wadamada Afirka ugu waaweyn haddana aan lahayn siyaasad mideysan iyo horumar la taaban karo, siday tilmaantay warbixin la soo saaray sannadkii 2011-kii wadanka Nayjeeriya waxa ku nool dad lagu qiyaasay 162 milyan oo qof, hantida dihin ee shidaalka u kaydsanna waxa lagu qiyaasay inay gaadhayso 3070 milyan oo tan.

Tiro badnaanta dadka ku dhaqan iyo khayraadka ku kaydsan waxay wadankan ka dhigi karaan  inuu noqdo mid hoggaamiya siyaasada iyo horumarka qaarada Afrika, laakiin dadka ku dhaqan oo u kala xidh-xidhan qabaa’il ka kooban in ka badan 250 qabiil ayaa had iyo jeer ka dhigay wadan siyaasadiisu tahay mid xar galay oo aan firfircooni ku dhex lahayn dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee jira.

Shirkadaha dalka Maraykanka ayaa ku hawlan soo saarista shidaalka wadanka Nayjeeriya , waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay wadanka shannaad ee dalka Maraykanka u dhoofiya shidaalka isaga oo maalin kasta u  dhoofiya shidaal xadigiisa lagu qiyaasay 1.5 Milyan barmiil.

Siyaasad ahaan dalka Neyjeeriya waxa uu ku sugnaa in muddo ahba degenaasho, waxase arrimaha halkoodii hore ku celiyey labadii qarax ee ugu dambeeyey ee dalkaas ka dhacay ciddii kiristanka oo lala beegsaday mid ka mid ah kiniisad ay iskugu yimmaadeen dad xusay maalintii dhalasha Nebi Ciise (SCW) , kaas oo ay wax ku noqdeen in ka badan konton qof.iyo qarax labaad oo lala beegsaday kolanyo ciidan ah oo ay iyadana ku dhinteen tobanaan ciidanka dalkaas ka tirsan.

Waxa arrintaas barbar socday dhacdooyin kale oo lagu qaaday gobolada Islaamka ah, kaas  oo ay ku keceen qaar ka mid ah kooxaha hubeysan ee Kiristanka ah kadib markii ay dab qabadsiiyeen dugsiyo lagu barto Qur’aanka oo ay ku shuf beeleen caruur aad u tiro badan oo laga soo guray lafahoogii oo ku shuf belay sida ay ka sheekeeyeen warbaahinta adduunku.

Haddaba si aynu u fahano halka ay ka bilaabantay dhibaatada baaxada leh ee dhex taala labada dhinac ee loolanku ka dhexeeyo waa dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan gobolada woqooyi iyo dadka Kiristanka ah ee ku dhaqan gobolada Koonfureed waxay salka ku haysaa oo ay ka soo bilaabantay xasuuqii caanka ahaa ee lala beegsaday. Lasoco…

Ansixinta Xeerka Kala Wareejinta Maxaabiista oo Golaha kala Qaybiyey, kana Dhex Abuuray Buuq iyo Sawaxan Fara Taagtaag
Hargeysa (somalilandfuture) – Xidlhibaanno ka biyo-diiday ansixinta Xeerka Kala Wareejinta Maxaabiista, ayaa si weyn u dhaliilay shir guddoonka, iyaga oo golahana ku tilmaamay in uu u afduuban yahay shirguddoonka, waxaanay si tilmaameen in xeerkani uu baalmarsan yahay nidaamka sharci ee golaha u yaala, isla markaana loo hoos raaciyey.

Xildhibaannadan dhaliisha u soo jeediyey shirguddoonka oo ka dareeray ansixinta xeerka kala wareejinta budhcad-badeeda oo warbaahinta kula hadlay xarunta golaha dhexdeeda, kadib markii laga soo baxay golaha, ayaa sheegay in xeerkani ka soo horjeedo diinta islaamka, isla markaana aannu soo marin Guddida Caddaalada Golaha Wakillada oo aanay kala tashiilin in uu xuquuqal-insaanka ka soo horjeedo, diinta iyo dastuurkana waafaqsan yahay.

Xildhibaannada warbaahinta la hadlay oo tilmaamay in mudanayaasha ka soo horjeeda xeerkan u wakiisheen inay hadlaan oo kala ahaa Xildhibaan Bukhaar_, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Xildhibaan Md. Maxamuud Saalax oo ugu horrayn halkaas ka halday, ayaa sheegay in xeerkani aannu waafaqsanayn nidaamka sharci.

“Waxa nagu kalifay inaannu hadalno, waannu badnayne saddexdayadan ayaa loo qorsheeyeye, calaamo aah hore golaha uga dhicin ayaa saaka (Shalay) halkan dhacday. Laba xeer baa jiray mid  waa laga dooday oo doodiisi way dhammaatay oo codayntiisii ayaa la galaayey waa xeerka Budhcad-badeeda, waxa kale oo jira xeer aan lagaba doodin guddidii ku shaqada lahayd oo xoghayihii nagala fadhiyo oo ah Guddida caddaalada aan loo gudbin, xeer hoosaadkii iyo nidaamkii goluhu ku shaqaynaayey la waydaartay ayaa isna cod deg deg ah la galiyey, waana xeer la yidhaa Xeerka Kala Wareejinta Maxaabiista, qaab loo wareejiyo maxaabiista iyo nidaam ka ganacsi maxaabiista ah anigu sidaan u dhadhamiyey weeyaane oo aan wali laga doodin sharciyaqaano la tusin, xuquuqal-insaanka la eegin, waxaas oo dhan iyada oo aan laga doodin ayaa mar kaliya loo coddeeyey,” ayuu ydihi Siciid Cilmi Rooble.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxa uu carrabka ku dhuftay in goluhu shirguddoonka u afduuban yahay, isaga oo tilmaamay in aan xeerar hore oo shirguddoonku wateen la jiidhsiiyey xildhibaannada Golaha Wakiillada.

Golahayagan waayadan dambe runtaa  wanaagsane wuxuu u afduubnaa shirguddoonka, anigu ragga iska yara aamusay baan ahaa, waxyaalahan la aamusayna waxay weeyaan in badan baannu hadlaynay, waxaana jira xeerar badan oo sidaa golaha loo jiidhsiiyey oo ah ka ah xildhibaannaddu inay xisbiyada ka bixi karaan. Sidaad ka war qabtaan Guddoomiye Cirro wuxuu yidhi Waddani baan galay, waxaana weeye saddex xisbi baa meesha lagu fadhiyaa, xildhibaannadan fadhiyaa waxay ku fadhiyaan saddex xisbi oo qudha waa KULMIYE, UDUB iyo UCID, xisbiguu sheegaayo ee uu leeyahay waan ku wareegayna xubin golah kaga jirto uu leeyahay ma jirto, sharciyadaasina  meel alaale meelay noogu taalo annagu garan mayno, laakiin waa waxyaalaha golahan la dhaafiyey, hadduu maanta geeriyoodo oo ay tiisii noqoto Alle kuma keenee, cida beddelaysaa sharciyan waa xubintii UCID ahayd ee ku xigtay, marka runtii waxaad moodaa nidaamkii goluhu u shaqayn jiray iyo nidaamkuu goluhu u dhaartay ee ummadda ugu dhaartay ee uu kaga doodi jiray aad moodo inuu golihi si kale u shaqaynaayo oo la afduubaayo.

Xeerkaa kala wareejinta maxaabiistu sifo sharci ah kagama bixin golaha maanta, guddidii looma gudbin, lagama doodin, waana nala jiidhsiiyey, waxaanan leeyahay Golaha Guurtida arrintaa ha ka doodaan oo ha eegaan.”

Xoghayaha Guddida Caddaalada, ahna Guddoomiye-ku-xigeenka Guddida Caddaalada Golaha Wakiillada Xildhibaan Maxamuud Saalax, ayaa xusay in aan xeerarkan guddida la soo marin, isaga oo tilmaamay labada xeer ee la-dagaalanka budhcad-badeeda iyo kala wareejinta maxaabiistuba ay leeyihiin galdaloolooyin badan, waxaannu yidhi; “Qadiyadda maanta ee saddexdan mudane soo saartay, waa inaannu ka hadalno qadiyad sharci-darro ah oo maanta runtii uu gole weynuhu ku kacay oo ugub ah, golahana aan hore loogu arag una soo marin, xeerarku sida badan waxay ka yimadaan xukuumadda, iyada oo hadba siday u kala mudan yihiin u soo gudbinaysa oo golaha ugu soo gudbiso, xeerku markuu golaha yimaado waxa shirguddoonka caaddo u ahayn inuu u gudbiyo guddida ku shaqada leh si ay u soo habayso, una soo nidaamiso, dastuurka iyo sharciga dalkeena u yaala ula soo eegto, guddidu inta badan waxay kaga hawlgasho bulshada way ka qaybgalisaa.

Runtii waxa layaab nala noqotay, marka laga yimaada xeerka hore ee la-dagaalanka budhcad-badeeda oo isaga laftiisu aan nidaamka saxda ah soo marin, haseyeeshee wuxuu kaga duwan yahay kan kale in isaga dood la geliyey oo laba maalmood laga doodaayey, dabadeedna maanta loo coddeeyey, iyada oo runtii galdaloolooyin badan iyo arrimo kale oo badan ay ku duugan yihiin, haddana goluhu si midaysan ayuu ugu coddeeyey, haseyeeshee waxa taa cagsigeeda xeer aan guddigaya caddaaladara, garsoorka iyo shuruucda ah oo ay ahayd in xeerka la soo mariyo aan la soo marin, shala xeerka la keenay, shala la qaybiyey, dib-u-habayn baa lagu soo sameeyey, maantana waa la qaybiyey, walina waxaan dhicin in xeer aan goluhu ka doodin haba yaraatee la yidhaa cod ha la geliyo, taasina waxay khilaafaysaa xeerkii goluhu ku shaqayn jiray.

Xildhibaan Bukhaari oo isagu ka mid ahaa mudanayaashii hore uga soo jeeday xeerka la-dagaalanka budhcad-badeeda, ayaa xeerka kala wareejinta maxaabiista ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn shuruucda, isla markaana sida lagu ansixiyey aanay waligeed golaha uga dhicin, waxaannu yidhi isaga oo arrinta sharraxaaya; “Waxa kaliya oo muhiimadu tahay inaanay hore Golaha Wakiillada ee Jamhuuriyadda Somaliland ee la doortay ee aannu hada fadhino iyo golihii ka horreeyey ee saamiga beelaysan ku fadhiyey midna aanay uga dhicin xeer intuu golaha soo galo, isaga oo aan la garanay waxa ku qoran iyo waxa uu yahay, guddina aan la soo marin, laga doodin, inta halkaa la istaago aanu nidhaahno aannu u codayno wax hore uga dhacay maaha golahan, waana wax ku cusub dhaqanka siyaasadeed iyo xeerarka Somaliland ka digsan ee la yaqaanay, waxaanad arkaysaa waxba dabada ka riixaya, waana danno shakhsi, waxaanan u arkaa labada xeerba  inaanay ka madhnayn qaab ganacsi oo la sheegay oo kaw ahayn oo laba ahayn in xeerarkaas lacagi ku xidhan tahay in maxaabiista laga faa’iidaysoo ah haddaad xeerkaa noo samaysaan oo hebel noo keentaan anana hebel idiin keeno, intaasaad helaysan, waxa maanta inagu ceeb ah oo sharaf xumo ku ah qaranka Somaliland golayaashiisa oo dhan inaynu jidayno xeerarkii bulshadan dadkooda lagaga ganacsan lahaa madaxooda ee meel lagu gayn lahaa, waxaanan qabaa inay arrintaasi meel –ka-dhac qaran tahay.

Maanta annagu waxaannu la mid nahay tuugtii la qabqabtay ee dabadeed jeelka inta lagu guray, damceen inay meel ka dhaceen, markay meeshii ka dhaceen ayey god samaysteen, godkiibay ka daateen mid baa waxa la yidhi meeshiibu ku xanibmay oo nin buuran buu ahaa, dabadeedna maxaabiistii dil bay ku xukunaayeen, waxay yidhaahdeen; maxaynu yeelnaa ninkani dhinacna u dhaafi waaye laba aynu u kala jarno, wuu maqlayaa isagu, markaasuu intuu qayliyeybuu yidhi hayaay waar na qabqabtaay, waannu dhacaaynaaye, askartii meeday. Annigu maanta waxaan leeyahay qaabkii Golaha Wakiillada iyo dadkii ummadda lagu aaminay qaylooyin hore oo ka dhacay wasaaradaha iyo xukuumadda dhexdeeda waad maqlayseen, golihiina waad na maqlaysaan xaalkayagu waa na qabqabta, dalkii waxa lagu wadaa waddo aan hore u jiri jirin oo aan la fahmi karayn oo xataa aad arkayso maxbuuskaa Berbera amma Mandheera ku xidhan ayaa la leeyahay hebel baannu waraysanaynaa, waxbaannu waydiinaynaa ee meel hebla noogu oo beddela, waa wax aan dhaqankeena ahayn, xataa dhaqankeena iska daaye dhaqan Islaam baanay ahayn.

wariye siciid xuseen yuusuf

somalilandfuture2030@hotmail.com

Hargeysa: Jaamacadda Admas oo Caawa si Weyn Looga Xusay Maalinta Afsoomaaliga ee 21February
Hargeysa (somalilandfuture)Xuska Maalinta Afsoomaaliga oo ku beegan 21 February, ayaa xalay si weyn looga xusay Jaamacadda Admas ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadda xuska oo si weyn loo soo qabanqaabiyey, waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Md. Cabdillaahi Cismaan Geel-jire,

Abwaan Axmed Aw Geedi, Agaasimaha Tacliinta Sare Mr. Khadar, Qoraaga weyn ee Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo, masuuliyiin ka socda ururka qorayaasha ee PEN, maamulka, macallimiinta iyo ardayda Jaamacadda Admas.

Guddoomiye-ku-xigeenka Jaamacadda Admas Mr. Xuseen Cabdillaahi Maxamed oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa ka warramay qiimaha uu Afsoomaaligu u leeyahay dhallinyarada waxbaranaysa, isaga oo si weyn ugu mahadceliyey masuuliyiinta la soo qabanqaabiyey oo ay ka mid yihiin ururka qoraayada ee PEN iyo qoraaga Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo, waxaannu ku ku dhiirigeliyey ardaydiisa iyo ardayda jaamacadaha kale inay gacanta ku dhigaan, isla markaana dib boodhka uga tumaan Afsoomaaliga.

Qoraa Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer uga waramay marxaladihii uu soo maray qoritaanka Afsoomaaligu, waxaannu faahfaahin ka bixiyey xaaladda dhabta ah ee uu waqtigan ku sugan yahay, isaga oo sheegay in qarka u saaran yahay in Afsoomaaligu dabar-go’ haddii aan da’ yartu u dedaalin dib u noolayntiisa, waxaannu xusay in gal-dololooyin badan iyo murano ka taagan yihiin xarfaha shaqalada iyo shibanayaasha ee Afsoomaaliga.

Wasiirka Kalluumaysiga Md. Cabdillaahi Ismaaciil Geel-jire, ayaa iftiimiyey muhiimada Afsoomaaliga, isaga ardayda ku dhiirigeliyey inay ku dedaalan barashada luuqadooda hooyo.

Waxa kale oo halkaas ka hadashay Sacda Muuse oo ka mid ah masuuliyiinta ururka PEN, taas oo si qotodheer uga warantay maraxalada Afsoomaaliga waqtigii la qoray uu soo maray iyo waqtigan halka uu ku sugan yahay, waxaanay iftiimisay kaalinta uga bannaan aqoonyahannada da’da yar oo ay sheegtay inay tahay dardargelinta iyo kor-u-qaadista Afsoomaliga, waxaanay u mahadceliysay Jaamacadda Admas.

Munaasibadan oo ay iska kaashadeen qabanqaabadeeda Jaamacadda Admas, SPI iyo ururka PEN, ayaa Abwaan Maxamuud Jaamac Gaax-nuug halkaas ku soo bandhigay gabay uu si mug leh ugu cabiray xaalada uu ku sugan yahay Afsoomaaligu iyo sida shacabkii lahaa ugu hadlayaan afaf qalaad. Waxa kale oo iyaguna halkaas masrixiyad aad ay ula dhaceen ka soo qaybgalayaasha munaasibadaas ballaadhan ee loo sameeyey maalinta Afsoomaaliga fannaanta Madad Sheekh Ismaaciil, Maxamed Maxamuud Cumar (Busi) iyo Waddani oo si layaab leh u soo bandhigay sida Afsoomaaliga loo bahdilay. Waxaanay riwaayadoodaas ku soo gebagebeeyey in lagu dhiirado kor-u-qaadida luuqada Afsoomaaliga.

wariye siciid xuseen yuusuf

somailandfuture2030@hotmail.com