DiiwaankaMaansadaTimacadde- Maansayahankii aan muraadsiga aqoon! (WQ: Yuusuf Cabdille Cismaan “Yuusuf-Shaacir” )

July 7, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Qabyaalad iyo jeeroo la naco qaadkan lagu waashay

Qastijeeray wadayeelatoo qawlka kuheshiiso

Qabyoweeye Soomaaliyeey qiiradaadaniye

(SLF)- 14kii June 2017 shirkaddadaabacaadda ee Sagaljetwaxayiigudeeqdaynuqul ka midahDiiwaankaMaansadaTimacadde ee uuqorayBoobeYuusuf Ducaale oo dhawaansoobaxay. Sidaanfilayo, dhawaanahana la soobandhigidoonaa.

Guud ahaan waabuug soo-jiidasholeh marka loo eego qaabkauu u diryaarsanyahay,waxaanay markiiba ishaadu kudhacaysaa sawirka Alle ha u naxariisteeMarxuumTimacadde oo jaldigasare kuyaalla. Waa daabacaaddii saddexaad oo sida muuqata shin-dhalad,tuur iyo tarbiicaba laga hufay.Intiiaan buug suugaaneed arkayay waakii ugu maansooyin badnaa,waxaana kudaabacan 150 maanso.

Cabdillaahi Suldaan oo kucaanbaxayTimacadde wuxuu safka hore kagajiray halyeeyadii tirada iyo tayadaba lahaa ee naftooda u sadqeeyayhalgankiigobanimo-doonkaa ahaa soona hooyay calanka maantaSoomaalidu kufaanto.Hibooyin is barkan ayaa Alleku mannaystay Timacacde.Wuxuu ahaa maansoyahan Alle u sakhiray curinta ama falkinta tixeed sidauuisaguba kusheegay dhawr gabay oo ay ka midyihiin“Masoo ururiyo ee keyga waan igadh salaaxaaye” iyo “Meer meerimayo oo tixaan meel dhaw ku ogaaye.”

Waxaa kale oo cajiib ahayd haybaddii iyo luuqdiiuukuhantiyaydhegeha dadwaynaha taasoo aragtidiisa sugaaneed u gudbisay si sahlan marnaba kama uu  leexan mabaadii’diiuu u taagnaa ee ay ka mid ahaayeen waddaniyadda kuwaas oo ka dhex muuqda maansooyinkiisa sidauukusheegay tixo dhawr ah oouu si guud dadweynaha ugu lahadlayey. Isaga oo ka digayay gacmohoorsigawaakiilahaa:

Midigtaaduwaxayxoogsataamaydhagaajada’e

Magaabadahashaadaa ka roon, maydhanaankale’e.

CabdillaahiSuldaan wuxuu ka maansoonjiray qaybaha kala duwan ee nolosha sida dhaqanka,aqoonta waddaniyadda, wadajirka, midnimada bulshada iyo wacyigalinta umadeed. Dhinaca kale wuxuu si farshaxan  ahu tilmaamijiray diinta islaamka isagoo aan baryadaAlle aan ka ciijisijirin. Bal eeg geeraarkan la-yaabkaleh ee xamdi-naqa ah:

CasiiskiiNebiLuud

Kuwiicaasigareeyey

Amaceebtayaqaanay

Habeencawda u gooyay

IlaahiiNebiCiise

Cilmigiisakuqaaday

Ee Cashaduuimandoono

Cawarseefugudhiibayaw

Ilaahiicaadilahaayeen

Cabdigiisaahaynoow

Waxbakuucabanmaynoo

Adaacaalimul- qayb ah.

MaansadaTimacadde laba qodob ayaaugu mudnaa. Midi waxayahaydxornimo-doonkii aan xuduudda lahayn, ta kalenawaxay ahayd digniintiiuu ka bixin jiray xumaanta iyo dib-u-dhaca qabyaaladdu leedahay. Tusaale kooban waxaa inoogu filan xilli uusocday dagaal sokeeye oo u dhexeeyey beeshiisa iyo beel kale ayaa lagu dirqiyey in uu maanso tiriyo oo uu u jawaabo gabyaa ka soojeeday beesha kale. Hase yeeshee jawaabtiiuu bixiyey waxay noqotay mid ka duwan tii la filayey. Indheer-garanadnimadiisu waxay keentay   dhinacyadii is ka horjeeda in uu ka dhigo ardaa kali ah. Waxaanu tiriyey tixdan hal qabsiga iyo maah maahda noqot ay

Doc hadday u wadajeesatoodhawrtodanaheeda

Ooyduul walaala ah tahay duunka ka heshiiso

Dadka kama yaraateen ee ways dabar jaraysaaye

Dubbe madaxa ways kala dhacnaa daa’in abidkeene

Goortay iswada tooxa taa daad u soogalay’e

Dugsi male qabyaaladi waxay dumi somooyeene

 Mar kale isaga oo muujinaya nacaybka uu qabyaaladda u hayay wuxuu yidhi:

Nin qabyaalad beertaw wanaag kuuma soo boxo iyo

Nin qabyaalad heensaynayaa guul ma haybsado

Abwaanku waxaa kale oo uu siwayn ugu  suntanyahay halgan kii xornimo-doon kaa haa. Suugaantiisu waxaya hayd guubaabo, kincin iyo caroog ka nixiya gumaysigii dalka haystay,taasaana sabab u ah in  qofkasta oo bulshada ka mid ah in ay isugu xidhanto calansaarkii 1960-kii iyo geeraarkiiTimacadde ee uu lahaa:

Sayrmawaydo daroortay

Oo siigadii naga maydhayaw

Cidina kaanay nasiine

Saatir noogu yaboohayaw

Sarreeyow ma nusqaamow

Saaxirkii kala guuraye

Aan siduu yahay eegno’e

Kaanasiib kana saar

Dawladihii kala dabeeyey ee rayidka ahaa oo taariikhda kugalay eex, musuq iyo qaraabo-kiil Timacadde iyo qayrkiiba suluug weyn ayay ka muujiyeen. Waana waxyaabihii  soo dadajiyay  inqilaabkii ay ciidamadu kula wareegeen taladii dalka,walow aanu nidaamkii milatiriga ahaa  waxbadan la shaqayn marka la gareebo dhawr tixood oo dhiirigelin ah oo uu bilawgii Kacaanka  curiyey kuwaas oo uu kudoonayey in wax laga qabto musuqa,eexda iyo wixii la hal maala . Waa kiilahaa:

Dhunkaalshilinku jeer uu noqdoo dhuunta mari waayo

Dhacarsiga ladayn maayo iyo dhiilkii lays baray’e

Dhaabbadaa aan soojilay haddii laga dhabayn waayo

Dhutis xaalku kama baaqsadee dhuuxa hadalkeyga

Cabdilaahi Suldaan  naxariistii janno Alle hasiiyee 1973kii ayuu ku xijaabtay Kalabaydh oo galbeed kaga toosan magaalada Gabiley. GeeridaTimacadde oo naxdinteeda lahayd waxay ka hadlisay hal-abuurkii magaca kulahaa suugaanta soomaalida. Aan soo qaadano tixdii Damaq iyo Xusuus ee uu Gaarriye ku sifeeyay Cabdulaahi Suldaan.

Gabaygii xalaashiyo

Xaqa sheeg ha joogtee

Dan kuxeeban jirine

Xeelihadal ku caan baxay

Mabda’aan la xadijirin

Suugaanta xaramka ah

Xurmadeedi yaa marin

Xaasha’e aftahanimo

Haddii uu xabaal galay

Xeeldheereheedii

Haddii xawda laga jaray

Faraskii xiddays naa

Xakamihii ayaa sudhi

Abwaan Hadraawi qoraal uu ku daray Diiwaanka MaansooyinkiiTimacade isna wuxuu ku yidhi:

Cabdillaahi Suldaan shaqsiyaddiisu waxay kugu dajirtaa gabayadiisa iyo erayadiisa. Gabayadiisa iyo erayadiisuna waxay ku dhex jiraan codkiisa. Codka CabdillaahiSuldaan cid waliba way ku qasbanayd in ay u dhegtaagto. CabdullaahiSuldaan shaqsiyaddaas ayuu ahaa xayga ah ee aan intaxabaal lagu riday laga dareerin. Ilaa maanta Cabdillaahi Suldaan wuu dhexjoogaa dadka aqalwalbanawuuyaallaa. Dareenkasta oo qofleeyahayba wuu weheliyaa,dhacdo kasta oo waddaniyaCabdilaahiSuldaan waa ka kaw.Mawqifkaan Cabdillaahi Suldaan ka taagnahay waa mid ixtiraamleh,  xaqdhawr leh, mudnaan leh,  kalgacal leh. Waa taa ta uu xaggayga kuleeyahay CabdilaahiSuldaan. Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo,innagana gabayadiisu meel ha inoo buuxiyeen.

Wixii ay hal-abuurku ka yidhaahdeenTimacadde  iyo tixdiisa aan ku lingaxo geeraarkii ducada ahaaa ee abwaan XuseenAw Faarax.

Alle haw naxariisto

Oo ha u nuuro xabaasha

Iilka neecaw udgoon  iyo

Hakusiiyo naruuro

In uunaar ka xoroobo

Nabigii la xidhiidho

Nasiibkiisa la geeyo

Jannaduu ku negaado

Nimcadeeda ku waaro

Xuurayl cayn ku nikaaxo

Niyaddaan ka duceeyaye

Raxmaankoow igayeel.

Ugu dambayn, BoobeYuusufDucaale oo muddo soddon sanadood ka badan ku raad joogay sooyaalkaTimacadde wuxuu innaga furtay xil iyo waajibaad ummadeed. Waxaan odhan lahaa, anigoo soo amaahanaya tixdii Cali Sugulle uu Muuse Galaal ugu boroordiiqay“Waad gudatay Boobow xilkii kula gudbaanaaye.

Xigasho Xushmad leh: Diiwaanka Maansadii Timacade

Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”

shaacir12@gmail.com

 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Screenshot Wershad Somaliland Lahayd Oo Ay Bedeleen Warshado Laga Leeyahay Wadamada Chinna Iyo Jabaan/Qalinkii Weriye Cabdiraxmaan Tiriike    August 17, 2017
Hore Waxay U Ahayd Wershad Meel Hal-bawle Ah Ugu Jirtay Umada Ku Hadasha Afka Somaliga Waana Mid Muu
20891354_10214158041289739_240530483_n HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed    August 15, 2017
HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed. Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaft
Baro-bixinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)    August 9, 2017
Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuw
Hambalyo Meher Wacan    August 6, 2017
Xamse Maxamed Carten, Salaabeen Xuseen Cabdi, Sidiiq Cabdi Cismaan, Saleebaan Cabdi looliye, Saalax
Wankii La lumay Baraarka    August 5, 2017
Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
August 2017
M T W T F S S
« Jul    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now