Doorka Barnaamijka Xisbiga WADDANI ee cidhibtirka Musuqmaasuqa, eexda iyo qaraabo kiilka

June 30, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

(SLF)- Fakhriga, gaajada, shaqo la’aanta, biyo la’aanta jidadka dayacan, xarumaha caafimaadka bulshada ee liita, inta shaqaalaha inna metela ee cashuurta wadhatada iyo maatida laga ururiyo biishataa ay yihiin kuwo xilka ka dhigta meherad lagu taajiro in duruufaha nololeed ee innagu gadaaman xal loo helo ha filan.

Talada qaranka Xisbiga WADDANI markuu ku guulaysto waxa qorshihiisu yahay in masuuliyiinta xilalka shacabka loogu dhiibaa noqdaan kuwo u adeega ummadda ee aanay noqon kuwo ka adeegta oo meherad ka dhigta shaqada qaranka. Xisbiga WADDANI wuxuu cidhib tiri doonaa oo fiira gaara iyo feejigni u yeelan doona musuqa iyo leexsiga hantida ummadda ka dhaxaysa.

Haddi la weeleyo cashuurta ummadda iyo dhaqaalaha qaranka, loona isctimaalo si aan tagrifal iyo boon ahayn waxa hubaal ah in Gobollada dalka biyo nadiifa, caafimaad, waxbarasho, waddoyin iyo kaabayaasha kale ee dhaqaale ay noqon lahaayeen kuo horumarsan adeeg ahaan.

Xukuumadda hadda jirta suunaheedu waa qaate qaado, masuul kasta oo hayo jago wuxu ka dhigtay goobtiisa hal isaga u irmaan, wuxuu hoos hayaa hadhuubka musuqa een buuxsmin. Waxameeshi ka baxday masuuliyaddi iyo dabagalkii maamul ee lagula socon lahaa masuuliyiinta hantida ummadda boobaysa.

Toddobadaa gu’ ee xukuumadda KULMIYE talada qaranka haysay dhegeheeenu may maqal dhaayahna maynaan saarin hanti dhawr qaran oo xatooyo masuul ku eedaynaaya, marageedda waxa furay guddoomiyihii haayadda la dagaalanta musuqmaasuqa iyo maamul wanaaga ee dhawaan is casilay oo sheegay in musuqii xadhkaha goostay.

Muwaadin kasta kama qarsoona halka iyo heerka maamul xumida iyo maal urursiga xukuumaddu maraayo, waxa jira masuuliyiin bila kooban xilka hayay oo maanta Malaayin lacaga jeebka ku hubsaday. Xukuumadda Xisbiga WADDANI waxay noqondoontaa mid laysla xisaabtamo oo masuul kasta lagu daba joogo shaqada loogu dhiibay shacabka.

CIDHIBTIRKA MUSUQMAASUQA, EEXDA IYO QARAABO-KIILKA (Zero-Tollerance)

Cidhib-tirka aafada musuq-maasuqa maamul, eexda, qabyaaladda, laaluuska iyo xatooyada xoolaha ummadda iyada oo la dejinayo xeer lagu xakamanayo aafadaas, isla markaana sharciga lala tiigsnayo ka qaata, ka bixiya iyo ka dillaalaba ama fududeeya. Waxa la mid ah musuq-maasuqa nidaamka doorashada, sida iibka iyo iibsiga codaynta; laaluska shaqaalaha doorashada iyo wax-isweydaarinta tirada codbixinta iyo ku dhawaaqisteedaba.

Xukuumadda Xisbiga WADDANI waxay ku tallaabsan doontaa:

• Samaynta ‘Komishanka Qaranka ee la Dagaalanka Qabyaaladda’

• Soo-saarista hab-raac lagaga hortegayo musuq-maasuqa oo lagu wacyi-geliyo dadweynaha iyo

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
old man Indhihii Hibashada iyo Xusuusta La Ilmeeyey.    July 23, 2017
Maanta oo Axad ah ayaanu kulanay nin Oday ah oo aanu kawada tirsan nahay bahda shaqaalaha caafimaadk
BBC Soomaali Faallo: Si fiican ayay BBC-du Hargeysa ugu xustay lixdan-guuradeeda. Laakiin ma beddeli doontaa sida ay ula dhaqanto Somaliland?    July 20, 2017
Waxa Salaasadii Hargeysa lagu soo gunaanaday dabaaldeg Idaacadda iyo Telefishanka BBC-da ka socday m
DEG-DAG:- Ciidamada Booliska oo Jeelasha Ku Guray Saraakiil iyo Taageerayaal Ka Tirsan WADDANI+ Soo Dhaweyntii Weftiga Muuse Biixi ee Deegaanada Berbera oo Dadka Lagu Qasbaayey    July 18, 2017
Berbera- (SLF):-Ciidamada Booliska ee goballadaTogdheer iyo Saaxil, ayaa xalay illaa saaka xabsiga u
ahm aroos  1 HAMBALYO AROOS: Ahmed-daahir Maxamud Aw Faarax Iyo Fadxiya Xaaji Maxamed + SAWIRRO    July 17, 2017
Hargeysa— Aabo Maxamud Aw Faarax, Hooyo Faadumo Ibraahin Guled, Aamina Maxamud Aw Faarax, Cabdi Ma
1 Dad aan codba hayn yay ku durbaan tumin    July 17, 2017
Waxaynu aragnaa oo aynu tv yada ka dawanaa ragii dadka boobay oo leh beeshii waatan oo waxay u diyaa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
July 2017
M T W T F S S
« Jun    
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
Site stats
  • Who's Online

    3 visitors online now