Degaanada Kilidhka Shanaad ee ay Degaan Dadka Reer Somaliland oo Xaaladii abaareed ee ugu daran Lagaga soo dayrinayo

March 17, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Burco-(SLF)- Wararka Naga Soo Gaadhaya Qabalayga Gaashaamo ee ay hoos yimadaan Degaanada ugu Badan ee ay dagaan Dadka asal ahaan kasoo jeeda Gobolada Somaliland ayaa Waxaa laga soo dayrinayaa Xaalada Abaarteed ee ka jirta degaanadaasi,

Degaanadaasi oo ay ka jirto Biyo la’aan baahsan, oo ay khatar ugu jiraan dadka iyo duunyada ku dhaqan deganadaasi inay Noloshoodu gasho Cidhiidhi Baahsan oo sababi karta dhimasho tiro badan.
Mar aanu khadka telefonka kula xidhiidhnay dad ku sugan degaanka gaashaamo, daroor, moholin, marsin, iyo degaano kale oo hoos yimada deganaadaasi ayaa waxay dhamaantoodba noo xaqiijiiyeen inaanay haysan biyo ay noloshooda ku badbaadiyaan oo ku filan, Ceelal ay Dawlada itoobiya ugu shubtay biyo iyo qaar ay u dhaamiyeen dadka degaanadaasi kasoo jeeda ee ku nool qurbaha iyo wadamada somaliland na ay gabaabsi kasii marayaan, qaarkoodna ayba gudheen, waa siday hadaladooda u dhigeene.

Kuwaasi oo ka dalbaday dawlada Federaalka Itoobiya, Jaaliyada kasoo jeeda degaanadaasi iyo cid kasta oo wax ka gaysan kartaba inay lasoo gaadhaan caawimooyin lagu badbaadinayo dadkaasi.

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
thumbnail_cabdi caydiid QAYLO-DHAANTA CABDILLAHI JAWAAN – SAX MISE KHALAD? (W/Q: C/RAXMAN CAYDIID)    April 13, 2017
Marka Hore Mahad Oo Dhami Eebe Ayay U Sugnaatay, Nabadgelyo Iyo Naxariisina Suubanaheena Muxammad. M
thumbnail_17309779_425862594415240_4872512848930050901_n Fashilka wasaarada warfaafinta ee ku aadan doodaha lagu wiiqayo jiritaanka somaliland ee kaga imanaya tv yada iyo idaacadaha    April 12, 2017
Fashilka wasaarada warfaafinta ee ku aadan doodaha lagu wiiqayo jiritaanka somaliland ee kaga iman
thumbnail_Dr-Mohaamed-Abdilahi MAQAAL: Dawladda Iyo Nolosha –Qaybtii Koowaad. W/Q: Dr-Mohamed Abdilahi .    April 11, 2017
Q1aad : Falsafadda dawladnimo : ..................................................... Dawladnimoda i
thumbnail_mahad Hargaysa, Caasimad la hagraday (W/Q: Mahad Muxumed C/salaam)    April 6, 2017
Caasimada Hargaysa ee Jamhuuriyada Somaliland waxay baarka ka jartay 25 sanno hase yeeshee isbedel l
thumbnail_abdirashid guledi ahmed Ka-Faaiidaysiga Biyaha Roobka iyo Xakamaynta Gaajada W/Q: Abdirashid Ahmed Guleid.    March 28, 2017
Somaliland, marka la eego xaalada ay hadda ku jirto, waxa lagu tiriyaa wadamada ugu dib-dhacsan mark
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
April 2017
M T W T F S S
« Mar    
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
Site stats
  • Who's Online

    5 visitors online now