Eedaha Gudoomiye Cali Gurey dusha kaga tuuray Saleebaan Nuur waa baadil.
March 14, 2013 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbexaajadaasi si weyn loo ilaashaddo oo raadkii shalay iyo dhitaddii wacnayd aan dib loo masixin ama loo qubin, hab ku dhisan hirdan bilaa micnaa oo siyaasadda maanta oo qudha joogta ama ku jaan go’an.
Mudane Gudoomiye, inkasta oo muxaafidnimo jirto halkan oo aynu siyaasiyan isku hayno hawlaha Siyaasadda ee dalka oo ku dhisan door muxaafid iyo mucaarid, inkasta oo wadaniyadda, dhaqanka iyo walaaltinimadda aan dhaawac marnaba loo geysanayn mid walbana halkiisa lagu ilaalinaayo, si weyn oo aan ummadda mustaqbalka iyo guur guurka siyaasadeed dhaawac iyo colaad riiq dheeraata aan abuurayn marnaba, laakiin ku dhisan hab wadda jirid guud iyo kala jirid gaara oo ku suntan raacidda hawlaha qaranka, saxidoodda iyo ku guulaysiga kursiga dalka looga arimiyo oo aan u marayno habka asxaabta badan ee maanta aan nahay oo mahiimad weyn iyo mihnad culus inoo leh asxaab Qaran ahaan.
Saleebaan Nuur siyaasiyan waxuu ahaa nin siyaasiyan u ordaayey hogaanka dalka oo xukumadahii hore hogaanadooddii la tartamaayey, si uu u gaadho hogaanka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, laakiin nasiib daro mayna suuragelin oo ilahay ayaan arintaasi qorin. Waxay ila tahay hankaasi iyo halgankaasi Saleebaan Nuur wax ku jira ama dhaliil laga soo saaraa in aanu jirin ama meesha oolin, waayo wacyi taagan ayuu ahaa oo wakhtiga ayaa u saamaxaayey Ina Maxamuud Aadan inuu mucaarid ku noqdo Xukumadahaasi kala danbeeyey ee aad ku sheegtay war saxaafadeedkaagga dhowaan aad ku weerartay Gudoomiyaha Guurtidda Saleebaan Nuur.
Mudane Gudoomiye tan iyo markii aanu qoodha kala reebnay ee nin walba fadhi ugu sheegnay go,aanka, taageeradda iyo kalsoonidda hayaanka kursiga dalka looga arimiyona loo hibeeyey Madaxweynaha maanta taladda dalka haya ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Halkaasi weeye halka Saleebaan Nuur faraskaasi uu kaga tegey iyo hirdankii siyaasiga ahaa ee uu ku hor fadhiyey madaxweynayaashii aad sheegtay ee dalkan soo maray, Saleebaan Nuur iyo khayrkiiba waa rag 100% u qalma hogaanka dalka oo weliba aanu aad ugu caloolsanahay kartidoodda iyo raganimadda ilahay u dhaliyey ee gabashadda aan lahayn. Taageeraddu gundhig ayey leedahay, musdanbeed ayey leedahay ay ka soo fusho oo ah deegaanka iyo dadka uu siyaasiggu metelaayo, taasi oo butdhig iyo sees ay u tahay doonista iyo kalsoonidda bulshadda balaadhan ee reer Somaliland guud ahaan. Siyaasigu markuu tallo iyo taageero mideysan kala yimaaddo deegaankiisa iyo dadkiisa ummadda kalena waxay u hibeynaysaa sahayda iyo sooryadda lagu gaadho kursiga dalka, taasi oo ah hadafkii iyo ujeedooyinkii suurageliyey in raggu faraska Siyaasadda uu u kala dego oo lays kala horaysiiyo.
Maanta ama berito cidda looga baahanyahay ku camal falka taladaasi iyo nidaamkaasi bedeley Saleebaan Maxamuud Aadan, dad badan ayaa looga fadhiyaa inay milicsadaan oo wanaagaasi iyo nidaamkaasi quruxda badan ka soo dheegtaan halkii uu ka yimid iyo ciddii horseeday ayaa loo baahanyahay. Maanta ma haboonna in guul iyo tallo lagu najaxey oo rabi iyo rag ka go,aamiyey in laysku caayo maha ama in wax laga soo saaro maha.
Somaliland waa ardaayo Qaran noqday oo cid walba looga baahanyahay samaha iyo sixitaanka dowladnimo ama Qarannimo. Qoodha iyo haldoorka reer Somaliland markasta waa loo baahanyahay kala reebidoodda marka darka la tago ee waadaanta ama dowlisadda ummadda waraabinayo, ninka loo dhiibaayo la magacaabayo. Hadaba muxaafidnimadda Saleebaan Maxmuud Aadan aad ku sheegtay maanta ayeynu u baahanahay caliyoow in aan ku kala reebno oo banaanka la soo taagno ninkii ragnimadda loo baahanyahay leh oo ka soo baxa deegaankiisa oo dalka iyo dadka reer Somaliland ogolyahay. Siyaasaddu waa go,aan iyo xeer jabjab loo maro hadafka iyo ujeedadda, iyadoo sayladda siyaasadda lagu sixir goosanaayo. Saleebaan Nuur hadalkaasi cad cad ee aad leedahay ayaanu uga tagnay, isagoo ka midda ragga ugu qiimaha badan Ardaagayagga iyo weliba Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Saleebaan Nuur iyo nin weliba in dalkiisa iyo dadkiisa uu muxaafid u noqdaa waa arin gobanimo weeye, waanna mid aan ugu baaqaayo dhamaan haldoorka reer Somaliland in habdhaqankani mahiim yahay oo weliba yahay horumarka dariiqiisa. Inkasta oo loo baahanyahay in dhismaha iyo toosinta sharcigga dowladnimo ama Qaran markasta uu sidiisa u fullo oo waxii qaloocda sharciga ama kefedda iyo miisaanku toosiyo ( check and balance system). Ninka Saleebaan Maxmuud Aadan la yiraahdaa waa Siyaasigayaga, caaqilkayaga iyo weliba suldaankayaga haddii aanu nahay Beesha Solomadow ee taasi nin walowba ogow oo yaanu idinla gaabnaan waa nin dheere.
Cabdilahi Cali Xassan John
Liverpool
UK.
Xigasho: Somaliland.org.
Submitted by: Maxamed Cab/hi Dubbe.
Daawo sawiro qiiro leh iyo dabaaldegii qaranka Somaliland oo aan loo kala hadhin iyo caasimada dalka ee Hargaysa. May 18, 2013
Hargaysa. (SLF)- Waxaa dhamaan dalka saaka looga dareeray dabaal degii ama xuskii 22 guuradii kaso |
Somaliland oo siweyne looga xusay Sanad Guuradda 22 ee ka soo wareegatay Madaxbanaanid Somaliland iyo khudbadii uu Madaxweynehu ka jeediyey maanta May 18, 2013
Dhamaan Bulshada reer Somaliland waxaan ugu Hambalyeynayaa farxada maalinta Qaranimada JSL ee 18 |
Jaamacadda ADMAS oo xaflad Balaadhan Ugu dabaal degtay Sanad-guuradda 22-aad ee Somaliland May 17, 2013
Hargeysa (Somalilandfuture) – Jaamacad ADMAS, ayaa caawa si balaadhan u xustay sanad guurad 22-aad |
|
Somaliland: AU snores as EU runs. May 17, 2013
|
Maamulka guud Xawaaladda Juba Express ayaa Guud ahaan Shacbiga Somaliland u diray dhambaal Hambalyo oo ku waajahan Munaasibadda 18-may Awgeed. May 17, 2013
Hargeysa(SLF)) Guddoomiyaha Xawaaladda Juba Express.Md:C\Salaan Xasan ayaa dhambaal Hambal |
Archives |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Site stats |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||



