“Dadka wax takfiiriya (dadka Gaalaysiiya) way lumeen, ciddii kale ku deyatana way sii lumaysaa.” Sheekh Maxamed Dirir.

April 17, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Hargeysa-(SLF)- Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir ayaa kula dardaarmay dadka haysta fikirka takfiirka inay Ilaahay uga toobad keenaan, isla markaana aqoon badan u yeeshaan diinta islaamka inta aanay  aqoondaro ugu xukumin dembi weyn ummada islaamka.

Khudbad uu Sheekh Dirir kaga hadlay  fikirka Takfiirka iyo waxa Quraanka iyo sunnaha nebigu CSW ka sheegeen ayaa ku bilaabay sidan: “Taariikhda takfiirka ama in qof la gaalaysiiyo, ma dhoweyn, waxay soo bilaabmatay wakhtigii Nebiga CSW. Waana mushkilad dadka qaarkii sheydaanku kaga faa’iidaysto, oo soo noqnoqota. Nebi Maxamed CSW isagoo ummadiisa dhexjooga oo wax ugu qeybinaya si cadaalad ah ayaa waxa u yimi nin la yidhaahdo Dul-khuwaysira, ninkaa ayaa Nebiga CSW ku yidhi ‘Yaa Muxamad, icdil, Cadaalad ma hayside, cadaalad same? Waa erey gaalnimo ah, mar hadii lagu yidhi Nebi Maxamed CSW oo cadaalad samaynaya, ma haysid cadaalad!, ka dib rasuulku CSW aad ayuu uga cadhooday, ka dib markii saxaabadu arkeen cadhada Rasuulka CSW, waxay u holadeen inay dilaan ninkii, laakiin nebiga CSW ayaa ku yidhi iska daaya, niman Khawaarij la yidhaahdo ayaa ka soo bixi doona.

Sheekh Dirir oo ka hadlayey sababaha keeni kara in qof ku dhaco ficilkan Takfiiriga ah ama gaalaysiinta ayaa yidhi, “Sababaha keeni kara waxa ugu horeeya cilmi-yaraan ama jahli. Dadka in la iska gaalaysiiyo oo eregygaa dadka qaarkii adeegsadaan waxa keeni kara aqoondaro iyo cudurka jahliga. Taasoo keenaysa in dadkii aqoonta diimeed lahaa ee bulshadu ka faa’iidaysay ama iyaguba wax ka faa’iidi lahaayeen ay ka soo bilaabaan, dadka wax takfiiriya way lumeen, ciddii kale ku deyatana way sii lumaysaa.

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey sida Ilaahay inoogu  amaray in waxa la garan waayo loo celiyo dadka aqoonta u leh, ama diini ha ahaato ama maadi ayaa yidhi, “Weydiiya dadka aqoonta u leh” ayuu Ilaahay quraanka inoogu sheegay.

Sheekh Dirir oo bayaaminayey muhiimada in waxii la garan waayo loola laabanayo dadka aqoonta u leh, sida Ilaahay inoogu amray aya ayidhi, “Tusaale, marka immika gurri la qiimaynayo, waxa loo yeedhayaa injineeradii aqoonta u lahaa, hadii cid kale la weydiiyo waxa la saadaalin karaa inuu qiimayn aan sax ahayn ka bixiyo, oo mustaqbalka mushkilad lagala kulmo. Sidoo kale, marka qof aan diinta aqoon u lahayn uu yidhaahdo takfiir iyo gaalnimo uu dadka qiimayntaa ku sameeyo, xaqiiqadu waxay noqonaysaa inuu khalad sameeyo, oo isaga ku soo noqoto gaalnimadu.

“Nebigu CSW waxuu amray inay waajib tahay raadsashada cilmiga, weliba cilmiga diiniga. Ciirciirka jaahilnimadu waxuu keenayaa in dembiyada waaweyn qofka ay ku arkaan ama nusuusta qaarkood oo ereyga gaalnimadu ku soo arooray ay daahirkiisa qaataan, oo qofkii gaalnimo ay ku xukumaan.

Sheekh Maxamed oo sii faahfaahinaya mushkiladaha qofka isagoon diinta islaamka si wanaagsan u baran, dadka ku xukuma aya ayidhi, “Ereyada qaarkood marar gaalnimo sheegaya, marmarna dembiyada waaweyn sheegaya, wax aka mid ah, Kufriga, jaahiliyada, nifaaqa. Daliilada qaarkood ayaa ku soo arooray in qofkaasi gaal yahay, ama jaahiliyada ama cudurka munaafaqa. Sidoo kalena aan looga jeedin gaalnimadii weynayd, ee tilmaamaya in qofkani dembi weyn galay. Tusaale hadaan u soo qaadano, Nebigu CSW waxuu xadiis macnahiisa ku sheegay “qofka muslimka oo la caayo waa Alle-ka-fogaansho, iyadoo lala dagaalamana waa gaalnimo. Marka laba qolo ama qof muslimiin dagaalamaan, dembi weyn ayey ku dhaceen ee gaalnimo, maaha, sida aayada quraanka Ilaahay tilmaamayso, “ Hadii laba kooxood oo muslimiin ah dagaalamaan, dhexdooda heshiisiiya,”

Waxa mafhuuma daliiladaasi noqonayaa, in dadkan wax gaalaysiiya inta ay daahirkooda qaataan dadka ku gaalaysiinayaan, iyagoo qaadanaya in qof kastoo dembi weyn la yimi uu islaamka ka baxo, laakiin Ahlu-sunna waljamaaca waxay qabaan, hadii qofku aanu la iman dembiyadii gaalnimada keenayey, isagoo islaamka dhexdiisa ku sugan, uu dembi weyn ku dhacay, laakiin aanu gaalnimo lagu xukumayn.

Sheekh Dirir oo ka hadlayey sababaha keeni kara in kooxahaa caalamu-islaamka ka soo noqnoqday ee dadka gaalaysiinaya sababaha ku kalifay wax aka mid ah,

Dulmiga lagu hayo dadka diinta islaamka u dhaqdhaqaaqa, oo dadka takfiirka badankoodu waxay ka soo baxeen xabsiyada, oo intii ay xabsiga ku jireen ayey fikradahan qaateen ummada sida inoo gelaysa muslim maaha ee waa gaalo? Taasina ma saamaxayso cadhada ka qabsatay dulmiga lagu sameeyey inuu derejo aanay lahayn dhigo, maxaa yeelay asxaabtii iyo salafkii saalaxa in badan waxay la noolaayeen xukaam aad u dhibi jiray, haddana gaalnimo kumay xukmin ee way la tukan jireen. Sida Ilaahay aayad quraan ugu sheegay, “cadhada aad qof u qabtaan, yaanu cadaalad-la’aan idin gaadhsiin”

Fasaadka, macaasida iyo dunuubta bulshada islaamka dhexdooda ku faafa ayaa sidoo kale keena, oo dadkii xumaa suuqoodu xaami yahay meel walbana loo furayo, dadkii wacnaana la riixayo ama la cadaadinayo, cuqdada ay ka qaadaan ayaa kelifaysa inay dadka gaalaysiiyaan.

Dadkii madaxda wadamada islaamka oo ku dhqmi weyda kitaabkii Alle iyo sunnaha rasuulka CSW ayaa keena, in qolyahaasi yidhaahdaan nimankan aad kitaabka Alle wax ku xukumayn waa gaalo.

Sheekh Dirir oo ka hadlayey mowqifka laga qaadanayo dadkan takfiirka ah aya ayidhi, “dadkan wax gaalaysiiya, waa in arrinkooda dib loo eego, ma dad caadaystay baa, ma qaar u arkayaa in xukunka ay gaadheen xal yahay? Mis ewaa qaar u arkaya falka ay samaynayaan inuu macsiyo yahay? Dib u eegis ayey u baahan tahay.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay inay dhici karto in kuwa gaaladu soo ciyaarsiiyaan dadkan takfiirka ah, maadama ay jecel yihiin in muslimiinta dhexdooda khilaaf yimaado oo qeybsamaan, waxaanu yidhi,

“Gaaladu marwalba way isku mashquuliyaan in dadka Islaamka dhexdooda qeybsamaan, hadafkooda ugu weyni waa in muslimiinta loo qeybiyo kooxo iyo qabaa’il, iyo wadammo, ka dibna cadaawadu dhexdooda ka oognaato, waayo hadii muslimiintu midowdo, caqiido ahaan, siyaasad ahaan iyo cudud ahaanba waxay ka baqayaan inay ku soo jeestaan gaaladu, markaa, Way dhici kartaa in kooxaha takfiirka marar Gaaladu soo samayso iyagoo khilaafka muslimiinta u adeegsanaya.

“sidaa ayaad marar u arkaysaa qof aan diinta wax badan ka aqoon, oo gadh-xiir ah, tayna gashan oo dadkii gaalaysiinaya, diinta uu sheegayo waxa wacnayd inay ka muuqato isaga,ama dhaqankiisa laga arko.”

Sheekh Maxamed oo gebagebadii ka hadlaya sida xalku ku jiro ayaa yidhi, “Xalku waxa weeye in Ilaahay loo noqdo, dadka takfiirka fikirkiisa qaatayna Ilaahay u towbad keenaan, dadka diinta ehelka u ahna wax ka weydiiyaan, aakhiradoodana ilaashadaan. Ummada islaamka waxa lagu dhaliilayo, ee dadkan oo saaraya saxaan. Ilaahay raacitaanka xaqa ha inna waafajiyo dhamaanteen-amiin.

 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Mashruucii Biyo Galinta Tog-Wajaale Halkuu Ku Danbeeyey Tolaw Hagrashadu Ma Wasaarada Biyahaa Mise Waa Xukuumada.    June 16, 2017
Mashruucii Biyo Galinta Tog-Wajaale Halkuu Ku Danbeeyey Tolaw Hagrashadu Ma Wasaarada Biyahaa Mise W
Qalalaasaha Diblomaasiyadeed ee Qatar iyo Carabta kale: Maxaad Kala Socotaa?    June 6, 2017
Shalay 5tii June, 2017 waxa dhacay dhacdo diblomaasiyadeed oo taariikhi ah, dalal badan ayaa xidhiid
Daawo: Mooshin Ka Dhan Kelmadda DHAQAN-CELIS    May 24, 2017
- Barnaamijka kulanka Gorfaynta oo ka baxa idaacadda Radio Maqal oo laga dhegayso Oslo iyo nawaaxige
Maxaynu Ka Baranay Sanadkan 18ka May /Qalinki suxufi madax banan cabdiraxmaan maxamed xidig    May 24, 2017
iyadoo shacbiga  reer somaliland ay ka midyihiin   bulshooyinka caalamka ee dhowaan la jaanqaaday
thumbnail_vvv Hambalyadii 18 May ee Itoobiya oo Jabuuti, Turkiga, Kenya ka aamuseen, oo dareenka shacabka Somaliland    May 20, 2017
Hargeysa- Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa noqday dalka keliya ee ku soo hambalye
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
June 2017
M T W T F S S
« May    
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
Site stats
  • Who's Online

    3 visitors online now