Basaasid Cusub oo ka Bilaabantay Goobaha Waxbarasho Caalamka iyo Doorka Somaliland ka Taagan Tahay
April 10, 2012 - Written by EditorMacallimiinta adduunka ayaa khaatiyaan ka taagan dabeecado cusub oo maamulka goobaha waxbarashadu la soo baxaan, kuwaasoo ardayda u adeegsada basaas ahaan si ay wax uga soo sheegaan macallimiintooda inta fasallada lagu jiro, isla markaana u calaamadiyaan ardayda ka soo horjeeda macallimiinta iyo maamulka goobta waxbarashada.
Xoghayaha Guud ee ururka macallimiinta haweenka ah ee Ingiriisku ku bahoobeen Mrs. Chris Keates, ayaa dhaleecaysay ficillada lagula kaco ardayda basaasnimada loo adeegsado, iyadoo ku tilmaantay inay tahay xadgudub ardayda laga galayo, isla markaana lagu barayo waxyaabo dhaqan xumo ah.
Haweenayda xoghayaha ah oo ka hadashay shirkii midawga ururka macallimiinta dumarka ah ee dalka Ingiriiska oo lagu qabtay Sabtidii toddobaadkan magaalada Birmingham, ayaa sidoo kale tilmaantay in macallimiintu cuqdad ka qadeen, kuna kalsoonaan waayeen xirfadooda, iyagoo cabsi ka qaba in ardayda nidaamkan loo isticmaalay saamayn ku yeeshaan, galaaftaanna shaqadooda.
“Macallimiinta iyo ardayda waa la daciifiyey, waana lagu xadgudbaa, iyadoo ardayda maamulku u adeegsanayaan qalab ahaan si ay u basaasaan macallimiintooda. Dugsiyadu waxay noqdeen sida dawlad digtaytar ah,” ayey tidhi Chris.
Masuuliyiin badan oo ka hawlgala goobaha waxbarashada adduunka, ayaa ardayda qaar u tababarta sida baadhayaasha dambiyada si ay u qiimeeyaan in macallinku shaqadiisa ku wanaagsan yahay iyo in kale.
Ururka ay ku bahoobeen macallimiinta haweenka ah ee Ingiriisku, waxa macluumaad ay sameeyeen ku heleen in ardayda qaar ka mid ah fasallada ka dhex abuuraan codayn lagu eryayo amma lagu ogolaanayo macallimiinta, taas oo ay tilmaameen inay halis ku noqotay shaqada barayaasha.
Tallaabadan ayaad mooddaa inay aad ugu soo badanayso dalka Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo maasuuliyiinta goobaha waxbarashada qaar ka mid ah fasalada ku dhex abuurtaan, kuna samaystaan arday u adeegta danahooda, una soo gudbisa waxyaabaha iyaga lidi ku ah, halka qaar kalena u isticmalaan ardaydaas in barayaashooda ay soo basaasaan, kana soo gudbiyaan siday waajibaadkooda shaqo u gudanayaan.
wariye ibraahin khadar siciid
somalilandfuture Hargeysa
somalilandfuture@yahoo.com
Hay’adda Al Nour Charity Foundation oo soo Bandhigtay Mashaariic Khayriya oo ay Dalka ka Fulisay May 25, 2013
Hargeysa (Somalilandfuture)-Hay’adda arrimaah khayriga ah ka shaqaysa ee Al Nour Charity Foundatio |
Haweenay Mareykan ah oo hore loogu Afduubtay Soomaaliya oo ka warantahay hawulgalkii lagu soo furtay May 25, 2013
Haweeney u dhalatey dalka Mareykanka oo ay ciidamada dalka Mareykanka ka soo furteen kooxo Soomaaliy |
Ururka Saxaafadda Somaliland oo ka hadlay xeer Anshax marin ah oo ay la Saxiixdeen Xukuumadda Somaliland May 25, 2013
Hargeysa(Somalilandfuture)Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa sheegay in aanay ku dhaqmi d |
Rabshadii Dhowaan Lagu Dhaawacay Garyaqaan Cali Siciid Jaamac Oo Go’Aamo Laga Gaadhay. May 25, 2013
Ceerigaabo(SLF)- Dhowaan ayay ahayd kolkii dablay hubaysani ay badhtamaha suuqa ceerigaabo ku dh |
Xuskii 18 May Ee Wadanka Turkiga & Wacdarahii ka Dhacay ıstanbul May 24, 2013
Munaasibadan balaadhan ee lagu xusayey sanad guuradii 22aad ee kasoo wareegtay maalintii lagu dhawaa |
Archives |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Site stats |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||



