Ciidamada Booliska Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Wariyeyaal Ka Tirsan Talefeeshanka Horn Cable

April 13, 2017 - Written by Maxamed Cabdillaahi Dubbe

Hargeysa(SLF):-Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa xabsiga dhaxe ee magaalada Hargeysa u taxaabay laba wariye iyo sawir qaade ka mid ah hawl-wadeenada ka hawl-gala talefeeshanka Horn Cable, ka dib markii ay saaka isku dayeen in ay duubaan muuqaalka dad ka mudaharaadayey cabasho ay ka muujinayaan xaaladda sicir-barar ee dalka iyo weli ba sida oo kale sarifka lacagaha qalaad oo maraaya halkii ugu sareysay abid taariikhda Somaliland.

Warkan oo ay noo xaqiijiyeen mas’uuliyiinta sare sare ee talefeeshanka Horn Cable, ayaa sheegay in saddex ka mid ah hawl-wadeenaddoodii ay hada ku xidhan yihiin saldhiga dhaxe ee Hargeysa, waxaana wariyeyaashaas ka mid ahaa weriye Cabdiqaadir Saleebaan Codey, weriye Xasan Saleebaan Galaydh iyo sawir qaade Maxamed Axmed Gaabane.

Dhanka kale, ma jiraan illaa hada wax faah-faahin oo ay ciidamada Boolisku ka bixiyeen xadhiga wariyeyaashan balse waxa sida oo kale ay ciidamadu ugaadhsanayaan wariyeyaasha isku deyaaya in ay muuqaalo ka duubaan ganacsatada suuqa waaheen oo maanta sicir-barar awgeed u xidhay meheradahii ay ka ganacsan jireen.

 

Comments are closed.

Amas University

Faalooyin
Mashruucii Biyo Galinta Tog-Wajaale Halkuu Ku Danbeeyey Tolaw Hagrashadu Ma Wasaarada Biyahaa Mise Waa Xukuumada.    June 16, 2017
Mashruucii Biyo Galinta Tog-Wajaale Halkuu Ku Danbeeyey Tolaw Hagrashadu Ma Wasaarada Biyahaa Mise W
Qalalaasaha Diblomaasiyadeed ee Qatar iyo Carabta kale: Maxaad Kala Socotaa?    June 6, 2017
Shalay 5tii June, 2017 waxa dhacay dhacdo diblomaasiyadeed oo taariikhi ah, dalal badan ayaa xidhiid
Daawo: Mooshin Ka Dhan Kelmadda DHAQAN-CELIS    May 24, 2017
- Barnaamijka kulanka Gorfaynta oo ka baxa idaacadda Radio Maqal oo laga dhegayso Oslo iyo nawaaxige
Maxaynu Ka Baranay Sanadkan 18ka May /Qalinki suxufi madax banan cabdiraxmaan maxamed xidig    May 24, 2017
iyadoo shacbiga  reer somaliland ay ka midyihiin   bulshooyinka caalamka ee dhowaan la jaanqaaday
thumbnail_vvv Hambalyadii 18 May ee Itoobiya oo Jabuuti, Turkiga, Kenya ka aamuseen, oo dareenka shacabka Somaliland    May 20, 2017
Hargeysa- Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya ayaa noqday dalka keliya ee ku soo hambalye
Somaliland 18 May 2012..Waa Malintii… Midigta Isqabsaday
Archives
June 2017
M T W T F S S
« May    
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
Site stats
  • Who's Online

    3 visitors online now