Dalkii Somaliland oo isu rogay dal qabiil hogaamiyo ee aanay xukuumadi hogaamin.

December 9, 2012 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

(Somalilandfuture)-OSLO:        Markaad marto  dariiqyada kala duwan ee degaanada ay ka koobantahay somaliland ama goobaha laysugu miyaado ayaa waxaa dhegahaaga ka badanaya iyadoo lays weydiinayo sidii loo kala helay doorashooyinkii degaanka ee ka dhacay dalka. Hadaba arinta ugu layaabka badani waxay tahay iyadoo dadku halkii ay iska weydiin lahaayeen xisbigee ama xildhibaankee soo baxay ayaa waxaad maqlaysaa ” reerkee ku horeeya magaalo hebla iyo reerkee ugu badan” , kelmadahan qabiilaysan waxay meesha ka saarayaan in aan dadkuba doonayn doorasho mug leh oo wadankooda usoo jiida sumcad balse ay kartidoodii isu geeyeen sidii reer waliba uu reerka kale ee ay walaalaha yihiin u riixi lahaa ama uga sad bursan lahaa.

Waxaynu odhan karnaa waxaa dalkii iyo maamulkii si toos ah ula wareegay sumcad qabyaaladeed oo saamaysay dhamaan bulshaweyntii somaliland.  Markaynu hoos usii daadegno doorashooyinkan dawladaha hoose ee dalka ka dhacay ayaynu odhan karnaa waxay kaw ka tahay soo noolaynta iyo kobcinta qabyaalada iyadoo xitaa warbaahintii ay lakala safatay  ururadii iyo xisbaydii tartamayey waxaanad arkaysaa qaar websityada ka mid ah oo ku talaabsaday amaba aynu odhan karno waxay ka dambeeyeen mudaharaadyadii iyo dilalkii ka dhacay magaala madaxda Hargaysa sida warbaahinta badankeedu carabka ku dhufatayna waxaa kow ka ah rabshadahaa ka dhacay Hargaysa qolada Hadhwanaannews oo aad loogu hanweynaa balse hada aad moodo inay raadkeedii dib u raacday.

Waxaa is weydiin mudan sababta soo noolaysay qabyaaladii markii xukuumadan madaxweyne Siilaanyo talada la wareegtay waayo markaynu dib u jaleecno xukuumadii ka horaysay ee madaxweyne Riyaale qabyaaladu sidan ay hada tahay umay soo fada bixin ee shaadh ayay huwanayd, waxaanu culayska saari jiray inuu cadaadis xoog leh saaro waxyaalaha abuuraya qabyaalada isagoo aan ogaal jirin in shirar beeleedyadan asqaysan ee dalka waalay. Madaxweyne Riyaale wuxuu ahaa madaxweyne aan loola iman ama aan yeelin wixii dadka kicinaya sida: Shirar beeleedyada, qabyaalada qaawan ee lagu ololaynayo ee la leeyahay anagoo reer hebela. Wuxuu kaloo Riyaale ahaa nin cidii kasoo hor jeesata go,aamadiisa aan ka haybadaysan ee jeelka iyo meelo kale u taxaaba.

Hadaba markaynu usoo noqono qabyaaladan soo noolaatay intii xukuumadani jirtay ayaa waxaynu ku sababayn karnaa iyadoo xukuumadani ay aad uga gaabisay cidhib tirka iyo ka talaabsiga magacan kansarka ah ee qabiilaysiga, waxaanay haygooda usii daysay cid walba oo qaab qabiil wax ku doonaysa. Waxaanse aan shaki ku jirin in hadii ay sidan kusii socoto aan wax maamul iyo xukuumad iyo kala dambayntooni jiri doonin oo xaalku ku dambayn doono fawdo iyo qalalaase. Hadiise xukuumadan jilicsan ee Kulmiye ay arintaa soo afjarto oo go,aamo adag kasoo saarto iyo wacdi gelin is bar-bar  socda waxa suurtawda in ay yar shiiqdo oo shaadhkii hore loo huwiyo.

Bal u fiirso xitaa waxaad arkaysaa xildhibaanadii soo baxay oo mid-mid loogu abtirinayo iyadoo lagu soo baahinayo warbaahinta, waa waxyaalaha inagu cusub. ” ma xaqbaa la qaybsanayaa mise meesha qaran tartamaya ayaa ku loolamaya”.

Guntii iyo gebagebo xukuumadan Kulmiye masii jiri doonto hadii xaalku kusii socdo abtirsiimadan iyo tolla,aydan yeedhaysaa. Waxaana hubaala hadii aanay talaabo degdega ka qaadin arinkan qabyaalada ee shaadhkii laga saaray oo aanay gacan bir ah ku qabanin in dalka ay ka talin doonaan madax-dhaqameedyo madax kutiyoobay oo aan dheg la qabto lahayn.

Somalilandfuture Online.

Maxamed C. Dubbe.

mohdubbe@hotmail.com

 

 

 

 

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.

Amas University

Faalooyin
Karaamo qofkeed ma weydo!    August 24, 2016
Dadku badankii aan idhaahdo idilkii, waxey ka helaan, u riyaaqaan, jecel yihiin isla jeerkaasna doon
b Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Wasiir Cali Mareexaan Wiilkiisa Inanta Ilmaadeerka Yihiin Kalida U Saarayso Iyo Sheekh Aadan Siiro Oo Inantiisu Kali U Saartay Dhawaan?‏    August 24, 2016
Waxaa socday ilaa shalay ina wasiir cali mareexaan walaalkii dhalay oo uu adeer u yahay oo warar aan
Mayor ismaaciil Ceerigaabo MayerkaCeerigaabo Ismaaciil X. Nuur Oo Diiday in Dadweynaha Ceerigaabo Biyo la siiyo‏    August 22, 2016
Ismaaciil Xaaji Nuur oo in Mudo ahba Biyaha magaalada Ceerigaabo Xoog ku haystey diidayna in ay Waka
hhybe Taariikh Kooban Oo Ku Saabsan Wasiirka Cusub Ee Wasaarada Duulista Farxaan Haybe W/Q: Cabdiwahaab Tooxyare.    August 16, 2016
Bismillah,waxaan Qalinka u qaatayinaan ka hadlo Taariikh ama Maqaal kooban oo ka waramaya Wasiirka C
Wasiir Baashe Wasiir Baashe Cali Jaamac: Halyey Baal-dahab ah ka galay Taariikhda Somaliland iyo Nabadaynta Gobolada Barri.    August 14, 2016
Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland Mudane Baashe Cali Jaamac Waxa uu Noqday Bil Cusub oo u dhalata
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
August 2016
M T W T F S S
« Jul    
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now