DEG-DAG:- Ciidamada Booliska oo Jeelasha Ku Guray Saraakiil iyo Taageerayaal Ka Tirsan WADDANI+ Soo Dhaweyntii Weftiga Muuse Biixi ee Deegaanada Berbera oo Dadka Lagu Qasbaayey

July 18, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Berbera- (SLF):-Ciidamada Booliska ee goballadaTogdheer iyo Saaxil, ayaa xalay illaa saaka xabsiga u taxaabay saraakiil sare sare iyo weli ba taageerayaal ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI iyada oo sida oo kale na albaabadii loo laabay xafiisyaddii xisbigu uu ku lahaa magaalooyinka Dacar-budhuq, Huduse iyo Sheekh.

Saraakiishan la xidh-xidhay oo kala ahaa guddoomiyahii iyo xoghayahii degmada Dacar-budhuq ee xisbiga WADDANI iyo weli ba sida oo kale taageerayaal iyo xubno ka tirsan xisbiga oo kala ahaa Axmed Xasan Maxamuud Halac, Cawli Cabdillaahi Maxamed, Khadar Mire Yuusuf, Cabdi Xasan Qoorcadde iyo Kiiloo Xasan Qoorcadde, ayaa dhammaantood ba xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay ganafka ku dhufteen codsi uga yimi badhasaabka gobalka Togdheer iyo Maayirka Berbera oo ahaa in ay  iska soo casilaan xisbiga WADDANI sida oo kale na ay taageeraan misna ka qeyb-qaataan soo dhaweyn guddoomiyaha KULMIYE looggu sameynaayey deegaanaddaasi oo ay u gogal xaadhayaan labada mas’uul.

Saraakiishan, ayaa hada u xidhan taageerada iyo ka mid ahaanshiyaha ay ka tirsan yihiin xisbiga WADDANI iyada oo sida oo kale na gebi ahaan la la wareegay xafiiskii xisbigu uu ku lahaa degmada Dacar-budhuq oo hada la mariyey midabka calanka xisbiga KULMIYE halka guddoomiyahii xafiiskaasi iyo xoghayahiisii degmadu na ay ku xidhan yihiin magaaada Berbera.

Wararka kale ee na soo gaadhaya, ayaa iyagu na sheegaya in ay xidh xidhan yihiin sida oo kale na ay dhaawacyo qabaan tiro intaa ka badan oo taageero u haysay Xisbiga WADDANI ku waasi oo maamulka gobalka Saaxil uu awood u adeegsaday si aanay u muujinin taageeraddooda Xisbinimo iyada sida dadka deegaankaas na lagu qasbaayey in taageeraan Xisbiga KULMIYE balse waxa xusid mudan in rabitaanka shacabku uu ka awood badan yahay xadhig, cago-jugleyn iyo tacadiyo lagu kala kaco taageerayaal isbedel doon ah.

 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Screenshot Wershad Somaliland Lahayd Oo Ay Bedeleen Warshado Laga Leeyahay Wadamada Chinna Iyo Jabaan/Qalinkii Weriye Cabdiraxmaan Tiriike    August 17, 2017
Hore Waxay U Ahayd Wershad Meel Hal-bawle Ah Ugu Jirtay Umada Ku Hadasha Afka Somaliga Waana Mid Muu
20891354_10214158041289739_240530483_n HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed    August 15, 2017
HAMBALYO MEHER: Shiine Cilmi Kaahin iyo Deeqa Cabdilaahi Maxamed. Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaft
Baro-bixinta ay ereyada qalaad ku hayaan Af-Soomaaliga (WQ: Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”)    August 9, 2017
Afafka adduunku waxay yeeshaan horumar, dib-u-dhac iyo geeri intaba. Af-Soomaaligu wuxu ku jiraa kuw
Hambalyo Meher Wacan    August 6, 2017
Xamse Maxamed Carten, Salaabeen Xuseen Cabdi, Sidiiq Cabdi Cismaan, Saleebaan Cabdi looliye, Saalax
Wankii La lumay Baraarka    August 5, 2017
Xooluhu waa aassaasska nolosha aadamaha, dhaqashada xooluhuna waa lafdhabarta nolosha aynu ku tiirsa
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
August 2017
M T W T F S S
« Jul    
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now