DAAWO/AKHRI:-Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Xadhiga Ka Jaray Xafiis Cusub oo Xisbiga WADDANI Ka Furtay Degmada 31ka May ee Hargeysa

May 12, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Hargeysa(SLF):-Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa xadhiga ka jaray xafiis cusub oo xisbigaasi ka furtay degmada 31ka May ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Cirro oo ay wehelinaayeen siyaasi Jaamac Hilaac, Siyaasi Baashe Yuusuf Axmed, Xoghayeyaal ka soo jeeda deegaankaas iyo weli ba sida oo kale saraakiil ka tirsanaa xisbiga WADDANI, ayaa xaflad loo sameeyey xadhig ka jaristaas waxa ku qaabilay isla mar ahaantaana si niyad samaan ah u soo dhaweeyey Suldaanka guud ee Beelaha Ayuub Suldaan Aadan Suldaan Amiin Suldaan Faarax, Ugaaska Guud ee Beelaha Ayuub Ugaas Ismaaciil Cabdi Hulul, guddoomiyaha qurba-joogta beelaha Ayuub, haween-weyne, dhallinyaro iyo weli ba sida oo kale dadweyne aad u tira badan oo lu laayey calanka liimiga ah e astaanta u ah xisbiga WADDANI iyaga oo sida oo kale na ku dhawaaqayey erayo ay ku taageerayaan xisbigaasi.

Siyaasi Jaamac Hilaac oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa waa uu yidhi. “Horaa qalad innooga dhacay oo aynu u dooranay xisbiga KULMIYE se maanta qaladkeenii waxa aynu ku bedelaynaa xisbiga WADDANI oo wax badan innoo qabanaya, taas baana ayaanu idiin ku baaqeynaa, codkeena na waa in aynu ugu hiilinaa xisbiga WADDANI.”.Siyaasi Jaamac Hilaac

Siyaasi Baashe Yuusuf Axmed oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in ay maanta ka xaafad ahaa ay xisbiga WADDANI ku soo dhaweeyaan degmada 31ka May ee Hargeysa.

“Farxad bay ii tahay in aynu maanta halkan ku soo dhaweyno xisbiga WADDANI oo idinku na aad muujisaan taageerada aad u haysaan iyo cududiina ba oo aad muujisaan in aad dalka hiil u tihiin si aynu dalka uga ridno xukuumaddaa dulmiga wada ee dalkii boobtay, musuqa iyo sicir-bararku na inagu daashaday. Xisbiga WADDANI na wuxu u taagan yahay mideynta dadka la kala qeybiyey, wuxu u taagan yahay dejinta sicir-bararka, wuxu u taagan yahay in uu amniga sugo iyo weli ba in uu keeno Ictiraaf buuxa.”.Ayuu yidhi Baashe Yuusuf Axmed

Guddoomiyaha Qurba-joogta Beelaha Ayuub, siyaasiyiin, wax-garad iyo weli ba sida oo kale dhallinyaro aad u tira badan oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay si aada ugu faraxsan yihiin xafiiska xisbiga WADDANI uu ka furtay xaafadda 31ka May ee Hargeysa, waxaana ay halkaas cod dheer kaga dhawaaqeen in codka beelaha Ayuub ee dega deegaanada Sayla iyo weli ba 31ka May ee Hargeysa ba ay taageeri doonaan xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ay codkooda ugu hiilin doonaan maalinta Doorashada.

Ugaaska guudka ee beelaha Ayuub Ugaas Ismaaciil Cabdi Hulu loo isagu na halkaas ka hadlay, ayaa cod dheer ku taageeray xisbiga WADDANI, waxaana uu sheegay in uu si aada ugu faraxsan yahay in ay xafiis ka furtaan degmada 31ka May isaga oo sida oo kale ifiyey in shacabka deegaankaas uu u soo baxay hilaac uu ku tilmaamay in uu yahay mid wax badan ka bedeli doona horumar la’aanta ka jira deegaanaddaasi.

“ Maanta anaga halkan gu’ baa noo hilaacay, roobaa noo da’ay oo 25kaa sanno ba dawladda waanu ka qataneyn, maanaan arag dawlad iyo waxa ay haysato midna, buurahayaga ayaad ka aragtaan oo waddooyinkayaga ayaad ka aragtaan in ay busaaradsan yihiin sidaas awgeed waxa aan u sheegayaa shacabka degmada 31ka May in dayax innoo soo baxay, dhammaanteena maanta codkeena waxa aynu la barbar istaageynaa xisbiga WADDANI.”.Ayuu yidhi  Ismaaciil Cabdi Hulul

Suldaanka guud ee Beelaha Ayuub oo isna halkaas ka hadlay, ayaa dhankiisa taageero la soo barbar istaagay Xisbiga WADDANI, waxaana uu yidhi: “Aniga waxa ii farxad ah in aan idin arko idinka oo maanta isku soo baxaya oo soo dhaweynaya xisbiga WADDANI, farxad gaar ayey ii tahay shacabkeygoow, horaa god la innooga qaniiney se maanta waxa aan qabaa in aan mar dambe la ina qaniini doonin.”.Ayuu yidhi Suldaan Aadan Suldaan Amiin Suldaan Faarax

Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI oo ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu si aada ugu faraxsan yahay in ay ka xisbi ahaan xadhiga ka jaraan xafiiskan cusub, waxaana uu yidhi:

“Xafiisyo badan baanu soo furnay saddexdii cisho ee ugu dambeeyey oo shacabku sameystay si ay ugu soo biiraan Xisbiga WADDANI, waana xafiiskii Afaraad ee aanu furnay saddexdii cisho ee ugu dambeeyey. Xafiiskan degmada 31ka May wuu iiga duwan yahay xafiisyadii kale oodhan, sababtu na wax kale maaha ee waa xaafaddeydii oo waa halkaan ka deganaa Hargeysa, waa gurigeygii 31ka May, Suldaanku na waa suldaankeygii, Ugaasku na waa Ugaaskeygii. Shacabka xaafaddan degana waxa aan uga mahadcelinayaa in ay iyagu gurigan sameysteen oo sida uu hada idiin sheegayey Baashe na aad idinku qalabeyseen oo weli ba Sagaalka bilood ee soo socda na aad sii bixiseen kiradii Guriga, waxaana ay taasi muujinaysaa dareenka shacbiga oo tilmaamaysa in aad ka niyad jabteen xukuumadda KULMIYE, waxa ay muujinaysaa in aad dooneysaan in uu isbed

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
thumbnail_vvv Hambalyadii 18 May ee Itoobiya oo Jabuuti, Turkiga, Kenya ka aamuseen, oo dareenka shacabka Somaliland    May 20, 2017
Hargeysa- Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa noqday dalka keliya ee ku soo hambalye
thumbnail_cabdi caydiid QAYLO-DHAANTA CABDILLAHI JAWAAN – SAX MISE KHALAD? (W/Q: C/RAXMAN CAYDIID)    April 13, 2017
Marka Hore Mahad Oo Dhami Eebe Ayay U Sugnaatay, Nabadgelyo Iyo Naxariisina Suubanaheena Muxammad. M
thumbnail_17309779_425862594415240_4872512848930050901_n Fashilka wasaarada warfaafinta ee ku aadan doodaha lagu wiiqayo jiritaanka somaliland ee kaga imanaya tv yada iyo idaacadaha    April 12, 2017
Fashilka wasaarada warfaafinta ee ku aadan doodaha lagu wiiqayo jiritaanka somaliland ee kaga iman
thumbnail_Dr-Mohaamed-Abdilahi MAQAAL: Dawladda Iyo Nolosha –Qaybtii Koowaad. W/Q: Dr-Mohamed Abdilahi .    April 11, 2017
Q1aad : Falsafadda dawladnimo : ..................................................... Dawladnimoda i
thumbnail_mahad Hargaysa, Caasimad la hagraday (W/Q: Mahad Muxumed C/salaam)    April 6, 2017
Caasimada Hargaysa ee Jamhuuriyada Somaliland waxay baarka ka jartay 25 sanno hase yeeshee isbedel l
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
May 2017
M T W T F S S
« Apr    
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
Site stats
  • Who's Online

    0 visitors online now