Faallo: Si fiican ayay BBC-du Hargeysa ugu xustay lixdan-guuradeeda. Laakiin ma beddeli doontaa sida ay ula dhaqanto Somaliland?

July 20, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Waxa Salaasadii Hargeysa lagu soo gunaanaday dabaaldeg Idaacadda iyo Telefishanka BBC-da ka socday muddo toddobaad ah oo lagu xusayey 60-guurada ka soo wareegtay maalintii ugu horraysay ee Laanta Af-Soomaaliga BBC-du hawada soo gasho oo ahayd 18kii July 1957. Xaflad la isku arkay ayaa lagu qabtay makhaayadda dhaqanka ee Hiddo-Dhawr.

Madaxweyne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cabdillaahi “Caddaani”, Wasiirka Qorshaynta Maxamed Aadan ‘Qabyo-tire” iyo madax kale ayaa xuska kala qayb-galay bahweynta BBC-da oo isku soo habar-wacday. Marti-sharaf ka mid ay dhagaysteyaasha BBC-da  ayaa iyagana lagu casuumay munaasibadda.

Fannaaniin caan ah oo ay ka mid tahay mulkiilaha Hiddo-dhawr Sahra-Halgan iyo Ubax-Fahmo ayaa qaaday heeso ay kula dabaal-dagayeen BBC-da. Jawi qurxoon ayay ku dhammaatay xafladdaasi.

Xidhiidhka taariikhiga ah ee Somaliland iyo BBC-da

Codkii ugu horreeyey ee ka baxay BBC-da laanteeda Soomaaliga wuxu ahaa Xaaji Cabdi Ducaale oo ka tagay Raadyow Hargeysa, weriyeyaashii ugu horreeyey ee ka hawlgalayna waxay dhammaantood ka tageen maxmiyaddii Ingiriiska ee British Somaliland.

Muusigii ugu horreeyey ee lagu furay isla markaana ah kan ilaa hadda BBC-du ku soo gasho oo loo yaqaan “Socodka Araweelo” waxa sameeyey Cabdillaahi Maxamed Maxamuud “Qarshe.” Muusigga labaad ee dhextaalka u ahaan jiray haatanse idaacaddu ka guurtay oo ahaa “Baarcadde” waxa sameeyey Maxamed Siciid Gu’-roon-jire. Labadooduba waxay ahaayeen reer Somaliland.

Kaydkii koowaad ee cajaladaha ee BBC-da lagu furay wuxu ahaa kaydkii Raadyow Hargeysa oo BBC-da ka da’ weyn 15 sanno. Sidaas daraadeed, BBC-du way ku ammaanan tahay  in ay garatay halkii ay ka soo unkatay xuskeedana u dooratay Hargeysa.

Sidee BBC-da looga arkaa Somaliland?

Dad badan oo reer Somaliland ahi Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da waxay u arkaan idaacad loo adeegsado borobogaandhooyinka ka dhanka ah qaddiyadda Somaliland. Dareenkaasi waa mid laga siman yahay xukuumad iyo shacab.

Inkastoo Bandhige aanu samayn daraasad cilmi ah haddana dhagaysteyaal door ah oo aanu la xidhiidhay intii uu socday xuska lixdan-guuradu waxay badankoodii sheegeen in ay aaminsan  yihiin in BBC-du aanay dhexdhexaad u ahayn Somaliland iyo Soomaaliya una janjeedho dhinaca Soomaaliya. Qaarkoodna waxayba ugu yeedheen naanaysta ah “Idaacadda Wallaweynta.”

Dareenka ay dadka Somaliland ka qabaan laanta Soomaaliga ee BBC-da wuxu aad u xoogaystay intii ay maamulayeen Yuusuf Garaad Cumar iyo Cabdiraxmaan Koronto oo labadooduba ka soo jeeda Soomaaliya.

Maxay tahay tabashada Somaliland?

Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cabdillaahi Saxardiid “Caddaani” oo shir-saxaafadeed ku qabtay Hargeysa 21kii February ee sannadkan ayaa BBC-da ku sifeeyey idaacad ku foogan dagaal badheedh ah oo ka dhan ah jiritaanka Somaliland.

“Waxay buunbuuniyaan dhacdooyinka yaryar ee aan xididdada lahayn waxayna daaha saaraan horumarka iyo wanaagga ka jira Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale waxay abaabulaan doodo ay had iyo jeer u soo xushaan dadka ka soo hor jeeda Somaliland” ayuu yidhi Wasiir Caddaani. Haseyeeshee wuxu xafladdii loo qabtay lixdan-guurada ka sheegay in BBC-da iyo xukuumaddu ay heshiis ka gaadheen saluuggii jiray.

19kii bishii May ee sannadkan waxa warabaahinta bulshadu ku xidhiidho aad loogu falanqeeyey gef uu Somaliland kula kacay Cabdinuur Sheekh Maxamed mar uu waraysanayey Ayaan Maxamuud Cashuur oo ah safiikra Somaliland u fadhida Ingiriiska. Cabdinuur wuxu yidhi:

“Waxa laga soo wareegay 26 sanno markii ay Somaliland sheegeen in ay ka go’een Soomaalida inteeda kale.”

Markii ay Ayaan u sheegtay in aanay Somaliland ka go’in Soomaali oo dhan balse ay ka go’day Soomaaliya Cabdinuur gefkiisii wuu ku sii adkaystay wuxuuna yidhi “Annagu sidaasaan u dhahnaa!”

BBC-da ayaa sidoo kale caadaysatay in dhacdooyinka ka dhaca Somaliland ay u soo xigato aragtiyo ay Facebook-ga ku qoreen dad reer Soomaaliya ah iyagoo dhacdooyinka Soomaaliya ka dhacana u soo xigta aragtyo lagu sheegay in dad magaalooyinka Somaliland ka soo jeedaa ku qoreen Facebook-ga. Ujeeddadu sida muuqata waa in si dadban maskaxda Soomaalida loogu dhaliyo in Somaliland iyo Soomaaliya isku mid yihiin, dadkuna is oggol yihiin.

Qoraaga caanka ah Boobe Yuusuf Ducaale ayaa sannado ka hor daabacay qormo dheer oo uu ku naqdinayo gefafka ay BBC-du ka gasho Somaliland, qoraalkaas oo uu cinwaan uga dhigay Maydhaanka Taariikhda Soomaaliyeed (Boobe, 2015: Dhaxal-Reeb Labaad, bogagga 57 – 98). Dhallinyarada aqoonyahanka ah iyo suxufiyiinta Somaliland ayaa iyaguna marar badan baraha ay bulshadu ku xidhiidho ku cabbira aragtida ay ka qabaan BBC-da.

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Screenshot Wershad Somaliland Lahayd Oo Ay Bedeleen Warshado Laga Leeyahay Wadamada Chinna Iyo Jabaan/Qalinkii Weriye Cabdiraxmaan Tiriike    August 17, 2017
Hore Waxay U Ahayd Wershad Meel Hal-bawle Ah Ugu Jirtay Umada Ku Hadasha Afka Somaliga Waana Mid Muu
20891354_10214158041289739_240530483_n HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed    August 15, 2017
HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed. Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaft
Baro-bixinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)    August 9, 2017
Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuw
Hambalyo Meher Wacan    August 6, 2017
Xamse Maxamed Carten, Salaabeen Xuseen Cabdi, Sidiiq Cabdi Cismaan, Saleebaan Cabdi looliye, Saalax
Wankii La lumay Baraarka    August 5, 2017
Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
August 2017
M T W T F S S
« Jul    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now